Gacanta Sareysa ayaa ka kheyr badan tan hooseysa.

W/Q: Abdihakin A. Asir

Sida laga dhedhensan karo ciwaanka qoraalkaan, waa laga fiican yahay inaad gacmaha hoorsato, oo waxaa kuu kheyr badan inaad adigu raadsato wixii ilaahey kuu qoray koley maba weyn doontide. Laakiin haddii aad aaminto in mar kastaaba uu qof kale wax ku siiyo oo aadan adigu marnaba aadan far dhaqaajinin, waxaa hubanti ah inaan yaa rabbi juuni dahab aanan la iska yeeleynin.

Tuugsashadu ma aha mid cusub oo aan dhihi karno waxaa kalifay oo kaliya dhibaatada roob la’aanta oo keenay abaaraha meel kasta laga sheegay, balse waa wax aan ka cabsanaayo ineyba caado noo noqotay. Mana aha waxa ay sababtay abaar ee waa wax ay dad badani u arkaan inay tahay dhaqan una baahan in la bedelo oo weliba wax weyn laga qabto, waxa ayna salka ku heysaa fikirka caanka ah ee la yiraahdo ka cadeyso. Waxaana badanaa la aaminay in qofka xalaal quudatada ahi uuba yahay qof nacas ah oo isagu aanan waxba ogeyn. Magaalo kasta oo ay soomaali degan tahay ha ahaadaan kuwa ku yaalla Soomaaliya gudaheeda amaba wadamada deriska ah haddii uu weriye amaba gof filim qaade ah uu tagaa, oo uu weydiiyo xaaladda magaalada ay ku nool yihiin, waxa ugu horeeya ay dhahayaan waa in loo gargaaro oo wax loo qabto. Xaggee laga keenay fikirka ah inaad mar kastaaba aan qof kale weydiinno inuu wax noo qabto? Maxaa noo diidaaya inaan innagu wax qabsanno? Mase innagu sheekada iyo haasaabidda ayaan ku fiicaahay, oo waxaa jira dad kale oo aannu ka sugeyno inay xaliyaan dhibaatooyinkeenna oo dhan.

Boqol sano ka hor, intii aysan gumaystuhu ku soo hayaamin dalkeenna oo aysan la imaamin dhaqanka xun ee isku dul noolaashaha, yaa dadka Soomaaliyeed wax siin jiray? Sideebay u noolaayeen? Ma waxaa jirtay hayad kaalmo iyo caawinaad la daba taagnayd? Jawaabtu waa maya oo qof walbaaba iyo qoys kastaaba iyaga ayaa isku filnaa oo waxa uu ilaahey siiyay ayey barakeysan jireen oo uma baahneyn in ay tuugsadaan, oo weliba tuugsashadu waxa ayba ahaan jirtay wax laga faanno oo haddii ay naftu kaa dhacayso waxaaba laga yaabaa inaadan weligaa waxba weydiisanin, illaa laguu garto. Maxaa naga dhumiyay dhaqamadaas aadka u quruxda badan oo weliba noogu bedelay midka foosha xun ee ku dhisan dawarsiga iyo mashaqeystenimada? Waa ay runtii adag tahay in suaashaas laga jawaabo, waxaanse jawaabteeda u daynayaa dadka taariikhda ku takhasusay oo aan aaminsanahay inay jawaab waafi ah ay ka bixin doonaan, balse sideennu wax uga qaban karnaa oo aan u bedeli karnaa fikirka na dilooday ee ah ineynnu waxba qabsan karin, oo aannu u baahan nahay in dad kale wax noo qabtaan?

Waa midda koobaade waxa aynnu u baahanahay ineynu fahanno ineysan jirin qof ilaahay dartiis wax kuugu qabanaysa, marka laga reebo dadka muslimka ah kuwooda ilaahey u naxariistay oo aan iyagu dana qaas ah aanan ka laheyn waxa ay u qabtaan dadka dhibaataysan. Dadka kale ee yiraahda waxbaan caawinnaa dhammaantood waxbaa ugu hoos qarsoon oo ay ugu weyn tahay in lagaa dhigo mashaqeyste aanan waxba qabsan oo mustaqbalka dheer ku noolaada waxyaabaha loo soo uruuriyay, keentana sida hadda socota in aanad adigu go’aanka yeelan oo uu kuu sameeyo go’aanka kii wax ku siinayay. Tani ma aha wax u baahan tusaaale ee waa mid aan maalin kasta aragno una baahan oo kaliya in lagu baraarugo.

Midda labaad waa in laga daba tago beenta fakatay ee tiraahda dadka iyo dalka Soomaaliyeed iskuma filna oo ma noolaan karaan caawinaad la’aan. Midani waa beenta ugu weyn ee dhalisay cabsida weyn oo aan ka qabno baahida, keentayna boobka iyo dhaca hantida dadweynaha oo loo la’ yahay madax ka fayow sad bursi iyo xatooyo. Badanaa nin kasta oo loo magacaabo inuu xil ka qabto meel waxaad muddo yar gudahood aad maqlaysaa waxbuu lunsaday iyo waxbaa ku dhumay. Sababta ay wax u dhumayaan ama loo lunsanayo waa iyada oo qofka maamulaha ahi uu ka cabsanayo markuu meesha ka tago inuu waayo wax uu cuno maadaama ay jirto beenta dhaheysa wadan kani ma isku filaan karo sidaas darteed waa in la caawiyaa oo caawinaaduna ay noqotaa mida uu qaato midka ugu qayaanada badan ama ugu xoogga badan.

Tan sedexaad oo uu runtii loo baahan yahay in wax weyn laga qabto si loo helo isku filnaansho oo weliba looga maarmo in gacanteennu noqoto midda hooseysa waa in dadka lagu dhiiri geliyaa iney shaqeystaan oo aysan ku qancin waxa yar ee loo balan qaadaayo oo aanan la garanaynin marka la heli doono.

Sida aad ka arki karto sawirka kor ku qoran, oo ay lee dahay hayadda MSF, ama ay u egtahay iney yihiin dad dalkoodii ku ah qaxooti, oo ku qanacsan teendhooyinka loogu dhisay meesha ay degan yihiin, oo ay weliba si aan qiyaas lahayn ay ugu dhowdahay nimco aan xisaab laheyn oo qof walba oo ay baahiyu heyso uu sidii uu rabo uga dhergi karo. Bal aan isweydiinnee, haddii waxa abbaaruhu kalifeen ay tahay baahi iyo beerihii oo la waayo wax ka soo baxa, maxaa loo awoodi la’ yahay in laga manaafacaadsado kheyraadka kale oo uu ilaahey ku manadeystay dadka Soomaaliyeed oo ay ku jirto badda ballaaran ee ku xeendaaban dhulka Soomaaliyeed? Waa su’aal aanan jawaab loo heynin oo aanan ka aheyn waxaanan garaney sidii aan wax ugala soo bixi laheyn. Runtii aqoon wey jirtaa waana la awoodaa in wax lagala soo baxo balse weli waxaa naga hor muuqda waxa lacag la’aanta ah ee aanan loo dhibtoon oo lagu madadaalinayo ummadda Soomaaliyeed, waana midaas mida loo baahan yahay in si toos ah wax looga qabto oo la joojiyo lagana horyimaado.

Guntii iyo gabagabadii, nin taajir ah oo aanan ogeyn taajirnimadiisa qof u sheegi karta taajir baad tahay ma jirto ilaa uu isagu isaga sheego taajirnimadaas. Waxa ayna u eg tahay inay Soomaalidu sidaas tahay, waxaase loo baahan yahay in isbedel lala yimaado oo aanan mugdigaan lagu sii jirin ee lala yimaado xeelado looga baxo siriqda meel kasta na loo dhigay oo aan sidii duqsiga aan ugu daadanayno. Waa in si toos ah loo diidaa in gacmaha la hoorsado, looguna tashto dad kale oo runtii iyagu wax kasta ka raadinaya iney wax ka helaan oo aad adigu u naqato shaqo aadna u heysato iney kuu soo gurmadeen markay u soo baxeen iney adiga shaqo kaa dhigtaan. Waa in isbedel lala yimaado. Cidda laga filaayo iney isbedel keenaanna waa dhalinta ay maskaxdoodu fayowdahay oo iyagu ka fayow waxa dalkeenna baabi’iyay, waxeyse iyaguna u baahan yihiin inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si aan dib loogu dhicin wixii dhibka keenay. Allow dalka iyo dadkaba mugdiga ka saar.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: