Wadada kaliya ee Qaranka Soomaaliyeed u Furan Ma FEDERALBAA? Yeyse Dani ugu Jirtaa!!!!!!

W/Q: Abdihakin A. Asir

Waxaa laga yaabaa in qofba uu macno u lee yahay erayga Federaalka oo aan weli loo heynin eray Soomaali ah sida ka muuqata Dastuur ku sheega ummadda lagu qasbaayo, eraygaas oo aad halis ugu jirto inaad bog kasta oo dastuur ku sheega ka mid ah aad ku aragto isagoo qaabka ingriis soomaali ku qoran. Ee si aan isula fahanno erayga federaalka maxaa loo yaqaan ama uu macnihiisu yahay? Waa kanaa jawaabta aan helay. “pertaining to or of the nature of a union of states under a central government distinct from the individual governments of the separate states: the federal government of the U.S.” ( http://dictionary.reference.com/browse/federal) [Accessed 29/06/2012] oo lagu macnayn karo isu tag dowlado oo ay isugu tageen dowlad dhexe oo ka duwan dowladahoodii gaarka ahaa sida dowladda federaalka ah ee Maraykanka.(raali ka ahaada Luqadda Ingiriiska)

Hadaba haddii uu macnahaas yahay macnaha adduunka looga yaqaan eraygaan federaalka oo maanta la rabo in lagu saleeyo mustaqbalka dalka Soomaaliya, aan isweydiinee xaggee baan ka soo galnaa? Maxaase ummmada loogu qasbayaa oo waqtiga looga dhuminayaa wax aan macno u sameynaynin. Runtii waa wax aad, aad ula yaabeyso sida la isugu jiibinaayo wax aad u jeedo iney naxli iyo been yihiin, oo runta iyo danaha Soomaaliyeed ka fog.

Waxaa laga yaabaa in lagu doodo amaba ay dadi qabaan in loo baahan yahay in mar uun laga baxo xaaladda hadda lagu jiro ee ku meel gaarka ah. Wax kasta oo looga bixi karaana ay yihiin aqbal, laakiin anigu sidaas uma arko waayo ummadda Soomaaliyeed waxa ay dhib ku soo jirtay in ka badan labaatan sano umana qalmaan iney yiraahdaan dhibka waxaan uga baxeynaa wax loo jeedo iney dhibaato badan oo hor leh ay ummadda u horseedi doonaan. Waxaan qoraal hore aan ku sheegay dhibaatooyinka ay maamul goboleedyadu ay dadka iyo dalka u horseedi karaan ( https://codkashacabka.wordpress.com/2012/04/12/dawlad-goboleedyada-iyo-dhalinta-maanta/) inay ka ballaaran yihiin kuwa ay keeneen dagaal oogayaasha waayo waxey dhalin karaan isku qabqabsi xuduudeed oo ummadda Soomaaliyeed aysan horay u arkin lagana yaabo iney dhaliso dagaalo ka halis badan kuwa hadda laga cabanaayo oo iyaguba dhib badan u geestay ummadda Soomaaliyeed. Waxaan qabaa iney jiraan qaabab badan oo ka duwan midda waqtiga badan lagu dhumiyay ee federaalka ah oo ay ummada Soomaaliyeed si waafi ah ay u fahmi karaan kuna heli karaan wada noolaasho is xaq dhowr iyo sinaan ku dhisan.

Waxaa Soomaalida dhib gaarsiiyay oo ay u baabi’iyeen dhowladoodii waxa ay aheyd iyaga oo lahaa dhowladdaas waxaa ka jiray cadaalad darro oo wax kasta waxa ay gacanta ugu jireen madaxweynihii dalka waagaas ka talin jiray. Inkasta oo marka dib loo fiiriyo xilligaasi ay adduunka aan ku nool nahay oo ay ugu horeyso qaaradda Africa ay nala wada mid ahaayeen amaba ay naga ag dhowaayeen. Taasina waxa ay keentay isaamin la’aan baahsan oo kalifeysa in la helo qaab dowladeed la shaqeyn kara qaabka ay dadku u fikiraayaan ee ah waxaan rabaa inaan anigu magaaaladeyda xukumo oo aan maamul la iiga soo sameynin magaalo madaxda. Laakiin aan aad u fiirinnee taas macnaheedu ma aha waa ineynu noqonnaa FEDERAL ee waa inaan helnaa qaab aynu wada fahmi karno oo dhaliya waxa ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin ay ku qanci karaan.

Haddii waxa uu qof kasta oo Soomaali ah uu rabo ay tahay inuu helo in uu magaalada uu ku dhashay uu u helo adeeg hufan oo aan eex iyo nin jeclaysi laheyn qaabka ugu fiican ee aan is leeyahay waa lagu gaarayaa ma aha midka hadda lala ordaayo, waayo ma cada qaab aan u noqon karno FEDERAL iyo wax naga dhigi kara oo wax kasta waa isugu keen darsan yihiin waxa dadka federaalka ka dhigana waa marka ay heystaan wax ay rabaan in ay isku darsadaan si ay u gaaraan horumar dhinacyo badan oo ka fiican marka ay keli kelida yihiin.

Waxaa la isku raacsan yahay in haddii dalku uu qaab yeesho iney galbatay waagii uu madaxweynuhu ahaa wax kasta, waxaana meesha yimid awood qeybsi, laakiin awood qeybsiga aan annagu u baahan nahay ma aha midka dowlado ama dowlad goboleedyo u dhaxeeya ee waa midda u dhaxeeya heyadaha dowladda ee kala ah, madaxweynaha, baarlamaanka, dowladda iyo weliba garsoorka oo aan badanaa soomaaliya laga hadlin inuu noqdo mid ka madax bannaan heyadaha kale ee dalka. Hadaba haddii ay taasi dhacdo oo madaxweynuhu yeesho howl uu isagu awood gaar ah u lee yahay oo uusan xaq u laheyn inuu wax kale faragashado miyaanan laga badbaadin wixii ummmaddu ka cabsaneysay, maxaase markaas looga baahan yahay FEDERAL?

Haddii uu gobol kastaaba uu yeesho shaqooyin iyo awoodooyin u gaar ah, oo uu maamulkiisu ka baaraan dego sida ay u hirgelinayaan waxa dadka gobolkaasi ku nool ay u baahan yihiin oo ay dowladda dhexe noqoto heyaddii ilaalin laheyd in wax kasta ku baxeyn meeshii loogu tala galay , oo aysan jirin madax laga soo magacaabaayo magaalo madaxda , maxaa looga baahan yahay FEDERAL?

Haddii qof kasta oo Soomaali ah magaaladda uu ku nool yahay uu xaq u yeesho inuu wax doorto loona doorto jagada ugu sareysa gobolkaas isaga oo aan loo fiirinaynin inuu qabiil ahaan uu ka soo jeedo magaaladaas ama gobolkaas, maxaa looga baahan yahay FEDERAL?

Maadaama Soomaaliya aysan laheyn xuduudo kala go’goan oo soohdimo leh, maxaa diidaaya in qaabka hadda lagula ordaayo dalka inuu keeni karo qatar ka ballaaran midda hadda umadda dhextaalla oo ay weliba kor u qaadeyso hammiga gumeystaha qarsoon ee mar kasta jecel inuu ummadda soomaaliyeed kala qoqobo oo shalay qoriga isugu dhiibay isagoo isticmaalaya QABIILKA maantana la hubu inuu xuduudo isugu layn doono iney riyadiisii u dhaboobeyso haddii la qaato qaabka guracan ee FEDERAALKA.

Waxaan hubaa haddii ay niyad sami ay jirto oo ay Soomaalida daacad ka tahay iney dhibka ay maanta ku jiraan ay ka baxaan inuusan FEDERAL xal u eheyn loona baahan yahay in qubarro SOOMAALIYEED oo madax bannaad oo ay qarashkooda bixiyaan soomaalidu loo dhiibo arintaas, oo iyagu ka soo baaran dega qaab ka hufan qaabka uu gumeystuhu wato ee FEDERALKA ah. Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin, soomaaliyey isma hursanidi hagardaamada gumaystaha qarsoon ha ku kadsoomin oo ha yeelin qeybi oo xukun oo qaab cusub laguugu dhigaayo iyadoo lagaaga dhigaayo inay tahay waxyi soo degay oo soomaali xal u ah.

Waxaan hubaa in Soomaalidu xaq u lee dahay iney aayaheeda ka taliyaan oo aysan marti ka noqonin muqtaqbalka dadkooda iyo dalkooda, loona baahan yahay in dhinac looga soo wada jeesto sidii looga hortegi lahaa waxan ay ugu yeereen FEDERALKA oo haddii loo baahdo ay xal tahay in la qaato qaab dhismeedkii lixdankii inta laga soo saaraayo wax SOOMAALIYU sameysay oo soomaali laga tala weydiinaayo. Haddii uu hirgalo qaabka hadda la wado, waxaan hubaa in halis loogu jiro in lagu sii jiro isqabqabsiga aan maalin kasta aragno oo uu midkastaaba sheeganayo in isaga wax laga weydiiyo waxkasta haddii kale aysan waxba hirgelaynin, kuwii soo abaabulayna ay gaarayaan dantii ay u soo abaabuleen ee aheyd inay arinta soomaaliyeed ay ahaato meel lagu sameeyo tijaabooyinka la xiriira siyaasadda iyo cilmiga bulshada.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

http://www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: