Shirka dowladu shaacisay, maxey uga gol leedahay?

WQ: Abdihakin A. Asir

Tobankii bishan ayey aheyd markii afayeenka dowladda uu sheegay in dowladda ku meel gaarka ahi ay qaban qaabineyso shir wadatashi oo ay ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada, iyada oo aysan la soconin wax faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qaabka iyo sida shirkaan loo qaban doono. Waxaan isku dayey inaan helo warar dheeri ah oo ku saabsan sida la rabo inuu shirkaani u hirgalo iyo ujeedada laga lee yahay oo loo soo abaabulay, waanse ku guuleysan waayay, waxaanse rabaa inaad akhristow aad ila fiiriso waxa uu shirkaani uga duwanaan doono wixii horey u soo dhacay.

Waxaa in muddo ah caado aheyd, in shirar iyo siminaaro aan la garaneynin waxa faa’iidada ah oo ay ummadda u soo kordhinayaan laga abaabulaayay magaalooyin badan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ah, iyada oo mar kastaaba marka aad fiiriso boorarka iyo waxyaabaha ku xardhan goobaha shirarka lagu qabanaayo aad ka dheehaneyso erayo ku qoran luqadaha qalaad kuwaasoo kugu dhalinaayo inaad isweydiiso cidda shirka loogu tala galay iney tahay Soomaali iyo in kale, ayaa hadana waxa ay dowladdu ku dhawaaqday shir aan faahfaahsaneyn oo runtii aniga igu dhaliyay su’aalo badan oo ay ka mid tahay in dhowladdu ku biirtay qaban qaabada shirarka noocaas ah iyo in shirkaani yahay mid lagu qasbay dowladda oo uu yahay mid aysan iyaga naftirkoodu aysan garaneynin danta laga lee yahay.

Akhristow waxaa laga yaabaa in aad adigu fahantay waxa shirkaan loogu tala galay balse aan isla eegnee, muxuu shirkaani ku saabsan yahay? Yaa qaban qaabinaaya? Yaa ka qeyb gelaaya? Waase maxey waxa la rabo in uu shirkaani xaliyo oo uu shirku hiigsanaa?

Waxaa la hubaa oo aysan muran ka taagneyn waqtiga uu shirku dhacaayo iyo weliba meesha uu ka dhacaayo, waxaase mugdi badan uu hareereeyay runtiina aan jeclaan lahaa inaad ila fiirisaan waxa ay dowladdu ay ugu yeertay ka qeyb galayaasha.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ay shirkaan ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada!!! yey yihiin qeybaha bulshada ay dowladaani sheegeyso? Waxa ay tiri dowladdu shirkaani waa wadatashi, mana aysan sheegin waxa laga tashan doono waxa ay yihiin. Waxaa ka sii daran, shirka waxaa lagu wadaa inuu dhaco muddo bil ah gudahood iyada oo aan la garaneynin, waxyaabo badan oo ku saabsan shirkaan.

Marka aad fiiriso waxyaabaha aan kor ku sheegay dhamaantood, waxaa kuu soo baxaayo in shirka la sheegay uu labo midkood yahay. Waa midda koowaade shir aan wax macno ah oo badan aanan ku fadhinin oo la rabo in la yiraahdo Soomaalida ayaan shir u qabanay oo derbiyada lagu dhedhejiyo magacyada heyadaha hirgeliyay shirkaas, sida caadada ahna xoogaa lacago ah halkaas lagu cadeysto oo qaan sheegato badan halkaas laga soo saaro, sidaana shirkii ku soo gabagaboobo. Waa midda labaade in xafiiska ay hoostagto dowladda Soomaaliya oo uu madaxda u yahay Mahiga uu maalinba arin aan macno laheyn uu ku qasbo dowladda iney sameyso, si dowladda looga mashquuliyo iney wax ka qabato dhibaatooyinka kala duwan oo ay dadka Soomaaliyeed qabaan sida; arrimaha nabad gelyada, arrimaha abaaraha iyo weliba arrimaha dowlad xumida.

Waxaa la sheegay in shirku wada tashi yahay, oo la rabo in lala tashto sida ay sheegeen bulshada Soomaaliyeed. In kasta oo aan la garaneynin waxa uu latashigaasi ku saabsan yahay, wax kasta oo ay ku taliyaan yaa damaanad bixinaaya in laga hoosgaadi doono?

Sida aad wada ogsoon tihiin markii ay soo shaac baxday in dowladdii tayo badan xilka laga qaadi rabo lana kala diri rabo waxaa magaalada muqdisho isugu soo baxay dad aad u fara badan oo si aad ah uga soo horjeeday ficilkaas guracan iyo heshiiskii Kampala. Waxeyna bulshada Soomaaliyeed fikiradooda ku muujiyeed qaab nabad ah iyagoo isugu soo baxay banaanbaxyo aad u ballaaran, waxaana kaloo ayiday qurba jooga Soomaaliyeed iyo dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka uga nool yihiin. Hadaba ma isweydiinay yaa dhageystey yaase fikradaas iyo aragtiyada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay codka ballaaran ku sheegeen wax ka soo qaaday? Weliba waxaa dhacday in markii laga codsaday in uusan baarlamaan ku sheegu ansixinin heshiiskaas, loo hanjabay mudanayaashii ka soo horjeesday maantana la wado, sida xantu tahay, sidii baarlamaanka looga saari lahaa tobankii mudanayaasha baarlamaanka ahaa ee iyagu u codeeyay iney ka soo horjeedaan. Taasina waxa ay daliil u tahay in shirkaani uu yahay oo kaliya Soomaalida ayaan shir u qabanay, waana in si toos ah oo la isaga diidaa waxa aan macnaha laheyn haddii kale waxaa imaan doonta in waxaan wax ka xun lagugu tijaabiyo laguguna jahwareeriyo.

Teeda kale qaabkee ayaa loo soo xuli doonaa dadka ka qeyb gelaaya shirkaan? Ma waxey noqon doontaa qaabkii guracnaa, ee weliba foosha xumaa ee 4.5, mise xafiiska UNka ee meesha u taliya ayaa soo xuli doona nacamlayaal wixii loo keeno si fudud ugu booda? Ma aha runtii wax la deyelsan karo, haddii ay dowladu rabto iney wax qabato waana ineysan ku dhicin wax su’aalo badan oo aysan ka jawaabi karin dhaliya iyada oo ay u yaalaan waxbadan oo ka mudan shirkaan in waqti iyo hantiba la geliyo.

Si kastaba ha ahaatee shirka lagu dhawaaqay waa ugu yaraan mid ku dhawaaqidiisa aanan si fiican looga fiirsan oo loo baahan yahay in si miisaaman looga taxadero waxa laga rabo inuu xaliyo iyo weliba caqabadaha laga yaabo inuu shirkaasi ku soo kordhiyo marxaladaahan aadka u jilicsan ee maalinba maalinta ka danbeeya is bedelaysa oo ay dowladdu rabto iney wax ka qabato.

Waxaan qabaa oo aan dowladdana u soo jeedin lahaa in waqtigaani uusan aheyn waqti ku haboon in waqti lagu dhumiyo shirar aanan la garaneynin waxa faa’iidada ah oo ay soo kordhin doonaan. Waxaa laga yaabaa in shirarkaasi keeno isfahan waa iyo weliba isqabqabsi hor leh, maadaama ay caado noo tahay wax la yiraahdo looma dhama iyo waa lagu kala maqnaa oo wixii ka soo baxa ma aha wax laga wada raali noqon doono. Waxaa fiican ineysan dowladdu waqtigaan kala guurka ah aysan isku furin arrimo aysan haddow aysan xalin karin amaba ka bixi doona gacantooda.

Haddii ay dowladu ku qasbanaato iney qabato shirkaas waxaan u soo jeedin lahaa iney ka qeyb galayaasha shirka ay ku xulato qaab ka duwan qaababkii la arki jiray ayna isugu yimaadaan dad ka duwan dadkii na baday dhibka aan ku jirno. Waana inaanan lagu xulin qaab QABYAALADEED iyo weliba qaab DOWLAD GOBOLEED. Waxaan kaloon dowladda u soo jeedin lahaa iney la tashiga ay ka qeyb geliso MADAXDA XISBIYADA WADANIYIINTA ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa si wax looga bedelo qaababka wax loogu kordhiyo siyaasadda iyo isbedelka ay dowladdu rabto iney dalka ka hirgeliso.

Abdihakin A. asir

mogadisho69@hotmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: