Madax Dalkaada dayuurad ku timid Dal kuuma Dhisayaan.

WQ: Abdihakin A. Asir

Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ma aha kuwo u baahan in waqti badan looga qaado qof Soomaali ah waayo waa kuwo uu maalin kasta maqlo kana war haayo. Balse waxaa maal mahaan dhegeheyna ku soo badanaayay booqashooyin ay madax sare oo caalamka ka tirsan ay Soomaaliya ku tegaayeen iyagoo weliba wata ciidamadooda si aysan nafsadoodu halis u gelin oo ay uga badbaadaan masiibada dalkaan ku habsatay iyaga naftirkooda, welibana ay la socdaan qaarkood xaasaskooda iyo ilmahooda.

Markaan saas lee yahay akhristow ha u arkin isla markiiba inaanan aad ugu farxin imaashihii ay madaxdaasi yimaadeen dalkeenna hooyo oo aan in muddo ah aanan arkin booqasho heerkaas ah oo weliba loo soo abaabulay sida aan wada aragnay si heer sare ah, balse su’aashu waxa ay tahay maxey ku soo kordhin karaan xaaladda qalafsan ee heysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay ugu weyn tahay nabad iyo maamul la’aanta?

Waa run in imaanshahaasi uu keenay in warbaahinta caalamku ay maalmo badan ku soo noqnoqdaan arinta Soomaaliya, iyagoo aanan wax weyn ku soo kordhineynin waxa aan wada ogsoonahay oo ah baaba’a iyo balaayada ku habsatay ummadda soomaaliyeed, taasoo weliba qaar badan oo ka tirsan warbaahintaasi ku gaarayaan dano iyaga u qaas ah, ayaan hadana jirin wax weyn oo ay warbaahinnadu ay ka qaban karaan xaaladaan murugsan ee heysata ummadda Soomaaliyeed qaasatan kuwooda tabaalaysan ee maanta noqday mashiin lacag lagu sameeyo oo ay u abuurtay shaqooyin hor leh kuwo badan oo aan weligood rabin iney xaaladaani dhamaato.

Waxa ay heyado badan sheegeen in dhibaatada Soomaaliya ka jirta si wax looga qabto loo baahan yahay lacag gaaraeysa BILYAN doolarka mareykanka ah, qaar kalena waxa ay sheegeen in taasi aysan wax weyn ka qaban karin dhibaatadaas oo loo baahan yahay in ka badan oo aysan cayimin. Magaalooyin badan oo ku yaalla qaaradda Yurub waxaa lagu soo sharaxay boorarkooda xayeesiinta ilmaha Soomaaliyeed ee tabaaleysan iyadoo dadka wadamadaas u dhashay ama degan la weydiinaayo in ay lacag u aruuriyaan dadkaan dhibaateysan iyadoo loo marinaayo heyadaha sawirada meelahaas ku dhejiyay in kastoo laga yaabo in sawiradaas ay ku bixiyeen lacag ku filan dhowr bilood dhamaan qaxootiga ku nool Dhadhaab.

Waxa ay weliba dowlado badan oo caalamka ku yaalla ay ugu yabooheen dadka dhibaateysan lacag aad u fara badan oo laga yaabo ineysan weligeed gaarin, qaar badan oo lacagtaas ka mid ahna waxaaba la soo marinayaa, sida la sheegay, heyado ku taqasusay sidii loo qarashgareyn lahaa lacagahaas iyada oo aysan gaarin dadkii loogu tala galay. Wadamo kale oo ay ugu horeeyaan wadamada Islaamkana waxa ay go’aansadeen iney iyagu lacagahooda siiyaan heyadahooda gargaarka oo iyagu si toos ah u tegay meelo kooban oo ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinku ka jiraan iyaga oo aanan awood u laheyn iney tagaan meelaha ay dadku ka soo barakaceyn nabad darro ka jirta deegaanadaas darteed.

Intaas oo dhaqaala ah oo ay cid walbaahiba lee dahay waxaan ugu deeqnay dadka tabaaleysan, runtii wey adag tahay si wax looga ogaado sida ay suurta gal u tahay in dhaqaalahaas inta ugu badan uu gaaro dadkii loogu talagay, waxaae taas igala weyn maxaa noo keenay ineynu ahaanno kuwa wax loo yabooho? Runtii suaashaan ka jawaabideedu ma aha mid sahlan waxa eyna salka ku heysaa midii aan horey isu weydiinay oo aheyd maxey madaxdaani ka bedeli karaan baaba’a dalka ku habsaday?

Labadaan su’aaloodna haddii si fiican loo fiiriyo waxaa wax ka qaban kara oo kaliya, isbedel ku yimaada qaabka ay ummadda Soomaaliyeed u fikiraan kaasoo dhaliya in laga xoroobo nin jecleysiga iyo toqfal dolooliska loo maleeyo inaan la’aantiis uusan nidaamku shaqeyn karin waana mida kaliftay inuu dalkeennii qiimaha iyo qaayaha badnaa uu noqdo meel marka la soo booqanaayo la soo kaxeysto ciidamo difaaca madaxda imaaneysa. Waa midda dalkeena ka dhigtay xero qaxooti oo furan oo meeshii aad tagtaaba aad kula kulmeyso dad tabaaleysan oo aan heysanin wax ay cunaan, iyadoo laga yaabo in dad badani kula yaabaan marka aad tiraahdo Soomaaliya ayaa baahi ka jirtaa, waayo waxaa lawada ogsoon yahay kheyraaddka ilaahey ku manadeystay dadka halkaas degan.

Madaxda isdaba jooga u imaaneysay dalka maalmahaan danbe oo iyagu horey u ogaa dhibaatada dalka ka jirta oo aan weligood horay wax uga qaban balse maanta leh wax baan rabnaa ineynu qabano, waxaad ogaataa ineysan waxba qaban karin inta uu dalku uusan laheyn qaab maamul oo keena kalsooni uu qof kastaahi isku aamini karo oo weliba suurta gal ka dhigeysa in wadan uu shirkadihiisa u soo diro si ay wax kuula qabtaan haddii aad adigu wax qabsan weyday.

Waxa uu raisulwasaaraha dalka Turkigu Balan qaaday inuu dhisayo isbitaal weyn oo ay weliba dhisayaan shirkado dalkiisa ka imaanaayo. Waxaa jirta maahmaah aanan garaneynin lugadda ay ka soo jeedo balse macnaheedu yahay “faras lagu siiyay, ilkahiisa lama fiiriyo” oo ay macnaheeda guud tilmaamaayo in qofka wax la siinaayo uusan doorasho laheyn oo uu qofka wax bixinaayo ay doorashadu ku hartay, taas waxaa tusaale u ah, magaaladda muqdisho waxaa ku yaalla dhowr isbitaal oo xiran oo aanan shaqeyn oo u baahan oo kaliya wax yar oo dayactir oo weliba muddo yar gudahood ku shaqo geli karo, waa maxey sababta ay dowladda Turkigu u rabto iney dhisto isbitaal hor leh, weliba haddii ay rabto iney ka dhisto magaaladda muqdisho?

Waxaa jira waxyaabo badan oo sidaas oo kale ah oo haddii aad u fiirsato aad la yaabeyso sababta loo awoodi la’a yahay in la saxo kuwa raba iney wax qabtaan maadaama laga yaabo ineysan aqoon fiican u laheyn sida ay baahidu u jirto.

Waxaa taas ka daran, waxa keenay in Soomaaliya ay ka dhacdo baahi ballaaran oo ay dad badani u saariyaan roob la’aanta baahsan ee ku habsatay geyigaas, ayaanan aheyn mid xaqiiqda ku saleysan, waayo meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya sida Waqooyi Galbeed iyo Waqqoyi Bari soomaaliya oo iyagu leh nabad ilaa xad la isku haleyn karo oo Soomaaliya inteeda kale la wadaago roob la’aanta, kama jiraan baahiyaha ka jira koofurta iyo bartamaha soomaaliya oo ah meelaha ay nabada iyo xasiloonidu ku yar tahay. Taas macnaheedu maxey tahay? Waxa baahida keenay ma aha roob la’aanta kaliya ee waa maamul la’aanta ka jirta qeybaha ay sida weyn ugu habsatay masiibooyinkaani. Taas ayaana u diiday in wax laga qabto masiibooyinkaan markii ay wax ka qabashada lahaayeen. Waana midaas midda keeneysa in si ka duwan looga fikiro waxyaabaha sababta looga dhigaayo masiibada Soomaaliya ku habsatay ee maalmahaan dhibkeedu soo karay.

Waa run in madax dayuurado ku yimid aysan dalkaada dhisi karin, waxaase loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fahmaan in xalka abaaraha iyo aafooyinka meelo badan oo caalamka nagu heysta aysan aheyn in lacag loo aruuriyo qofka dhibku heysto, balse waa ineynu fiirinaa waxa dhibka keenay la iskuna dayaa in taas wax laga qabto. Waxaan badanaa iska indha tirnaa oo aan isku daynaa inaan korka ka daaweyno nabar hoosta ka buka, taasina ma noqoneyso daawo waarta. Waxaa loo baahan yahay ineynu iska deyno daba orodka dacdooyinka, ee waa ineynu isku daynaa ineynu wax ka baranno waxa ay noloshu nabartay oo aannu isku dayno ineysan dhibaatooyinkaani dib u soo noqonin. Waa qalad in nin aad maqaalin siin karto inaad malay siiso, yaboohiska iyo lacag aruurinta aan arkeynana waa midaas oo kale. Waayo qofka Soomaaliga ahi ma u baahna in la siiyo RAASHIN bale waxa uu u baahan yahay in loo dhiso nidaam iyo kala danbeyn suurta gal ka dhigta inuu shaqeysto oo uu noloshiisa maareeyo.

Yaa keenni kara nabadaas iyo kala danbeyntaas iyo nidaamka aan baahida u qabno? Ilaahey ka sokow wax naga hortaagan oo aan aheyn nafsadeenna ma jiraan, waayo waa Soomaali kuwa wax dhacaya, waa Soomaali kuwa wax leynaya, waa Soomaali kuwa dagaal oogayaasha ah, waa Soomaali kuwa QABIILKA iyo QABYAALADDA ku qaraabanaya, waa Soomaali kuwa XUKUNKA sida xun ku raadinaya, waa Soomaali kuwa cadowga Soomaaliyeed danihiisa fulinaya, waa Soomaali kuwa raba inuu meel kasta ka muuqdu, waa Soomaali kuwa aanan u naxeynin kuwooda dhiban, waa Soomaali kuwa aysan dowladnimadu ka maqneyn oo iyagu qaska iyo nidaam la’aanta u arka iney wax ku noqdeen. Hadaba haddii aan la helin kuwo toosiya kuwa aan soo sheegay oo dhan wey adkaaneysaa in la helo dowladnimada iyo nidaamka aan rabno.

Waxaana lama huraan ah in la helo naftood hurayaal, dantooda ka hormariya danta shacabka oo iyagu isu xilqaama sidii ay dalkaan uga samata bixin lahaayeen dhibka uu ku jiro, loogana badbaadin lahaa cadowga gudaha iyo midka dibbadda intaba. Waana suurta gal, waxeyse u baahan tahay sabar iyo dulqaad badan oo dhaliya kalsooni ay bulshada Soomaaliyeed isku kalsoonaadaan iskuguna kaashadaan sidii ay dalkooda ugu soo deri lahaayeen masraxiyadda wadamadda adduunka.

Abdihakin A, Asir

mogadisho69@hotmail.com

www.codkashabacka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: