Xisbiyada Siyaasada ee soo badanaya ma faa’iidaa mise?

W/Q: Abdihakin A. Asir

Waxaa laga yaabaa marka aad maqasho magacaabidda xisbi cusub inaad isla markiiba aad istiraahdo kuwii hore ayaa wax qaban la’ ee maxaa kuwo kale laga magcaabayaa. Runtiina waa su’aal meesha ku jirta oo runtii u baahan in jawaan loo helo.

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay u arkaan siyaabo kala duwan oo runtiina muhiimadooda leh loona baahan yahay in la siiyo xushmad firkadahaas iska soo horjeeda oo qofiba si u akro, balse marka aan anigu isweydiiyo su’aashaas waxaan u maleynayaa in ay wax aan horay uga jirin hadallada siyaasadda dalka inay ku soo kordhinayaan, faa’iidana u yeelan doonaan dad badan oo aan maanta cod laheyn haddii loo ogolaado iney codkooda dhiibtaan.

Waxaa laga yaabaa marka aan lee yahay dadka codka aan laheyn inaan ula jeedo dadka siyaasiyiintu ay ku magacaabeen iney dadka kale barkooda yihiin, balse waa dadka ugu tirada badan ee aan intii dalku jiray aan weligood helin fursad ay iyagu arimahooda uga tashadaan marka laga reebo sagaalkii sano ee ka danbeysay markii dawlad Soomaaliyeed la dhisay. Waana dhalinta Soomaaliyeed oo aan iyagu fursad u helin iney dalkooda ay fikradu saliim ah ay ku hogaamiyaan.

Waxaa la wada ogsoon yahay in lixdameeyadii ay Soomaaliya ka jireen xisbiyo badan, kuwaas oo dad badan oo xiligaas noolaa, ay qaar xisbiyadaas ka mid ahaa runtii ka deyriyeen oo ay weliba yiraahdeen waxa ay ku dhisnaayeen qaababka foosha xun ee noo horseeday meesha aan maanta joogno. Waxaa kaloo jira in dhamaan ururaddii jabhadaha ahaa ee dalka burburiyay ay dhamaantood ku dhisnaayeed qaabkaas foosha xun ee dhibka iyo rafaadka u horseeday ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nooshahayba. Hadaba dad badan ayaa ku dooda in xisbiyada hadda ku soo kordhaya masrixiyadda siyaasadda dalka Soomaaliya ineysan waxba ka duwanaan doonin kuwii jabhadaha ahaa, aniguse taas ma qabo, oo waxaan u maleynayaa inay suurta gal tahay in dad badan oo aan maanta wax fursad ah aan u laheyn iney dadka iyo dalka wax u qabtaan iney qaabka xisbiyada ay ku heli karaan fursad weyn oo ay weliba uga madax banaanaadaan qaabka guracan ee xaqdarrada iyo jahliga ku dhisan ee la rabo inaan weligiis laga gudbin ee 4.5.

Waxaase hubanti ah in xisbiyadda maanta dhashay iney ku jiraan xisbiyo la dhihi karo waxa ay la mid yihiin kuwii lixdameeyadii oo weliba wey ka sii xumaan karaan oo waxaa si toos ah uga muuqda in shaqsiyaad ama shaqsi uu xisbigu ku dhisan yahay. Mararka qaarkoodna waxaad arkaysaa xisbiyo iyagu si cad ay uga muuqato heybtu iyo kuwo kale oo ujeedada loo sameeyayba ay tahay in jagooyin lagu helo oo aan iyagu laheyn ujeedo siyaasadeed oo dheer. Waxaase kaloo jira xisbiyo iyagu ku dhisan aaraa iyo ujeedooyin runtiina la mid ah ama ka ag dhow xisbiyadii xornimo doonka ahaa. Waxaana u maleynayaa inuu maanta dalku u baahan yahay xisbiyo kuwaas oo kale ah oo wadaniyiin ah oo iyagu ku dhisan mabaadii ku saleysan sidii dalka loogu soo celin lahaa xushmaddii qarannimo oo uu labaatankaan sano dhumiyay.

Waxaan wada ogsoonahay in maanta xisbiyadda dalka ama dibadiisa ka dhisanni ay kor u dhaafayaan tobaneeyo oo ay weliba jiraan qaar badan oo aad runtii is dhihi karto wey isu dhow yihiin amaba waaba isku mid oo iyagu kala leh magacyo kala duwan. Runtiina waad la yaabeysaa sida ay suurta gal u tahay in qofi uu rabo inuu dantii dalka uu ka shaqeeyo hadana uu rabo inuu isagu sameeyo wax cusub isagoo heli kara inuu ku biiro ama uu la shaqeeyo kuwa maanta jira oo ay isku fikradaha yihiin amaba ay iska ag dhow yihiin. Waxaa caado ahaan jirtay xagga ganacsiga in marka la arko meel uu qofi dukaan ka furtay in qof kale uu agtiisa ka furi jiray dukaan aan kii waxba ka duwaneyn oo weliba ay isku sicir jebiyaan, iyagoo aanan marnaba isku soo qaadeynin iney shirkoobaan ama ay wada shaqeystaan.

Runtii xisbiyadu waxa ay qeyb ka yihiin xalka dhibaatada gaamurtay ee dalkeenna ceelka dheer ka riday, waxaase lagama maarmaan ah ineysan xisbiyadu noqonin meel shaatiyada lagu bedesho oo ay horboodaan kuwii dalku ka horumari waayay, dadkuna ay ka hergeli waayeen labaatankii sano ee la soo dhaafay. Waa in xisbiyadu noqdaan kuwo keena yididiilo cusub oo ku dhisan mabaadii iyo fikrado wata Soomaalinimo iyo sinaan, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara in loo arko kuwo aan ka bedelneyn hogaamiye kooxeedyadii dhibaatada dalka iyo dadkaba biday.

Xisbiyadu waa ineysan noqonin kuwo ku mashquulla waxyaabaha isbedbedelaya ee maalin laha ah ee dalka ka dhacaya oo kaliya, balse waa iney la yimaadaan qorshe aad u dheer oo looga samata bixin karo dalka iyo dadkaba aafada heysata. Waa in xisbigu noqdaa meeshii ay isku baran lahaayeen howl wadeennada howl karnimada leh ee la rabo iney dalka u shaqeeyaan. Xisbigu waa meeshii lagu tababari lahaa wadaniyiin firfircooni leh oo iyagu naftooda iyo maalkoodaba u hura danta guud. Xisbigu waa meeshii soo saari laheyd dadkii bedeli lahaa dadka markaas dalka xukunka u haya.

Waxaa tusaale noogu filan xisbiyada maanta caalamka ka jira oo ay qaarkood boqol sano jirsadeen oo iyagu weli aaminsan ineysan gaarin qorshihii iyo horumarkii ay dalkooda iyo dadkooda la doonayeen iyo xisbiyada kontonka sano ka soo hoos shaqeynayey kaligiis taliyayaal aan naxariis laheyn oo dad badan oo xisbiyadaas ka tirsani ay nafsadooda u waayeen fikradihii xisbiyadaas oo ay si cad ugu howl galeen.

Waxaa hubanti ah iney jiraan xisbiyo Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan oo maanta dalka iyo dibadaba ka jira oo iyagu abuuray rajo, tusayna dad badan in si wada jir ah looga shaqeyn karo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyada oo dadka xisbiga ka wada shaqeynaya waxa isu keenay ay tahay oo kaliya Soomaalinimo oo weliba qaar badan oo ka mid ah aysan weligood horey isu arkin, waxaase maqan oo weli lagu guulaysan la’ yahay sidii shaqooyinka ay xisbiyadu wadaan ee aadka u qiimaha badan loo gaarsiin lahaa dadka si ay iyagu u doortaan midka ay is lee yihiin waxa uu keeni karaa horumar. Waxaana u maleynayaa sababta ay xisbiyadu u awoodi la’ yihiin iney arintaas ku guulaystaan iney tahay iyaga oo qaar badan oo ka mid ah ay aaminsan yihiin inaan la gaarin maalintii xisbiyadu dalka maamuli lahaayeen oo weli lagu qasban yahay qaabka guracan ee 4.5.

Guntii iyo gabagabadii, waxaa lagama maarmaan ah in la mideeyo xoogaga fikirka iyo ujeedooya ku dhisan si looga gudbo xoogaga QABYAALADA iyo JAHLIGA ku dhisan. Taasina waa waajib saaran qof kasta oo uu ku jiro dareen dal iyo dadnimo Soomaaliyeed. Waa in loo istaagaa loona midoobaa sidii looga hor imaan lahaa gumeysiga qarsoon ee uu dalkeennu ku jiro, waana inaanan lagu haleynin dadka iyagu isxilqaamay oo u istaagay iney dadkooda isu keenaan oo ay ku mideeyaan fikrado, ee waa in HIIL iyo HOOBA la isla garab taagaa si ay uga mira dhaliyaan wixii ay u istaageen.

Guul iyo Gobannimo

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: