Luqadda Ingiriiska oo Af-Soomaaliga kaga dheereysay dalka Soomaaliya gudahiisa.

W/Q: Abdihakin A. Asir

Dhaqanka ummad kastaaba waxa uu ku fidaa kuna gaaraa wadamada kale hadba sida ay iyagu isugu dayaan oo ay weliba u gaarsiiyaan luqaddooda wadamada ay danaha ka lee yihiin, si aysan dhaqamadoodu u noqon kuwo la qoonsado ama laga horyimaado. 

Waxaan badanaa la kala sooci karin luqadda iyo dhaqanka wadan lee yahay oo haddii aad luqad taqaanno oo aadan aqoonin dhaqanka wadamada luqadaas ku hadla waxaa kaa maqnaaneysa waxyaabo badan oo dhaqanka iyo luqaddu ay isu keenayaan, waana midaas midda keenta in marka luqad wadan la baranayo in la tago wadamada looga hadlo luqaddaas.

Hadaba marka laga hadlaayo isbarbardhigga luqadda Soomaaliga iyo mida Ingriiska, waxa laga yaabaa in ay adkaato in laga doodo waayo wey cadahay in luqadda Ingriisku tahay luqad lagu tilmaamo mid caalami oo looga hadlo xarumo badan oo dadku isugu yimaadaan, maantana ay tahay luqadda caalamka wax looga barto sidii ay luqadda carabiga waa ahaan jirtay.

Su’aasha meesha taalaahi waxa ay tahay sidee baa luqadda Ingiriisku uga dheerayn kareysaa Luqadda Soomaaliga iyadoo la joogo dalkii luqadda Soomaaliga ay ka dhalatay? Runtii waa su’aal naxdin leh, waayo 20sano ka dib markaad ogaato waxa aad weysay ineysan aheyn dowlad ama maamul kaliya ee waxaaba halis ku jiro jiritaankaada Soomaalinimo oo ay ugu horeyso luqaddaada.

Hoos u dhaca luqaddeenna iyo dhaqankeena ku yimid waa mid aannu laba shilin dhaafsanay, waayo waxaa la ogaaday in haddii qofka Soomaaliga ah la siiyo maal adduun uu dhaafsanayo wax kasta, waxaana taas tusaale u ah, qaabka ay luqaddeennu u noqotay luqad laga faano oo qofkii Soomaali ah ee raba inuu meel ka hadlaaba uu qasab isaga dhigayo inuu ku hadlo erayo Ingiriis ah, si iyada oo la yiri haddii aadan ku hadlin ma laguu aqoonsanayo qof waxfahmaaya. Sababta ay sidaas u yeelayaan ma aha iney rabaan in la fahmo waxa ay sheegayaan ee waa iney tusaan dadka luqadaas ku hadla iney yihiin dad la aamini karo oo xadaarad leh, wax qiima ahna uguma fadhiyaan dadka ay la hadlayaan oo laga yaabo ineysan fahminba ugu yaraan erayada ingiriiska ah ee uu ku hadlaayo.

Waxaa kaloo jira shirar iyo xaflado ay diyaariyaan qolooyin sheegta iney waxbaraan odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka oo badanaa abaabula tababarro, kuwaas oo badanaa ka dhaca dalka gudahiisa dadka loogu tala galayna ayba yihiin dad Soomaaliyeed. Tababarradaas ayaa meesha lagu soo bandhigaayo waxaa laga buuxiyaa qoraallo ama hal ku dhigyo ku qoran luqadda Ingiriiska. Waa maxay sababta keentay in lagu qoro luqaddaas? Ma waxaa ku hadla dadka Soomaaliyeed ee shirka loo qabtay ama tababarka loo sameynayo mise waxaa jira qolooyin lacag looga soo qaatay arintaas oo la rabo in la tuso in shirkaas dhacay? Bal fiiri sawiraddaan:

Dhinac kasta oo aad ka fiirisiba waxaad dareemaysaa in uu burbur badan ku socdo luqadda soomaaliga iyo weliba dhaqankii Soomaaliga. Hadaba xalku maxuu yahay? Yaase laga sugayaa inuu wax ka qabto baaba’a ku sodca jiritaanka ummadda Soomaaliyeed? Waa lagama maarmaan inaynu isweydiinno su’aalaha aan u maleynaayo inaan maanta aan sida tooska aanan la isu weydiinaynin, si aynu jawaab ugu helno arrimahaan qaabka daran ee beryahaan ku soo badanaaya dalka.

Waxaa loo baahan yahay in si weyn looga fiirsado waxa loo keenaayo ummadda Soomaaliyeed oo aan aqoon looga dhigin luqad, iyada oo danta laga lee yahay luqadaas ay tahay in lagu dhalan rogo oo lagu gaarsiiyo sidii dawacadii socodkeediina ka tagtay kii kalena gaari weysay.

Waxaa kaloo jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo shaqooyin sare ka haya dowladda ku meel gaarka ah oo runtii marka ay ummada la hadlayaan iyagu eray kasta ku tarjuma luqadda Ingiriiska, sida qoraalkan (Baaqa sida Wadajir ah eey usoo saareen Wadatashigii Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KM) (www.dayniile.com) uu ku saxiixan yahay madaxa xafiiska warfidiska ee xafiiska raisul wasaaraha, Diraac Salaad Fagaase, Communication Director, office of the PM, oo weliba sida ka muuqadda magaca shaqadiisa ku wada qoray luqadda Ingiriiska. Marka aad fiiriso baaqa uu ka soo saaray shirkaas gudddi kasta oo uu halkaas ku sheegay waxa uu ku tarjumay luqadda ingiriiska, oo aanan garaneynin sabab ku kaliftay ama cidda uu ugu tala galay oo aan fahmi karin luqadda Soomaaliga oo iyadu u baahan in erayadaas loogu tarjumo Ingiriisi.

Runtii waxaa loo baahan yahay in wax kasta oo wiiqaaya luqadda Soomaaliga in laga fogaado oo aan la dheyelsanin, la iskuna dayo inaan la dhiira gelin wixii burburinaya. Shaqadaasina waxa ay si wada jir ah ugu taalla dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed meel kasta uu ku nool yahay.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

http://www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

4 Responses to “Luqadda Ingiriiska oo Af-Soomaaliga kaga dheereysay dalka Soomaaliya gudahiisa.”

  1. abdulkadirmahamud Says:

    marka hore arin jirta oo muuhim ah ayaad ka hadashay. marka labaad aniga waxaan qabaa waxa sababay burburki dalka iyo qoraayaal badan oo soomaaliyeed aan jirin in luqada ingiriiska lagu lifaaqo luqadeeni hooyo. Marka waa in si dagdag ah wax looga qabtaa hadii kale waxaa nagu dheceysa wixi ku dhacayay luqadaha hindiga iyo Urduga oo looga kala hadlo Hindiya iyo Pakistan…

    • Codka Shacabka Soomaaliyeed Says:

      Sxb Abdulkadir waa run, waxaana loo baahan yahay in la ilaaliyo jiritaanka luqadda Soomaaliga lana horumariyo. Cidda ay maanta sugayso waa waxgaradka Soomaaliyeed khaasatan kuwooda dhalinyarada ah. SXB intaan caalamka arkaayay ma arkin dad luqaddooda luqad kale ku daraaya oo weliba aanan qofi waxba ka dhaheynin. SXB luqad waa la bartaa, laakiin looma barto iney luqaddaada hoos u dhigto ee waa inaad danahaada ku fushato, laakiin ay luqaddaadu noqotaa meesha aad u noqonayso.
      SXB mahadsanid, fikradahaada aad ayaan uga helaa ee aan ila soo xiriir.

  2. abrizaaq Says:

    Waa run waxaad noo sheegtay
    Waxaana loo baahan yahay in la helo
    Dad u istaaga ilaalinta luqadeen hooyo

    • Codka Shacabka Soomaaliyeed Says:

      Mahadsanid Cabdirizaq. Waxaan hubaa in haddii loo wada istaago oo weliba loo helo xarumo ilaaliyo, horumariyana luqqaddeenna, inay wax badan iska bedeli doonaan. Luqaddeennu waa luqad dhul aad u weyn laga isticmaalo oo qiyaastii dhowr wadan gudahooda looga hadlo, laakiin waxaa yaan darro ah in dalka gudahiisa khaasatan magaalada muqdisho ay dadku ka faanayaan inay luqadooda wax ku bartaan, ku qoraan tabeelayaasha ganacsigooda, marka ay madaxdu qudbeyneysana aad maqleyso luqado kale oo ay uGu badan tahay luqadda Ingiriiska. Waxaa muhiim ah inaynu u istaagno ilaalinta luqaddeenna iyo horumarinteeda.


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: