Wasaaradda Waxbarashadu ma mid Federaalbaa mise waa mid u shaqeysa sidii dowladdii dhexe? Sideese lagu heli karaa waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah?

Waxaa qoran inay Soomaaliya qiyaastii 1,600,000 ay yihiin ilmaha ay da’doodu tahay da’da waxbarashada aasaasiga ah, waana sida ay UNESCO ku qortay qoraaladii ugu danbeeyay oo ay ka qortay xagga waxbarashada dalka, waana inta ay tahay inay helaan waxbarasho aasaasi ah. Waxaanse ognahay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamo tiro yar oo aysan ka jirin waxbarasho dowladeed oo runtii u qaabeysan qaab la isku haleyn karo lacag la’aanna ah. Soomaaliya waxaa waxbarta oo kaliya ardaygii ay waalidkood ka bixin karaan qarashaadka lagu dhigto iskuulaadka sida gaarka ah loo lee yahay marka laga reebo maamul goboleedyo iyagu muddo hore dareemay baahida loo qabo waxbarashada lacag la’aanta ah.
Waxaa kaloo jira iskuulaad ay taageeraan heyadaha taageera waxbarashada aasaasiga oo ay weliba ku tilmaamaan mid gargaar oo aanan u qaabeysneyn qaab waxbarasho joogta ah oo maalin kastaaba ay tahay waxbarasho socon karta amaba mid istaagi karta, maadaama aysan ku dhisneyn qorshe nidaamsan oo si weyn looga fikiray oo la iska warsaday halka ay qarashaadka howshaas lagu wadaayo ay ka imaanayaan. Waxbarashadaasina ma aha mid dabooli kara baahida waxbarashada aasaasiga ee lacag la’aanta ah ee looga baahan yahay inay ka hirgasho dalka Soomaaliya oo dhan.

Read the rest of this entry »

Ujeedka Dawladdnimo: ma dhisid baa mise waa dhawrid?!

Dhaqanka soomaaliyeed oo ku dhisan reer guuraannimo waxa uu saameeyey dhinacyda nolosha oo idil, sida xasilloonida siyaasadeed, nidaamka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu leedahay iyo gabi ahaanba falsafadda nololeed ee bulshadu soo kala dhaxleysay inta dadka ku abtirsada qowmiyadda Soomaaliyeed jiritaankeedu soo ifbaxay.

Nidaamkaas waxaa udub dhexaad looga dhigay howl maalmeedka nolosha, hadday noqon lahayd maareynta khilaafyada soo kala dhexgala beelaha ay ka koobantahay bulshadaas, sida qola walba u adeegsato awoodda wada xaajood ama gorgortan oo ku dhisan quwadda ay kala haystaan labada dhinca. Had iyo goorna waxaa xalka gundhig u ahaa in dhiig la daadiyo oo markaas ka dib xal la raadiyo. Read the rest of this entry »

Mudane Ra’isul wasaare, maamul u sameynta gobollada iyo sameyntii sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen keebaa horreeya?

Waxaan rabaa inaan marka hore ka mahadceliyo kulankii quruxda badnaa ee ka dhacay hotel Jaziira oo uu raisulwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaga jawaabayay su’aalihii dhalintii ka soo qeyb gashay shirkaas ay ku weydiinayeen, oo ay mahadi ha ka gartee ay soo qaban qaabisay heyadda Heritage. Runtii waxa uu ahaa kulan aad loogu baahnaa waxaana rajeyneynaa inuu soo noqnoqdo.

Haddii aan u soo noqdo dulucda maqaalkaan, waxaa shalay raisul wasaaraha la weydiiyay su’aal aan aad ula dhacay oo sida uu sheegay isagu ay weydiisay gabar Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay magaceeda Dahabo, jawaabteedana uu ka dhigay “ Waa sax wasaaraduhu uma shaqeeyaan si federal ah, waxaana wadnaa sharcigii arintaas wax looga qaban lahaa.” Hadaba su’aashu waxa ay tahay ma sharcigi ay ku shaqeyn lahaayeen gobolladu oo iyaga iyo dowladda federaalka kala xadidi lahaa ayey sax tahay in marka hore la sameeyo mise waa in marka hore la sameeyo maamul goboleedyo amaba la magacaabo guddoomiyaal gobol aanan garaneynin shuruucdii u dhaxeysay iyaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya? Read the rest of this entry »

Wasaaradda Maaliyaddu Ma Federaalbaa mise Muqdisho kaliya ayey Wasaarad u tahay?(Xaqiiq badan Ogow)

Xigasho: Allbanaadir

Waxaa la yaab leh qaabka ay dowladda federaalka ahi ay maamullada dalka ka jira oo ah, kuwa ay dowladdu magacawday iyo kuwa iskood isu maamula ay u maamulayso iyada oo ay magaca ay wadato ay tahay wasaarad federal ah. Waxaan rabaa inaan si gooni ah aan maqaalkaan ugu fiirinno qaabka ay wasaaraada maaliyaddu uga shaqeyso dalka.

Waxeysan doodi ka taagneyn in dowladda nooca la isku qasbay oo aysan ummaddu dooran ay tahay dowlad federal ah oo weliba dastuurka ku meel gaarka ah ee la dhaqan geliyay 1dii bishii sideedaad ee 2012, qeexayo qaab dowladeedkaas, ayaan haddana laga doodeynin inay wax badan ka dhiman yihiin oo ay u baahan yihiin in wax laga qabto. Balse aan labo midkood isku raacno oo yaanan la isku qaldin. In dowladani tahay mid dhexe oo sidii maamulkii Siyaad Barre ku dhisan ama mid federal ah oo ka duwan kii Siyaad Barre. Haddii labada nooc maamul la isku qaldo waxaan soo baxaya waxaan ku aragnay magaalada muqdisho oo aan ka jirin magaalooyinka kale ee dalka. Read the rest of this entry »

Qorax jooga i sii oo ii dedeji aan howsha kuu dhameeyee!

Dekedda MuqdishoWaxaa laga yaabaa qaar badan oo ka tirsan akhristayaasha inuu ku cusub yahay erayga qorax jooga, waase eray ay wada fahmayaan dadka ay howluhu ka galaan xarumaha dowladda oo iyagu weydiista in loo qabto shaqo ay aheyd dadka shaqaalaha ahi inay qabtaan, waayo shaqadaas ayay mushaarka ku qaataan. Eraygani waa lacag i sii ama laaluush i sii oo la maldahay laakiin aan lagaala xishooneynin weydiintiisa, oo qofka shaqaalaha dowladda ahi umaba heysto inuu wax denbiya ah uuba galayo marka uu ku weydiinaayo qorax jooga. Taas macnaheeda ma aha inuu qof kasta oo dowladda u shaqeeyo uu sidaas yahay, balse waxaan rabaa inaan halkaan idiinkugu soo gudbiyo dhacdo iga yaabisay oo ku dhacday nin saaxiibkey ah oo isagu alaab kala soo degay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Read the rest of this entry »

Madaxaa Maraysee Meesha (wadada) ka Leexo!

ImageWaxaa hubanti ah in oraahdani aysan aheyn mid si gooni ah u qusaysa magaalo gooni ah oo Soomaaliya ku taala ayna badanaa  dhacaan ama la arko ficillo ka tarjumaaya oraahdaan, balse su’aasha ka imaanaysa waxa ay tahay: Yaa iyaga (Madaxda) gooni u siiyay wadada?

Waxaanan muran ka taagneyn inay jiraan nabad gelyo xumo keeni karta inay madaxdu u arkaan inaysan kala garanaynin qofkii dhibanaha ahaa iyo kii dhibka waday oo si ay dhibaato uga hortagaan ay isku dayayaan inay ka fogaadaan dadka oo dhan oo ay meel kasta oo ay tegayaan ay noqoto meel aan qof kasta loo ogolayn oo xattaa marka ay wadada marayaan la yiraahdo dadka shacabka ah “ meeshaan ha istaagin ee horay u soco” iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Waxaa kaloon muran laheyn in wax badan oo ay sameynayaan ciidamada ama dadka la shaqeeya madaxda in madaxda naftirkoodu aysan raali ka aheyn, oo ay tahay ka badbadis. Read the rest of this entry »

Ma Bisaylka Shacabka Soomaaliyeed ayaa isbedelka sabab u ah?

Waxaa laga yaabaa in akhriste is yiraahdo, qoraagu muxuu ka sheekeynayaa! Xaggeese uu isbedelka uu sheegaayo ku arkay? Runtii lama yaabaayo haddii aad sidaas u fikirto waayo waxa noo dhimani wax yar ma aha oo waxa aan heysanno iyo waxa naga maqan waa kaaf iyo kala dheeri. Waxaase haboon mar kasta inaan fiirinno meesha ay wax noo maraayaan. Waxaan kaloon rabaa inaan tilmaamo in mararka qaarkood ay nagu badan tahay ka hadalka dhibaataayinka jira iyada oo la hilmaamo haba yaraatee horumarka jira.

Waxaan rabaa inaan idinla wadaago sheeko yar oo aan la kulmay maalin dhoweyto aniga oo maraya waddada caasimadda Soomaaliya ugu dadka badan uguna quruxda badan oo maanta iyadu heysata nalal iyo weliba jid qurux badan oo indhahaada soo jiidanaaya. Hareeraha jidkana ay indhahaadu la wareerayaan dhismooyinka iyo weliba dukaamada quruxda badan ee meel kasta laga furay. Read the rest of this entry »

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 100 other followers