Shir Qof lagu Qancinayo Qaran waxba uma tarayo.

Qore: Abdihakin A. Asir

Waxaa in muddo ah soo socday shirar magaalooyin kala duwan lagu qabanayay oo dadka loogu sheekeeyo iney shirarkaasi yihiin kuwii dalka Soomaaliya looga saari lahaa qaabka ay dowladiisu u dhisan tahay oo hadda lagu magacaabo dowlad ku meel gaar ah, iyada oo dadka shirka loo qabanaayo ay yihiin dad aan isku miisaan aheyn, aananna aheyn dad la dhihi karo waxbey ka bedeli karaan qaabka uu dalku maanta yahay.

Shirarkaas waxaa ka qeyb gala dhorw qof oo fursad u heshay iney galaan booskii ay ka bexeen kuwii dagaal oogayaasha loo yiqiinay oo iyagu dadka iyo dalkaba gaarsiiyay meesha uu maanta maraayo, iyaga oo aan ku tusaale qaadan wixii dagaal oogayaasha ku dhacay balse u hanqaltaagaaya iney u noolaadaan sidoodii oo kale oo markasta ku hanjaba haddii aan la yeelin sida aan rabo waxba kama jiri doonaan waxa la isku raacay.

Shirarka aan sheegaayo waxa ay ka soo bilawdeen magaaladda Nairobi, waxaana ka qeyb galay dhowr sheegata iney madaxweynayaal u yihiin magaalooyin Soomaaliya ka tirsan iyo urur diini ah oo aan maanta aheyn kuwa sida weyn looga soo horjeedo oo isagu ka taliya magaalooyin dalka ka mid ah, waxaase shirkaas qaadacay oo ku sheegay inuu yahay mid aan dadka iyo dalka aan qiimo u laheyn dhowladdii ku meel gaarka aheyd oo uu madaxda ka ahaa Raisulwasaare Farmaajo, waxeyna ku soo dhamatay in kuwii isugu tegay shirkaas loo sheego waxa laga rabo iney ka qabtaan maagaalooyinka ay ka yimaadeen, sidaas ayuuna ku soo gabagaboobay, iyada oo shirkaas ay ku baxday qarash aad u weyn oo anfaci lahaa in si ka duwan loo isticmaalo loogana faa’iideeyo mashaariicda aasaasiga ah oo ay dadka iyo dalku u baahan yahay. Waxaa kaloo shirkaas laga sheegay iney jiri doonaan shirar kan dabayaalla oo lagu qaban doono magaaladda Muqdisho, markii taas la shaaciyay ayaa dood badan ka dib waxaa gadaal looga daray shir lagu qaban doono magaaladda Garoowe, iyada oo uu shirkaasi ka dhashay marki ninka goboladaas ka taliyaahi uu ku hanjabay haddii aan shirka qeyb ka mid ah aan lagu qaban magaaladaas inuusan ka qeyb geli doonin shirka ka dhici doona magaaladda Muqdisho.

Waxaa ku soo xigay shirkii Muqdisho lagu qabtay, oo weliba ku soo aaday xilli ay aad u yareyd baahida loo qabto shir noocaas oo kale ah, waxaana ka soo qeyb galay dowladda ku meel gaarka ah iyo intii horey u qeyb qaadatay shirkii hore. Maxaa dhaliyay in ay dowladda ku meel gaarka ah ay hadda ka qeyb gasho shirkaan labaad? Mase waxaa isbedel ku yimid wixi ay shirkii hore ku diiday? Sida la wada ogsoon yahay shirkiiNairobika dib waxaa isbedel weyn ku yimid dowladdii markaas dalka maamuleysay oo waxaa la doortay dowlad cusub oo runtii aad uga tayo iyo qorsho yar tii ka horeysay. Waxeyna wada ansixisay wax kasta oo loola yimaado oo aanan rabin inaan halkaan waqti idnnkaga qaado.

Waxaase taas ka daran oo weliba u baahan in si fiican loo lafa guro isbedlka fikirka ah ee dhashay markii la magacaabay dowladda hadda jirta oo runtii iyadu sida weyn ugu ololeyneysa shirarka noocaan ah iyo dowladdii shirkii hore diiday. Waa midda koowaade dhowladdii hore markii lamagacaabay oo weliba howlwadeen looga digay Raisulwasaarihii hore waxaa si cad uga hor yimid ninka maamula gobolada waqooyibariSoomaaliya isaga oo sabab uga dhigay inaan isaga lagalaba tashanin magacaabidda ninkaas cusub, sidaas darteedna uusan la shaqeyn doonin dowladdaas. Markii la magacaabay dowladda uu hadda howl wadeenka u yahay Cabdiweli Gaasna, waxa uu sheegay inuu la shaqeyn doono. Waxa labadaas nini ugu kala duwanaayeen ninka madaxda ka ah gobollada waqooyi bari Soomaaliya waa wax looga baahan yahay inuu isagu sheego, balse hal shay oo uu si cad sabab uga dhigay waxa ay aheyd inuu yiri waa nagagala tashaday magacaabidiisa, waana ku qanacnay in la magacaabo raisulwasaaraha cusub. Qudbaddii ugu horeysay uu Raisulwasaare Gaas uu ka akhriyo baarlamaanka dalkana waxa uu si weyn ugu dheeraaday iney jiraan isfahanwaa u dhaxeeya dhowladda dhexe oo uu ka wado dowladda ku meel gaarka ah iyo dowlad goboleedyada, balse uu isagu wax weyn ka qaban doono, uuna la shaqeyn doono. Waxa kale oo uu raisulwasaaruhu saxiixay qodobadii ama heshiiskii muranka badan dhaliyay oo ay soo gudbiyeen maamulka Goboladda waqooyi bari oo ay ku dalbanayeen haddii la soo koobo, in wax kasta oo ay dowladda dhexe qabataa ama soo gala iyaga qeyb ballaaran laga siiyo loona madaxbanaaneeyo iney sidey rabaan ka yeelaan waxyaabo badan oo loo baahnaa iney in dowladda dhexe looga danbeeyo sida kheyraadka dalka iyo wixii la mid ah. Mar kasta oo lagu kala fikir duwanaado waxa uu maamulka goboladaasi uu rabo iyo waxa dowladda ku meel gaarka ah saxa la ah, waxa uu maamulkaasi ku hanjabaa inuu kalsoonida kala noqonaayo dowladda dhexe, haddii aan loo ogolaan waxa uu rabo ama wax u dhow. Waxa uuna mararka qaarkooda u ekaada in dhowladda dhexe aysan shaqeyn karin haddii ay iyagu kala noqdaan kalsoonida, arintuse aad ayey uga duwan tahay sidaas.

Waxaase muhiim ah inaan marnaba loo akhrisanin ficiladda dadka maamula magaalooyinkaas iney ka tarjumayaan waxa ay rabaan walaalaha Soomaaliyeed ee nabada jecel ee ku nool dhamaan magaalooyinka waqooyibariSoomaaliya. Waana muhiim in la dareemo in waxyaabo badan oo ay sheegaan maamulku oo u eg sad bursi iyo wixii dalka dhibaatada geliyay inaysan ka imaanin dadka walaalaha ah ee degan goboladaas oo dhibka la qaba dalka intiisa kale oo ay ku eg tahay shaqsiyaad iyagu raba inay ku noolaadaan qaabkii loo noolaan jiray , ee ahaa wax kasta aney igu fiican yihiin.

Shirkan sedexaad ee ka bilawday magaalada Garoowe oo isagu daba jooga shirarkii ka horeeyay oo markiisii horeba sida aan sheegay lagu soo abaabulay ayaa ah midda dad badani ay sheegayaan mid aan wax horumar ah aanan laga gaari doonin maadaama sababta loo sameeyay shirkaanba ay tahay in la qanciyo qof isagu rabootay in maalin magaaladaas lagu shiro oo wax intaas dhaafsan aysanba ula jirin. Magaalada Garoowe waxa ay ka mid tahay magaalooyinka qiimaha badan oo ay Soomaalidu ku faanto meeel kasta oo ay joogaan, in lagu qabtaa shirna waxa ay ula mid atahay magaalo kasta oo Soomaaliyeed oo waxa ay uga duwan tahay ma jiraan, waxaase kala duwan sababta shirka loo qabanaayo iyo weliba waxa la rabo iney ka soo baxaan.

Balaan fiirino shirkaan. Waxaa la lee yahay waxaa laga shirayaa aayaha ummadda Soomaaliyeed iyo weliba sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo maamuli karta dalka oo dhan. Waa su’aale shirka noocaas ah ma waxa uu ka dhexeeyaa Dhowladda ku meel gaarka ah iyo kuwa ka soo horjeeda? Mise dowladda federaalka iyo kuwo iyagu sheegta iney meel madax ka yihiin goboladda qaarkood balse aanan wax allaahe iyo wax ay ummadooda u awoodaan aysan jirin. Aan hoos ugu sii dhaadhacee ma waxaa la is lee yahay Faroole iyo Caalin oo iyagu mar kasta meeshii looga yeero aada oo aanan miisaamin meesha ay aadayaan iyo ururka diiniga ah ee ka taliya dhowrka magaalo kuna kala qeybsan shirkaan oo ay qeyb kaliya ka soo qeyb galeen ayaa dadka iyo dalka horumarkooda lagala tashanayaa? War illeen wax kaa yaaba ma weyneysid. Waa yaabe maxey ka awoodaan wadanka intiisa kale? Maxaa runta looga cararayaa oo dadka Soomaaliyeed riwaayadda loogu dhigayaa loogana dhuminayaa fursadaha qaaliga ah ee maanta ummadda Soomaaliyeed soo martay? Maxaa looga faa’iideysan la’ yahay isbedellada ballaaran ee ku soo korday siyaasadda caalamka oo markasta meesha dhow wax looga fiirinayaa, oo nin jecleysigu uu uga muhiimsan yahay nidaam jecleysiga?

Runtii su’aalahani ma aha kuwo la isweydiiyay balse anigu lama yaabani kuwa sheegta dowlad goboleedyada iyo ururadda meesha ku shiraaya ee waxa aan la yaabanahay kuwa sheeganaaya iney dhowlad Soomaaliyeed yihiin hadana ogolaaday iney la shiraan qeyb ka mid ah, kuwii ay u talinayeed oo aysan weliba wax colaad ah kala dhexeynin. Waa maxay sababta u diideysa iney la shiraan ururadda ay is hayaan oo iyagu maamula meelo badan oo dalka ka tirsan mase, in lala shiro, ururradda ay mudan tahay in lala shiro, kuwa lacagta dowlladda dhiiba ayaa diidaaya si aysan ciyaardootu u soo dhamaanin? Dhinac kasta oo aad ka fiirisaba waxaa kuu soo baxaaya in shirka lagu qabtay magaaladda garoowe oo aan ka duwneyn kuwii hore, isaguse ku darsaday inuu yahay mid ka dhashay qancin qofeed, ayaa u eg shimbirayahow heesadii in muddada ah uu dalku ku soo jiray, waxaana rajeynayaa in ummaddu ay si fiican uga feejignaato oo aysan ku dhicin dabinadda sida joogtada ah loo soo aloosayo iyada oo loo soo maraayo gumeysi u adeege aan garanaynin wax isaga jeebkiisa ka badan oo si sahal ah ummadda u dhaafsanaya wax uu isagu cuno. Waana inaan dadka noocaas ah aanan dalka marti looga noqonin oo si toos ah iyo si dadbanba looga horyimaadaa ficiladooda guracan. Cidda kaliya ee sida tooska dalka wax uga bedeli kartana waa wadaniyiin doonaaya iney dalkooda iyo dadkooda u adeegaan iyaga oo tooda ka hormarinaaya tan shacabka, waxa ayna wadaniyiintu joogaan dhalka gudahiisa iyo dibadiisaba, waase iney u istaagaan una hiiliyaan dalkooda iyo dadkooda oo ay ka soo gaaraan maxeysatada uu Mahiige madiidinka ka dhigtay.

Guntii iyo gabgabadii qof kasta oo dalkaas xil ka qabta inta uu ku jiro xaaladda uu hadda ku jiro, waxa ay ku kala duwnaan doonaan waxa ay ummadda Soomaaliyeed u qabteen, ee kuma kala duwanaan doonaan siyaasadaha qaabta daran ee ay cayaareen iyaga oo ugu daneynaya shaqsi ama koox  ama qoys. Waxaa talo iga ah inaad ka feejignaato wax kasta oo dhaliya in ummadda Soomaaliyeed lagu kala faquuqo oo keena in qaarkood ay waayaan waxa ay xaqqa u leeyihiin. Ogowna berrito adaa lagu weydiinayaa ee lama weydiinaayo ninkaad sida xun ugu khidmeyneysay. Fiiri waxa kaa horeeya iyo weliba waxa aad ummadda uga tegeysid ee ha fiirinin waxa uu shaqsi sidaada oo kale ku lee yahay si uu dantiisa kaaga fushado. Fiiri meeshii ay ku danbeeyeen kuwii kaa horeeyay iyo weliba sida ay u kala duwanaayeen. Waxaad cadaalad ku heli weydo cadaalad darro kuma heleysid. Dhibka lagu jirana waxaa looga bixi karaa cadaalad ee ummadda ha u horseedin cadaalad darro kale xataa haddii aad adigu markii horeba aad meesha ku timid cadaalad darro. U hiili dalkaada iyo dadkaada Soomaaliyeed, ilaahbaa adigana kuu hiilin doona maalin aan hiila kale aysan waxba tereynin.

Abdihakin A. Asir

Mogadisho69@hotmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: