Xalka abaaruhu ma deeqbaa!!!!!!!!!

WQ: Abdihakin A. Asir

Waxaa la wada qiri karaa in qof baahani uusan quud ma ahane uusan wax kale ku qanceynin, waana wax la wada fahmi karo oo aan dood badan laga geli karin. Balse waxaa lagama maarmaan ah in la is weydiiyo in mustaqbalka dheer ay deeguhu xal u yihiin dhibaatada abaaruhu keeneen ee sida weyn looga dareemey goboladda Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Akhriste, ha ila yaabin markaan su’aashaan aan isweydiinaayo oo aan weliba rabo inaad adiguna aad ila aragto si aan si fayow aan u ogaanno waxa laga yaabo in aysan mustaqbalka wax qiima ah u lahaan doonin danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed balse, maanta naloo tusayo in innaga ( Soomaalida) na loogu gurmanayo.

Waxaa marag ma doonta ah, in dhibka abaaruhu keeneyn uu yahay mid ballaaran oo aan si fudud aanan wax looga qaban karin oo u baahan iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan ka yimaada, kaa soon ku ekeyn raashin karin balse ay la cosdaan wax keeni kara in dadkaani helaan qaab ay noloshooda u maareeyaan.

Waxaa idaacadaha waa weyn ee dalalka reer galbeedka maalmahaan ku badnaa sawirada ilmaha Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay, oo ay ka muuqato rafaad aan la soo koobi karin, ee ku jira xerooyinka dalalka u dhodhow dalka Soomaaliya. Kuwaas oo dadka u dhashay wadamadaas looga codsanayo iney dadkaan la gaaraan gargaar deg deg ah, oo ay dalbanayaan heyado aan dowli aheyn oo iyagu raba iney lacagtaas dadkaan wax ugu qabtaan, waa sida ay sheegtaane.

Haddii aad si u fiiriso waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo, wey dadaaleen oo waxa ay ka naxeen sida aan u naalo sidaas darteed ayey u qabanayaan howshan ballaaran oo hayadahaani ay ka wadaan wadamadaan si ay ugu gargaaraan dadkeenna dhibaateysan. Balse aniga taas ma qabo oo waxaan akhristaha sida aan sheegay aaminsan aan uga duwanahay, dhibka Soomaaliya ma ahan mid maanta bilawday haddii ay heyadahaan ama dowladaha ay heyadahaani ka soo jeedaan ay daneynayaa arrimaha Soomaaliya horey ayey wax uga qaban lahaayeen oo weliba la islama gaareen in ay macluushu ay heerka ay hadda joogto ay gaarto.

Sababta ugu weyn oo ay u sameynayaan ololaha ay hadda wadaan waa in magaca Soomaaliyeed iyo ilmaha baahan lagu helo lacag weyn oo aysan jirin cid xisaabtankeeda daba taagan waxaanaba laga yaabaa lacagta ay ku aruuriyaan wejiyada ilmaha yar yar ee Soomaaliyeed iyo hooyooyinka dhimanaaya ineysan wax kaba soo gaarin.

Waxaan anigu u heystaa heyadaha iyo dowladaha sheeganaya in ay lacag u uruurinayaan Soomaalida dhibaateysan ineysan aheyn kuwo runta ka sheegaya waxa ay og yihiin, ee ah halka dhibka Soomaalidu ka socdo oo waxaan ay aruurinayaan ay tahay oo kaliya, subagii afka la isu marin jiray iyada oo aysan jirin wax aad cuntay. Taas waxa aan ula jeedaa dhibka soomaalida heystaa waa uu ka weyn yahay tan maanta na hortaalla, haddii aan wixii kalifay in Soomaalidu abaaraha wax ka qaban weydo, aan wax laga qaban, lacag yar oo maanta la keeno oo raashin loogu sameeyo ma noqon doonto xalka dhibaatada maanta heesta walaalaha Soomaaliyeed ee xerooyinka ku jira.

Taasna waxaa daliil u ah, dad badan oo xerooyinka ku jira, waxa ay xerooyinkaas yimaadeen sagaashameeyadii markii aafadu asiibtay dalka Soomaaliyeed, welina halkoodii ayey joogaan iyaga oo wax iska bedelay aysan jirin. Dowladahaan iyo heyadaha hadda qeylinaayana weligood wey ogaayeen xaaladaha murugsan ee ka jira xerooyinkaan, wax la taaban karana kama qabanin oo dadku guryo bac ka sameysan ayey weli ku jiraan, dhibaatooyin uusan jewigu keeninna wey la kulmaan maalin kasta cid wax ka qabatana ma jirto.

Waxaan arkaa dad badan oo Soomaaliya oo tirinaya inta milyan oo doolar oo uu wadan kasta uu u balan qaadan inuu ku bixinayo dhibka Soomaalida heysata. Waxaanse akhristow aan ognahay in balan qaad iyo dhiibidi ay kala duwan tahay. Hadana ay sii adag tahay in lacagtaas la gaarsiiyo dadkii magacoooda lagu soo qaaday.

Waxaase waxaas oo dan ka sii daran, heyadahaan iyo dowladahaani waxa ay ka dheregsan yihiin in waxaani yihiin qowda maqashii waxna ha u qaban, oo ay rabaan oo kaliya iney sheegaan iney gargaar bixiyeen, iyaga oo hadana og inuusan gargaarkaasi aheyn kii wax ka qabanaayay dhibaatada waxa kalifay.

Abaaraha ka sokow, dalkan waxa gaarsiiyay inuusan isku filnaan waa maamul la’aanta iyo qorsho la’aanta baahsan ee dalka ka jirtay laga soo bilaabo markii uu dalka burburay. Haddii uusan dalku helin dowlad tayo leh oo keenta nabad la isku haleyn karana dhibku waa uu sii jirayaa, qowlaysatada sheegta iney dalka iyo dadka caawiyaanna waa ay sii jirayaan oo iyagu marna dooni maayaan inuu dalkani cagahiisa isku taago, oo waxa ay halis ku tahay danahooda. Waxa ayna mar kasta ilaashanayaan waa dantooda ee ma aha danta dadka tabaaleysan.

Waxaa kaloo jira dad badan oo Soomaaliyeed, oo iyagu si niyad wanaag ah mar kasta raba iney dabkii soo holcaba ay biyo ku shubaan oo waxa ay mar kasta rabaan in waxa maanta jira kaliya xal loo helo iyaga oo aanan marnaba fiirin xaga uu dhibku ka soo bilawday waxa ayna maalin kasta isku deyeyaan iney demiyaan deb dhinaca kale laga shidayo.

Maanta waa abaaraha shalayna waxa ay aheyd, dadkii dagaalada ka soo qaxay, oo loo raadinaayay in loo helo meel ay seexdaan iyo wax ay cunaan iyada oo dalku uu barwaaqo yahay. Maxaa loo la’ yahay in Soomaalidu waqti iyo hanti ay ku bixiso sidii dalka uu u heli lahaa dowlad damaanad qaada dadka iyo dalka oo iyadu ka fikirta dhibaatooyinka colaaduhu iyo abaaruhu sababaan?

Maxaa Soomaalidu waqtiga ay ku bixinayaan dowlad goboleedyada iyo waxa aan qiimaha laheyn ay ugu bixi waayeen iney u ololeeyaan helitaan dowlad dhexe oo iyadu qorsheysa sidii dalkaan looga saari lahaa dhibaatooyinka soo noqnoqda oo ay dowlad la’aantu kaliftay?

Ma u maleynaayo in su’aalahaan si fudud jawaab loogu helo karo waxaase lagama maarmaan ah in aan is weydiino isna tusno in loo baahan yahay inaan si toos ah aan u cabirno halka uu dhibku naga heysto. Waxaan aaminsanahay in haddii ay dowladi jirto uu dalkaani awood u lee yahay inuu dadkiisa iyo dalkiisaba uu si toos ah u damaanad qaadi karo. Dhibaatada ugu weynna waxa ay naga heysataa innaga oo mar kasta daawada ka raadinna meel aysan naga jirin.

Guntii iyo gabagabdii, xalka abaaruhu ma aha deeq lacag ah iyo xarumo raashin oo la furo. Labadaase waxa ay wax ka taraan oo kaliya waxa hadda noo muuqda, ee waxba kama taraan waxa ka hor tegi kara in dhibaatadaani noqoto mid soo noqota. Xalka abaaraha iyo midka colaadeed intuba waxa ay ku jiraan in wadanka loo helo xal siyaasadeed oo noo hor kaca cadaalad iyo sinaan. Waxaa hubanti ah in taasi aysan ku imaan doonin rabitaan oo kaliya balse loo baahan yahay in ficil lagu daro, lalana yimaado sabar iyo dulqaad keena isfahan iyo istixgelin. Waana midaas mida dalka iyo dadkuba ay uga badbaadi karaan aafooyinka ay keenaan colaadaha iyo abaaruhuba.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@hotmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: