Meel Marinta sharcigii xuquuqda ilmaha (UNCRC), muxuu ku soo kordhin doonaa xuquuqda ilmaha Soomaaliyeed?

Uncrc cambaign pictureHeshiiskaan caalamiga ah oo uu meel mariyay baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed 13/12/2014ka ayaa la filayaa inuu wax weyn ka bedeli doono sida ay madaxda dalku u arkaan xuquuqada ilmaha, iyadoo la og yahay inay jiraan duruufu adag oo ay ilmaha Soomaaliyeed ku nool yihiin oo wax ka qadab u baahan. Balse inta aanan heshiiskaan u guda gelin, Soomaaliya shuruuc dhowrta xuquuqda ilmaha ma lahaan jirtay?

Laga soo billaabo, dastuurkii 1960,1979, 2000 iyo ilaa kan ku meel gaarka ah sida ku cad qodobka 29aad, waxaa ku qoran xuquuq si gaar ah looga hadlayay oo ay lee yihiin ilmaha iyo dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaase taas ka horeeyay oo ka taariikh iyo fac dheer sida uu Islaamku u sugay xuquuqda ilmaha iyo sida ay waajibka u tahay ilaalinteeda, Akhri Halkaan: http://www.unicef.org/mena/Children_in_Islam_English.pdf  waxaase mar walba lagama maarmaan ah inaynu ogaanno in xuquuqdaas uu gaabis badan ka jiray kana jiro maanta. Read the rest of this entry »

Xalka kaliya ee haray, waa in Baarlamaanka la kala diro sida uu qabo qodobka 67aad ee dastuurka KMG ah.

baarlamaanka1Waxaa hubanti ah maalin kasta oo ay howshaan is jiidjiidadka ah sii socotaba, waxaa wax weyn ay ka qasaarayaan ummadda soomaaliyeed ee ka dhursugaaya wax ka qabadka duruufaha adag ee ay ummadda Soomaaliyeed maanta ku nool yihiin. Waxaa markii labaad dib loo celinayaa, dowladdii uu soo saaray ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid. Waxa uuna mar kasta, sida cad ra’isulwasaaruhu ka cabsanaa inuu waayo kalsoonida baarlamaanka, markaas ayuu maalmo dheeri ah weydiisanaa si uu dib u soo fiiriyo haddii uu xildhibaano badan ku qancin karo taageeridda wasiirada uu soo magacaabay. Waxeyse u eg tahay in waxa xildhibaanada ay ka fiirinayaan dowladda la soo gudbiyo mar kasta, inay tahay oo kaliya, inay iyaga ay ku jiraan iyo in kale, waa iga su’aale wax kasta ma xildhibaanadaa noqonaaya? Read the rest of this entry »

Haa, Haddii uu Raisulwasaaruhu aqbalay codsigii xildhibaanada, Maxaa Xildhibaanada ku waajib ah?

kutladaha-6Sida ku cad sawiradaan, 26kii bishaan waxaa ku shiray Hotel Xayaat, xildhibaano sheegay inay dhamaayeen 150 xildhibaan oo isugu jiray labo dhinac oo iyagu si mideysan u soo qoray sedex qodob oo ay uga dalbadeen ra’isulwasaaruhu inuu ku saleeyo soo xullidda wasiirada cusub ee uu ka soo mid dhigi doono golohiisa wasiirada.

Waxaa sidaas si la mid ah cod dheer ugu sheegay ra’isulwasaaraha shacabka Soomaaliyeed oo sida halkaan aad ka dheehan karto https://codkashacabka.wordpress.com/2015/01/20/mudane-raisul-wasaare-hebel-oo-ah-xildhibaan-ahna-wasiir-waa-waxaan-eednay/ qoraalo iyo farriimo ugu sheegay nooca ay tahay inay noqdaan wasiirada uu ra’isulwasaaruhu soo xuli doono, haddii uu rabo inuu dalka horumar u horseedo. Read the rest of this entry »

Mudane ra’isul wasaare, hebel oo ah xildhibaan ahna wasiir waa waxaan eednay.

Waxaa laga yaabaa inaad u qaadato duruufaha adag ee aad ku shaqeyneyso in ummadda Soomaaliyeed aysan la soconnin, balse waxaan kuugu bishaareynayaa inaan ognahay inaad tahay sidii, hashii ninka gurrani soo hooyay, oo aan ula jeedo in labada dhinacba lagaa heysto oo lagaa eedeynaayo, waxaanse hubaa hebel oo ah ahna, inaysan xal waara u noqon doonin ummadda Soomaaliyeed, waxa kaliya oo ay ka fiirsanaayaanna ay tahay mushaarka dhowrka dhinac ah oo ay xildhibaanada wasiiradana ah qaadanayaan oo aysan u jeedin inay wax ka qabtaan dhibaatada heysada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Read the rest of this entry »

Macallimka oo qiimo loo yeelo, ayaa qeyb weyn ka qaadan kara xasilloonida iyo horumarka dalka.

Waxaan ka qeyb galay xafladdii lagu xusaayay maalinta macallimiinta sanadka hadda dhamaaday ee 2014ka. Waxaa isu yimid macallimiin iyo maamulayaal iyo weliba madaxdii ugu sareysay wasaaradda waxbarashada federaalka, waxaana dhamaan la isku raacay dhibaatada heysata maccalimka Soomaaliyeed meel kasta oo uu Soomaaliya ka joogaba, waxaana qaasatan afka lagu dhuftay sida ay u tabaaleysan yihiin macallimiinta qeybta ka ah mashruuca Go to Schoolka, oo ay mushaar xumo iyo isagii oo soo daaho ay isugu darsantay.

Haddaba xaggee ayuu ka heystaa dibku macallimiinta? Miyeysan aheyd qeyb muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed oo in la ilaaliyo lana horumariyo u baahan? Ma la hilmaamay oraahdii Soomaaliyeed ee oran jirtay “macallimkaadu waa aabahaa oo kale” haddiise weli oraahdaas ay qiimo u sameyneyso ummadda Soomaaliyeed, maxaa keenay in macallinnimadu noqoto shaqada ugu liidata oo uu qabto qof aqoon leh? Read the rest of this entry »

Mogadishu: the only capital city in the world which has no free public school.

One child is going to school, other two are....It is very distressing to revisit the history of education in Mogadishu for the last twenty five years, but before that Somalia in general and particularly Mogadishu had a very dynamic and functional state funded public schools. Al most all districts of Banadir region had a number of primary schools and at least one secondary school fully equipped with highly trained teachers.

Read the rest of this entry »

Wasaaradda Waxbarashadu ma mid Federaalbaa mise waa mid u shaqeysa sidii dowladdii dhexe? Sideese lagu heli karaa waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah?

Waxaa qoran inay Soomaaliya qiyaastii 1,600,000 ay yihiin ilmaha ay da’doodu tahay da’da waxbarashada aasaasiga ah, waana sida ay UNESCO ku qortay qoraaladii ugu danbeeyay oo ay ka qortay xagga waxbarashada dalka, waana inta ay tahay inay helaan waxbarasho aasaasi ah. Waxaanse ognahay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamo tiro yar oo aysan ka jirin waxbarasho dowladeed oo runtii u qaabeysan qaab la isku haleyn karo lacag la’aanna ah. Soomaaliya waxaa waxbarta oo kaliya ardaygii ay waalidkood ka bixin karaan qarashaadka lagu dhigto iskuulaadka sida gaarka ah loo lee yahay marka laga reebo maamul goboleedyo iyagu muddo hore dareemay baahida loo qabo waxbarashada lacag la’aanta ah.
Waxaa kaloo jira iskuulaad ay taageeraan heyadaha taageera waxbarashada aasaasiga oo ay weliba ku tilmaamaan mid gargaar oo aanan u qaabeysneyn qaab waxbarasho joogta ah oo maalin kastaaba ay tahay waxbarasho socon karta amaba mid istaagi karta, maadaama aysan ku dhisneyn qorshe nidaamsan oo si weyn looga fikiray oo la iska warsaday halka ay qarashaadka howshaas lagu wadaayo ay ka imaanayaan. Waxbarashadaasina ma aha mid dabooli kara baahida waxbarashada aasaasiga ee lacag la’aanta ah ee looga baahan yahay inay ka hirgasho dalka Soomaaliya oo dhan.

Read the rest of this entry »

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 100 other followers