MAS’UUL MAXAAD LA MASHQUULSAN TAHAY?

W/Q; Suleymaan Sh Ismaaciil(Paracetamol)

Bilooyinkii ugu dambeeyey waxaa la hadal haayey maalinta ay 20 OGOSTO ku began tahay waxaana bilaamay xusulduub loogu jira maxadtinimada dalka oo cid kastaa ay isu aragto in ay mudan tahay intaa waxii ka dambeeyey Mas’uul kasta waa mashquulsanaa  fursadna kuuma helaayo xataa teleefoonka  kaama qabanaayo habeen & maalin   tallow maxaa helay mas’uulka .
Mas’uulow maxaad la mashquulsan tahay?

Wax badan ayaa jira maalmahaanba waad ayaan u mashquulsanaa waana dareemi kartaa in aan siyaasada lugaha la soo galay goor hore laakiin dadkaan ma ogo miyaa in aan mashquulsanahay anigaa aqaan iska daa waxaan iska badalaayaa teleefoonka maxaa yeelay rag ayaan is ka dhicinaayaa ma ogo miyaa ogosto in ay fooda inagu soo hayso, musharax ayaan ahay fiilooyin ayaan isku xirxiraayaa wadadii aan ku gaari lahaa kursiga astaanta qaranka ayaan hayaa walwal yar ayaase igu jira waayo waxaad moodaa in mar mar wax isbadbadalaayaan shaxdana si kale ayey wax kuu tusaysaa marar qaar waa ay kaa farxineysaa marana  rajada ayey mugdi kaa galineysaa.

Mas’uul maxaad oola jeedaa kursiga astaanta qaranka maxaadse ka wal walsan tahay?kursiga astaanta qaranka waxaan oola jeedaa kursiga madaxweynaha waxaanse ka wal alsanahay sida ay wax u socdaan oo aad isleedahay ma cid gooni ah ayaa loo wadaa maxadxtinimada dalka shakiga intiisa badana waxaan ka qabaa mas’uuliyiinta beesha caalamka oo is dhaaf dhaafaaya oo si gooni gooni ah u la kulmaaya musharxiinta qaar,musharaxiintaasna waxay muujinaayaan farxad taa ayaa wa wal igu beerto mararka qaar laakiin dhib malaha waan is ku kalsoonahay.

Musharaxiinta waa ay badan yihiin maalinba maalinta ka dambeysa waa ay soo kordhaayaan ninba meel ayuu ku qanacsan yahay  qaar ayaa mashquul ka dhigay teleefoonada ugaasyada oo ka doonaayaa in ay  qalinka loogu xariiqo xildhibaanimada ninba taagtiisa ayuu talaabsanaayaa ninbaa ku qanacsan xildhibaan midna waxuu ku qanacsan yahay wasiir halka musharaxiin darsan ka badan ay doonaayaan madaxweynaha dalka kuwa kale ayaa ku qanacsan in ay noqdaan ergooyinka soo xulaaya xildhibaanada nin kastana waxuu dareemaayaa culeys la eg xilka uu raadinayo,hurdo la’aan ayaa ku dhacday kulamo aan kala joogsi lahayn ayey ku jiraan nasiinana haba sheegin waayo xusul duub ayey ku wada jiraan,waa yaabe qof kasta waxuu doonaayaa kursi kaaga sii darane waxay doonaayaan kuraasta sar sare mana qaybsamaan maxaa talo ah?ayagoo og ayey  wada raadinaayaan mid kastana asaga ayaa isla quman nin walba qumanahiisa qoorta ugu jira tan kale waxaa la leeyahay wasiiradaan hada jira waxay muujinaayaan rajo wanaagsan waayo waxay  gacan wayn ka gaysteen soo xulista oday dhaqameedyada taa ayaana keenayso in ay niyad sami muujiyaan maxaa yeelay odayaasha ayey ka gows haysataan waxayna ka doonaayaan xildhimaanimo sababtoo ah waxaa sharuud ah sida dastuurkaan cusub uu tilmaamaayo in mas’uul aan xildhibaan ahayn aan is ku soo sharaxi Karin madaxnimada dalka tallow odayaasha ma soocelin doonaan wasiiradaan hada jira mise  garaaso ayey ka marsan doonaan oo maankooda ayey ka maareyn doonaan masayrka bulshada ay mataalaan oo taladooda gacanta loo galiyey warar hoose ayaa sheegaaya in ay odayaasha la isticmaalaaya awoodooda oo daaha gadaashisa laga maamulaayo hadal haynta ayaa sidaa u badan dadka wax falanqeeya ayaa sidaa saadaashooda u dhigay figrad kale ayaa oranaysa odayaasha mas’uuliyad taa ka wayn ayaa ka saran shacabkaan ay ragaadiyeen dagaaladaan isbad badalka badan oo maalinba muuqaal gooni ah la soo baxaaya waxaana la leeyahay waa u qarsoodi arimahooda waxaa horey loo yiri ” Geeleey waa wada jirtaa  waana kala jirtaa” wax walba oo ay madaxda dalka sheegaan waxay kala dhaxbaxaayaan waxii loo qaateen ah waxii kalana waa la qubaayaa, odayaasha laf ahaantooda waxaa teleefoono ku wareeriyey  qurbe jog qaar ayaaba soo caga dhigtay caasimada dalka xod xodasho ayey wadaan laakiin waxaad moodaa in qurbo joogta tab wanaagsan oo lagu xakamaynaaya loo adeegsaday waayo laba sharuudo ayaa hortaala sida daraaftigii ugu dambeeyey ee dastuurka uu qoraaya waa marka koobaade waa in uu musharaxa ka yimaadaa golaha shacabka marka labaad waa in uu ka tanasulaa jansiyada uu sito markaa ayuu ka mid noqon karaa musharaxiinta sharuudahaan kuma jirin dastuurka markii hore waxaa lagu soo biiriyey nuqulkii ugu dambeyey taa ayaana keentay in mas’uul kasta uu mashquulo waayo waxaa socda xifaaltan aan caadi ahayn waxaa loo kala saftay labo dhinac oo u muuqata qurbo joog&gudo jog ma istiri sharuudahaan waxaa ay qusaysaa qurba joogta? Sidaa ayey u muuqataa laakiin ninmankaan qurba joogta ah waa ay xeeladaysanaayaan aad ayey ugu dheereeyaan xeeladaysiga.

Xildhibaanimada ayaa u fudud in ay noqdaan waayo cid ka xigta ma lahan odayaasha, boorsooyin madow ayey wataan oo caan ay ku yihiin qurba joogta odayaashuna waa ay u dhago nuglaanaayaan laakiin waa kee kan ka tanaasuli kara jinsiyada uu wato taa micanaheeda “waa god abeeso gacanta gali waxaad kala kulmi doonto ILLAAH ayaa oge” waayo ma jirto cid oran kartaa waan ku guulaysanaayaa madaxtinimada dalka waa xarash & madax arintu waa xaniinyo taabad, sidoo kale waxaa ay saamayneysaa xisbiyada waaxaase u furan in ay ka raadsadaan odayaasha xildhibaan oo ay sidaa ku soo sharaxaan xubinta u matalaysa musharaxnimada waana suuro gal in ay helaan fursadaas,xisbiyada maalmahaan maxaa ku dhacay waatan ay aamuseene ma mashquulkaa saameeyey waa qasab in uu saameyo waa la isku soo dhigtay dhanka kale waxaa guux ka jiraa tiradii loo qoondeeyey haweenka oo ahaa 30% haweenka cabsi ayey ka qabaan suurtagalnimada in ay helaan tiradaan sababta ay u muujinaayaan waxa weeye in ay adkaanayso in ay ka helaan beesha ay ka dhasheen taa oo aan looga baran soomaalida in ay  xil u dhiibtaan qof dumar ah dhanka dhaqanka ayeyna ka casi qabaan laakiin haweenka ayaa ku doodaaya in gooni looga dhigo xisaabtooda oo aan beel wax loogu darin waayo waxay lee yihiin beel ma nihin ee dumar ahaan ha noola siiyo waa wax meesha ku jira in ay wal wal noocaas ah uu yimaado sidoo kale waxay leeyihiin hada ka horba waxaa nala siiyey 12% meel yaa ku sheega timirtii horaa dab loo waayey kulan kasta oo ay iskugu yimaadaan haweenka waxa ay ku soo hadal qaadaan arintaan warbaahintana waa ay ka sheegaan shaki ayey ka qabaan arintaan.

Dabayl siyaasadeed oo kala guur lagusheegay ayaa babanesa ma is tiri eraygaan  kala guur waxaa jira eray kale oo kaga haboonaa si kastaba aan ka dhursugno  cidii ku guuleysato kusrigaan la is ku garbinaaya&sida ay uga soo dhalaalaan odayaasha arinta loo idmaday .

Suleyman SH. Ismaciil
paracatamol5@gmail.com
Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: