Dawlad Goboleedyada iyo Dhalinta Maanta.


W/Q:Abdihakin A. Asir

Waxaa wax lagu farxo ah in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay si cad uga horyimaadeen qaababka guracan oo uu gumeystaha cusub ula doonayo inuu dhibaatooyin hor leh uga abuuro dhulka Soomaaliyeed, Markey cod ballaaran ku sheegeen, sida ay uga soo horjeedaan dhismayaasha dhowlad goboleedyada aan nuxurka iyo horumarka ku dhisneyn ee u adeegaya cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxaa muhiim ah ineynu fahanno siyaabaha kala duwan ee dhalinta Soomaaliyeed loo maran habaabiyey, looguna isticmaalay waxyaabo aan iyaga hurumar u laheyn, loogana dhigay iney lagama maarmaan u tahay jiritaankooda. Si aynu u fahanno hagardaamada qorsheysan ee lagu waxyeeleynayo mustaqbalka dhalinta,dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waa ineynu dib u jaleecnaa sida ay isugu xiran yihiin, dhacdooyinka mustaqbalka tiray dhalinta Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii dowladdii dhexe burburtay ilaa iyo manta, oo la doonayo in loo abuuro xuduudo ku dhex yaalla Soomaaliya gudaheeda taasoo mustaqbalka keeni karta isqabqabsi xuduudood oo u dhexeeya Soomaalida gudaheeda marka uu mid kastaaba sheegto, wax aan la fahmi Karin oo ay ugu yeereen dowlad goboleedyo kala madax bannaan oo laga yaabo qorshaha ka danbeeya in uu yahay in Soomaalida laga dhego kuwo welligood cadaw isu ah oo aan weligood nabad waarta helin.

Waxaa tusaale noogu filan wixii aanu la kulanay labaadankii sano ee la soo dhaafay. Laga billabo dhismayaashii Jabhadaha qabiilka ku dhisnaa ee ay maal gelin jireen hantiilayaashii ugu tunka weynaa qabiiladaad, waxeysan marna xisaabta ku derin waxa laga dhaxli doono burburinta dalkaas iyo sida laga yaabo ineysan ugu suurta gelin hamigoodii siyaasadeed ee ku dhisnaa iney sameeyaan wixii ay ku eedayeen dowladdii markaas wadanka ka dhisneyd, oo aheyd eexda iyo nin jecleysiga. Waxaana iyaga sii marin habaabiyey dowladdo isaga dhigayey iney jabhadaha saaxiibo la yihiin oo ay ka caawin doonaan wax kasta oo ay u baahdaan. Waxeyna gabagabaddii ku dhamaatay in la gaaro in Soomaalidii ay iyadu bahal oo kale isu cunto oo weliba midba midka kale uu nolosha u quuri waayo. Waxaana burburka loo isticmaalay dhalintii waagaas oo runtii qabiilkoodu kaga qiimaha badnaa qaranka.
Waxey taasi na dhaxalsiisay iney dhismaan qabqablayaal dagaal oo maalinba reer isku qaada oo bulshada geliyay dagaal aan dhamaan, kuna laayay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, isaga oo qorshaha uu dadka ku leynayo aysan aheyn mid uu isagu lee yahay balse ay tahay mid loo soo dhiibay, oo uusan garaneynin xagga ay ku dhamaan doonto. Baaba’a ballaaranna waxa uu ku habsaday dhalintii sida indha la’aanta ah u raacday fikiradaas gurracan oo ay qabqablayaashu wadeen waxaana ku mustaqbal waayay dhalinyaro aan la xisaabin karin.

Waxaa taas ka horyimid kacdoonkii ballarnaa oo ay hogaaminayeen culumaa’udiin Soomaaliyeed oo wadanka, (khaasatan Magaaladda Muqdisho) muddo kooban gudahood ugala wareegay qabqablayaashii dagaalka, dhaliyayna dareen nabadeed oo ay Muqdisho ku raaxeysato muddo lix ilood ah. Balse nasiib darro qorsha la’aanta iyo ficiladda aan laga fiirsan oo ay ku kaceen qaar ka mid ah hogaamiyayaashii waqtigaas hogaanka u hayey kacdoonka, waxey keeneen inaan la calfan nabadii yareen ee magaaladaas ka dhalatay. Muddo yar ka dibna waxaa magaaladda Muqdisho dib ugu soo laabtay hogaamiye kooxeedyaddii uu hogaaminayo hogaamiye kooxeedkii ay ku soo doorteen dalka Kenya iyo baarlamaankiisa, oo ay horkacayaan ciidamaddii ay u yeerteen ee ithoobiya kuwaasoo dalka ka geestay xasuuq aan horey Soomaalya aan uga dhicin intii ay dhibaatadi dalka ka jirtay. Waxaana dhibka ugu weyn uu soo gaaray dhalinta Soomaaliyeed oo iyagu noqday xaabada uu tuug kastaaba uu danahiisa ku difaacdo.

Markii qabqablayaasha qumeystuhu u adeegsan jiray burburka dalka ay awoodoodii dhamaatay oo ay weliba cadaatay ineysan dib danbe suurta gal ugu aheyn ineyn ku soo noqdaan masraxa siyaadadda dalka iyagoo leh awoodihii ay horey u lahaayeen, waxaa isla markiiba cadowga ummada Soomaaliyeed bilaabay sidii uu u heli lahaa wax kale oo uu bulshada ku marin habaabiyo oo u suurta gelisa danahiisa guracan isagoo mar kasta u isticmaalaya qaar ka mid ah ummadda ballaaran ee Soomaaliyeed oo (sidii qabqablayaasha oo kale) aanan iyaga wax qiima ah aysan ugu fadhinin dalka iyo dadkaba. Waxeyna isla markiiba diiradda saareen sidii loo maal geli lahaa loona abuuri lahaa wax ay ugu magic dareen maamul goboleedyo kala madax bannaan oo midba midka kale cadow ku yahay, kalana sheegta xuduudo, mid kastana uu meeshaas ka taliyo.

Inkastoo ay horay u jireen labo maamul oo ka kala dhisnaa waqooyi galbeed iyo waqooyi bari Soomaaliya, oo ay dhisteen dad isu tagay si ay u sameystaan maamullo suurta geliya howlihii ay qaban jirtay dowladda dhexe, waxaa hadda soo baxay maamul goboleedyo saf ballaaran ah oo uu mid walba sheeganayo inuu ka taliyo tuulo hebel. Kuwaas oo la sheegayo iney jirto dhiira gelin iyo weliba maalgelin ka timaada heyadaha madaxa bannan ee sheegta iney daneeyaan arrimaha Soomaaliya. Waxaa kaloo jirta warar la isla

dhex marayo oo sheegaya inay dhismaha maamul goboleedyada ay ka danbeeyaan dowlado Soomaaliya deris la ah oo iyagu raba in Soomaaliya aysan ka dhalanin dowlad awood leh, loona kala qeybiyo Soomaaliya qobolo kala madaxbannaan oo aan weligood iyagu kala dhamaan, keentana mustaqbalka dagaallo ku saleesan xuduudo, Soomaaliyana ay weligeed ahaato meel dagaal u joog ah.

Waxaana taas tusaale u ah qobolka Hiiraan oo kaliya waxaa ka jira ilaa iyo afar Madaxweyne oo uu mid kasta sheegto inuu qeyb isagu ka taliyo qaarna ayba isla meel sheeganayaan. Miyeysan cadeyn in haddii ay saas ku socoto in kuwani ay geli doonaan booskii qabqablayaasha loona soo hubeyn doono sidii loo hubeyn jiray qabqablayaasha.

Suaasha lagama maarmaanka ah ee u baahan in la isweydiiyo waxa ay tahay xaggee dhalinta Soomaaliyeed maanta kaga jiraan, aaya ka talinta mustaqbalka dalkooda iyo dadkoodaba? Mase raali ayey ka yihiin waxyaabaha aan kor ku xusay? oo si cad ay dhalintu mar kasta yihiin kuwa ay dhibaatada ugu badan ay gaari doonto meel kastaba ha uga noolaadaan dal weynaha Soomaaliya.

Waa ay cadahay ineysan dhalinta Soomaaliyeed aysan raali ka aheyn Maamul goboleedyada, sida ay qaar badan uga hadleenba, balse waxaa meesha ka maqan qaabab habeysan oo ay uga horyimaadaan shirqooladda loo maleegayo maalinba maalinta ka danbeysa. Waxaa qasab ah in codka dhalinyarada meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ay si cad ugu soo gudbiyaan dadka ay guseyso una cabiraan fikirdooda ku saabsan dhismaha maamul goboleedyada iyo weliba sida ay uga soo horjeedaan.

Dadka Soomaaliyeed aad iyo aad ayey uga soo daaleed gogob iyo kala qeybin, markii la ogaaday in gabiilkii qabyaaladda ay sii dhaceyso, oo ummaddii Soomaaliyeed bilaabeen iney xoogga wada saaraan waxa mideeya intii ay ka fikiri lahaayeen waxa ay ku kala aragti duwan yihiin ayaa waxaa loo keenay qaab cusub oo dadka qaar loo tusinayo inuu horumar keeni karo, kaasoo ah maamul goboleedyo, iyadoo aan weliba laga munaaqashoon faa’iidada iyo qasaaradha uu ummaddan u lee yahay.

Waxaan guntii iyo gabagabadii ku soo gunaanadayaa, dhalinta Soomaaliyeed maxbiis uma ahaan karaan calooshiis u shaqeyste aan wax uu ka naxaayo aysan jirin, naxariisna aan u heynin jiilalka Soomaaliyeed ee naga danbeeya. Waa ineynu si cad ugu sheegnaa inaynu raali ka aheyn qorshayaasha lagu marin habaabinayo aayaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, oo kan ugu danyeeya uu yahay midkan ku dhisan goboleysiga iyo boqolka madaxweyne, waxaana u soo jeedinayaa dhamaan madax isku sheegga maamuladda sameystay iney ogaadaan in lala xisaabtami doono oo wax kasta oo xun oo ay ku dhaqaaqaan maalin la horkeenni doono sharciga hortiisa.
Abdihakin A. Asir

Mogadisho69@gmail.com

http://www.codkashacabka.wordpress.com 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: