Maxaanu ka baran karnaa mudaaharaadyada caalamka ku baahaya, waxi keenayna ma ka feejignaan karnaa?

W/Q: Abdihakin A. Asir

Waxa ay dad badani qabaan in dacdooyinka taariikhda lagu xuso ay yihiin kuwo soo noqnoqda, waxeyna siyaabo kala duwan uga dhacaan meelo kala duwan oo caalamka ka tirsan iyada oo wixii keenay dhacdooyinka taariikhiga ah ay badanaa yihiin kuwo isku mid ah, waxaana badanaa kala duwanaada oo kaliya meelaha ay ka dhacaan iyo dadka ay dhacdooyinkaasi ku dhacaan.

Shalay oo taariikhdu aheyd 15kii oktoobar 2011, ayaa waxaa ku dhowaad 1000 magaalo oo caalamka ku yaal ka wada bilawday mudaaharaadyo isku ujeedo ah oo looga soo wada horjeedo siyaasadaha heyadaha dhaqaalaha wadamadaas iyo weliba qaabka ay dowladahaasi wax uga qabanayaan burburka dhaqaale ee ku fidaya caalamka oo dhan oo markiisii hore ka soo bilawday dhinacaas iyo qaaradda Ameerika qaasatatan dalka Mareykanka.

Waxaa dhib weyn ku yimid sida la wada ogsoon yahay dhaqaalihii dalalka yurub oo maalinba uu wadan ka mid ahi uu awood u weynayo inuu bixiyo deymaha lagu lee yahay, oo waxaa mid walba loo sheegayaa inuu dhimo deymaha hadda lagu lee yahay si loo siiyo deymo kale. In kasta oo ay jiraan wadamo weli dhaqaalohoodu fiican yahay, hadana waxa ay dhamaantood ka cabsanayaan in dabeysha socoto ay mid walbaaba ay goonidiis u wax yeeleyso , waxeyna si wada jir ah u rabaan iney wax uga qabtaan dhaqaala xumida.

Mudaaharaadyadani waxa ay ka soo bilawdeen dalka Isbayn (Spain) dhowr bilood ka hor, iyada oo ay dad dhalinyaro u badan ay tendhooyin ka sameysteen bartamaha magaala madaxda, sidii tii ka dhacday dalka Masar iyagoo si toos ah u diiday qaabka ay dowladoodu u rabto iney wax uga qabato shaqo la’aanta baahsan ee heysata dhalinyarada wadankaas. Mudaaharaadyada u eg kuwii ka dhacaacay dalalka bariga dhexe kuma uusan ekaanin dalka Isbayn ee waxa uu gaaray dalka mareykanka, oo waxaa ka dhashay ururo iyagu iskood isu abaabulay oo tendhooyin ka dhistay bartahama caasimada mareykanka rabana iney dhex degaan xarunta suuqa weyn ee saamiyadaha dalkaas, inta ay dowladoodu wax ka bedeleyso siyaasadeeda dhaqaale.

Waxa kalifay dhaqaaalo xumida caalamka, qaabab badan ayaa looga waramaa oo qoloba si bey u aragtaa, balse waxaa la isku raacsan yahay inuu dhaqaalihii adduunka uu badanaa gacanta u galay bangiyo iyo shirkado waaweyn oo aan iyagu faa’iido ma ahane aanan wax kale aqoon, una maamulay dhaqaalahaas si aanan taxadar laheyn ka dibna la soo derestay qasaarooyin aad u ballaaran. Waxaa si weyn dadka reer galbeedka ay aad uga soo horjeesteen bangiyo badan oo iyagu burburi rabay oo dhowladahoodu ay ku bixiyeen lacago badan si loo badbaadiyo, oo markii la badbaadiyay ay madaxdoodii kala qeybsanayaan gunnooyin hore lagula heshiiyay oo intaas oo bilyan ah basle aniga arinta kaliftay dhaqaala xumida intaas waa ay igala fogtahay.

Sanahidii sagaashamaadkii ayaa waxaa si ballaaran ay wadamada reer galbeedku u gadeen shirkado waaweyn oo ay dowladuhu ay lahaan jireen kuwaasoo dhowladuhu ay ka heli jireen dhaqaale aad u fara badan oo ay ku bixin jireen tasiilaadka ay ummaddu u baahan tahay sida caafimaadka, waxbarshada, dhismayaasha guryaha dowladda iyo wadooyinka iwm, waxaana halkaas ka baxay hantidii faraha badnaa oo ay dowladuhu lahaayeen waxaana qiima aanan aad u buurneen looga geday shirkado gaar loo lee yahay oo iyagu sidii ay rabeen ka yeeleen. Waxaa badanaa xirmay shirkadihii dhowladuhu lahaayeen, waxaana halkaas ay shaqo la’aan ku dhacday dad badan oo ka shaqeyn jiray, waxaana la waayay canshuurtii ay dholaddu ka filaysay iney shirkadahaasi dhiibi doonaan.

Shirkadaha ay dhowladuhu lahaan jireen ee ay gadeen waxaa ka mid ahaa kuwii adeegii bulshada oo ay ku jiraan biyaha, korontada, isgaarsiinta iyo bangiyadii iyo kuwo kale oo aanan halkaan kusoo koobi karin. Waxaana dhacday markii gaarka loo yeeshay heyadihii adeegga bulshada,in sanadba sanadka ka danbeeya uu ku dhaco sicir barar iyada oo aanan la garaneynin halka uu ka imaanaayo sicir bararkaani. Waxaana meesha ka baxay wixii la dhihi jiray adeegga bulshada, oo wax kasta waxa ay noqdeen wax faa’iido laga raadiyo.

Haddii wax kasta faa’iido laga raadiyana waxaa meesha ka baxaya wax la yiraahdo danta guud ama wax u qabadkii bulshada oo waxa ay noqoneysaa haddii aanan faa’iido laga heleynin ama aysan waxba ka soo geleynin in la dhaafo, oo la joojiyo shaqadaas, maadaama sharciga faa’iidadu ay tahay in wax kasta lagu miisaamo waxa ay shirkaddu ka faa’iideyso.

Akhristow, waxaa laga yaabaa inaad is lee dahay maxaa Soomaalida ka galay taariikhda dheer ee aad halkaan ku soo qortay? Waa run oo waxaa laga yaabaa in aysan qofka Soomaaliga ah ee Soomaaliya ku nool aysan si toos ah u taabanin balse waxaa hubaal ah in ay si dadban ay kuu taabaneyso ee bal wax yar ila soco.

Marka ugu horeyso xeerka ah, in wax kasta si gooni ah loo yeesho oo aysan dhowladuhu waxba yeelan waxa uu noqday mid aad u fiday oo maanta waxa uu marayaa in la isku qasbo oo bangiga adduunka iyo heyaddaha la midka ah ayaa dowladaha ku qasba iyaga oo leh waa inaad gadaan shirkadaha dowladdu lee dahay si laguu siiyo deyn iyo wax la mid ah. Oo arintani waxa ay noqotay mid aan qariib aheyn maanta, waxaase hadda yurub ka bilawday urrurro badan oo u arka qasaaraha dhaqaale ee heysata wadamadaas iney sabab u tahay arintaas, kuna doodaaya in dib loo qarameeyo dhamaan heyadihii ama shirkadihii ay dowladuhu hore u gadeen, waxaana laga yaabaa haddii ay dhaqaalo xumidu sii socoto iney taasi ay noqon doonto xalka kaliya ee haray.

Akhristow, in kasta oo aysan maanta wax badan oo ay sharciyeyso aysan dowladda Soomaaliyeed aysan gacanta ugu jirin oo badanaa adeegii bulshada uu gacanta ugu jiro shirkado ku faana iney sanadkii helaan faa’iido 300 jibaar ah, meesha ay dad badanina ay wax ay cunaan ay la’ yihiin ayaan hadana waxaan meesha ka maqneyn, falal qaab daran oo ay dowladaani ay si gooni ah ay shirkado u siisay adeegii bulshada oo uu ugu horeeyo mida ay siisay shirkadda mareykanka ee ka shaqeysa garoonka Muqdisho. Waxaa kale oo ay dowladdu heshiis la sixiixatay shirkad Turki ah oo ay sheegtay iney ka caawin doonto iskuulaadka. Waxaase ay su’aashu tahay maxaa iska galay caawinaad iyo shirkadda Nile. Sida caadada ah shirkadi waxa ay qabato waxa ay ka raadisaa oo kaliya faa’iido, waa sidee sida ay shirkadani dowladda uga caawin karto waxbarshada? Waxaa la sheegay iney qalabeyn doonto shirkadani, iskuulaadka iyo sheybaarada iskuulaadka. Maxaa u diidaaya dowladda iney iyadu fuliso haddiiba ay rabto iney isticmaansho shirkad? Waxaa hubanti ah in ay waxbarshadu tahay waxa ugu danbeeya ee ay dowladi shirkad gacanta u geliso waa haddii dowladani ay u qalanto magaca dowladnimada.

Waxaa kaloo jira warar isi soo taraya oo sheegaya iney jiraan shirkado kale oo u badan ajaanib oo daneynaya iney la wareegaan adeegyada bulshada khaatasan biyaha, korontada iyo isgaarsiinta dalka qaasatan kuwo Muqdisho.

Inkasta oo laga yaabo akhristow inaad isleedahay, marka loo fiiriyo xaaladda Soomaaliya maanta mareyso, shirkaddii rabta ha qaadatee mar uun yaa nabad nasiiya, ayaa hadana waxaa loo baahan yahay inaan la yareysan heshiisyada ay maamulka hadda jira ay saxiixayaan. Waayo mudaaharaadyada maanta adduunka ka jira waxa kalifay waxaa sameeyay dowladooyin tobaneeyo sano ka hor wadamadaas ka talin jiray. Waxa uu maanta dhibku ku dhacaayana waa dhalinta maanta nool.

Waxa aan u baahanahay inaan ka baranno mudaaharaadyada maanta caalamka ka socda waa, marka horee inaan wax ka dhaxeeya ummadda Soomaaliyeed aanan shaqsiyaad si gooni ah lagula heshiin, kuwa hadda ka shaqeysta ee ku faana iney helaan faa’iidooyinka aan xisaabta laheyn, iney ogaadaan in maalin lagula xisaabtami doono, kuwa hadda u soo hanqal taagaayana ay ogaadaan ineysan jirin dowlad gedi karta adeegga bulshada oo uu mar kastana uu hanti ma guurta ah uu u yahay ummadda Soomaaliyeed.

Mida labaad, waxaa lagama maarmaan ah in dhalinta Soomaaliyeed ay si weyn uga faa’iideystaan isbedellada caalamka ka jira oo ay dalkooda u soo jeestaan ogaadaanna in dalkaani uu dhammantood ka badan yahay balse loo baahan yahay in loo maamulo si aysan xaasidnimo iyo anay ugu fiican tahay aysan ku jirin oo si siman oo cadaaladi ku jirto looga fikiro dhibanayaasha Soomaaliyeed ee aan af iyo adin midna waxba ku goosan karin, haddii taas la waayana, waxaa imaanaya sadbursi iyo xad gudub aanan dhamaan waana midda ay rabaan dagaal oogayaasha iyo kuwa dagaalka ku taajiray oo u heysta haddii uu dalku nabad helo iney nolol weyn doonaan.

Guntii iyo gabagabadii, waxaan u maleynayaa inuu cashar fiican noogu jiro isbedellada caalamka maanta ka socda oo markii hore loo heystay iney ku ekaan doonaan bariga dhexe haddase ku fiday qaaradaha adduunka oo dhan. Sida looga faa’iideestana waxa ay ku xiran tahay sida aynu u ogaanno ineynu innagu ku nooleyn jasiirad adduunka ka go’an oo wax kasta oo ka dhaco dunida dacaladooda ay si toos ah ama/iyo si dadbanba ay noo saameyn doonaan.

mogadisho69@hotmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: