Ma laga hortegi karaa in Saxiixayaasha iyo Taliyahoodu (Mahiga) ay soo xulaan Mudanayaalka Baarlamaanka soo Socda?

W/Q Abdihakin A. Asir

Waxaa maalintii Arbacada oo bisha todobaadi aheyd 25ka ka furmay shir la yiri waxaa lagu ansixin doonaa, dastuur la sheegay inuu lama taabtaan yahay oo wax kasta oo ku qorani ay yihiin kugu lagu qasban yahay in lagu qaato siday yihiin. Dastuurkaas oo doodo badan horay u dhaliyay ayaana marnaba deg loo dhigin la iskuna deyin in la fiirsho waxa ay bulshada Soomaaliyeed iyo waxgaradkoodu ay ka tabanayaan ee ku jira qabyo qoraalka.

Wararka ugu danbeeya ayaa iyaguna sheegaaya in guddiyada loogu talagalay inay ansixiyaan loo soo sheegay in ay wax ka bedeli karaan balse markii goobtii shirka yimaadeen ayey waxay ka war heleen in ay iyagu waxba ka diidi karin kuna soo kordhin karin qabyo qoraalka, waxa kaliya oo laga rabo ay yihiin inay aqriyaan isla markaasna ay ansixiyaan. Waa la yaab, maxaa loogu yeeray dadkaan ka wada yimid goboladda dalka haddii aysan codka dadka ku hadli karin isla markaasna aysan waxba ku kordhin karin qabyo qoraalka. Waxaan maqli jiray nin dooran ayey doorta na lee yihiin , qabyo qoraalkuna taas ayuu u eg yahay oo waa wax aanan annagu waxba ku laheyn oo qurumo kale loogu tala galay haddii iska daa dadkii Soomaaliyeede aan kuwii far fiiqa lagu soo xulay aan loo ogolayn inay fikir ku soo kordhiyaan.

Marka taas laga yimaado waxaa hubanti ah inuu jiro mashruuc qarsoon oo loogu tala galay in la meel mariyo, dadka in ay meel mariyaan loogu talagalyna ay u eg yihiin kuwa sida aad argtay wax u maamulayaaya oo wax ay ku sheegayaan inuu yahay AXDI QARAN hadana leh wax cod ah kuma lihidiin, waa su’aale xaggee la rabaa inuu ka shaqeeyo haddii dadkii axdiga uu u ahaa aysan wax kordhin iyo wax ka reebid ku laheyn.

Waxaa taas ka sii daran inta hadda la og yahay lixda saxiixayaasha ah, waxaa ku jira labo musharax oo iyagu u tartamaya jagada ugu sareysa dalka oo ah madaxweynenimada waxaana ay ku jiraan guddigaas lixda ah oo awoodo gaar ah ku leh soo xulidda musharaxiinta geli doona baarlamaanka lagu balansan yahay in la dhiso labaatanka bisha sideedaad ka hor, hadaba waxaa isu key qaba la’ sida shaqsi isagu doonaaya inuu noqdo madaxweyne hadana uu uga mid yahay lix qofood oo iyagu awoodo gaar ah leh marka ay timaado magacaabidda xubnaha baarlamaanka ka mid noqon doona. Waa la yaab, sideebay isugu mid noqonayaan dadka kale ee u tartamaya jagadaan iyo labadaan musharax ee awoodaha gaarka ah leh.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay arin sidaani ah ay dhacdo. Haddii aad dib u fiirriso qaabkii lagu soo doortay madaxweynaha hadda jagada madaxtinimada haya, waxaa kuu soo baxeysa in ay aheyd qaab aad u guracan, waayo waxaa baarlamaanka waagaas lagu soo daray intii uu baarlamaanku ahaa in la mid ah oo mudanayaal baarlamaan ah, waxaana soo xushay isaga iyo saaxiibadii sidaybaysan u adkeen in laga guulaysto nin isagu soo xushay kuwii u codayn lahaa? Mase laga yaabaa in midii oo kale ay maanta dhacdo? Yaase looga dacwoon arintaas si aysan u dhacin oo loo helo wax loo qaateen ah oo uu musharax kastaaba uu si siman uga qeyb qaato tartanka soo socda?

Runtii aad iyo aad ayey u adag tahay in la helo guddi ama hay’ad looga dacwoodo waayo kuwa sheeganaaya inay rabaan in Soomaaliya maamul yeelato ayaa sidaan u arka inuu xalku yahay iyaga oo laga yaabo in mid lixda ka mid ah inuu hoosta uga calaamadeysan yahay oo ay weliba wax kasta ku bixxinayaan si uu ugu guulaysto, ka bacdina uu u fuliyo wixii lagula balamay. Aaway dantii dalka iyo dadka? Maxaa loo qayaameynayaa ummadda Soomaaliyeed oo haddii ay lixdaani ka mid noqonayaan musharixiinta u tartamaya jagadaan loo siiyay awoodaha aysan la heyn musharixiinta kale? Waa yaab cadaalada noocaan ahi waa midaan fahmi karin, waxaase laga rabaa ummadda Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan oo aysan mar walba ku dhicin dabin loo dhigay oo aysanna aqbalin wax kasta oo la horkeeno oo ay iska fiiriyaan muujiyaana shucuurtooda haddii aysan la saxneyn waxa la horkeenay.

Si kasta oo aan loogu qanacsanayn, maadaama la yiri mudanayaalka baarlamaanka waxey ka imaanayaan Qabiilada Soomaalida oo qabiil kasta waxa uu soo xulanayaa dadkii u geli lahaa baarlamaanka ma laga yaabaa in meeshaas uu ku jiro fursad looga hortagi karo qayaamo Qaranka inta muddada ah laga soo shaqeynaayay?

Waxey iila muuqataa in ay jirto fursad dahabiya, taas oo aan horay u soo marin ummadda Soomaaliyeed waa haddii ay jiraan dad wadaniyiin ah oo dantooda ka hormarinaaya danta dalka iyo dadka. Waxaa la sheegay in ugaasyadu ay soo xulayaan dadka baarlamaanka uga qeyb gelaya qabiil kasta, haddii qabiil kastaa awoodaas la siiyay oo uu weliba xor u yahay inuu geysto meeshaas dad uu islee yahay waxay u qalmaan in ay u metelaan golaha ay ummadda Soomaaliyeede ay isugu imaanayaan, ma weysan fududeen in maanta la xulo dadka ugu waxgaradsan uguna tayada badan qabiil kasta qabiil kasta oo Soomaali ah iyaga oo isu daneynaya, dalka iyo dadkana u daneynaya?

Mida labaad si looga hortago ku shubasho, iyo in qabiilada qaarkood loo xulo xubnahooda oo nimanka aan soo sheegnay ay doortaan dadka ay rabaan ee ku jira qabiilada Soomaaliyeed, ma waysan fududeen in la sameeyo, meel qabiil kasta uu kusoo bandhigo mudanayaasha u gelaya baarlamaanka, si la isugu barbardhigo kuwa ugu danbeynta loo soo dhaarin doono, inta aanan la gaarin waqtiga loo qabtay, si looga hortago in la isku dedejiyo, marka uu waqtigu na soo hoos galo.

Arimahaas iyo kuwo kale oo badan waxaa laga yaabaa inay sahlaan in si fiican looga hortago dibindaabyada lala rabo ummadda Soomaaliyeed oo maanta ay ugu dowdahay in ay helaan wax uun la lee yahay waxey dhaamaan wixii hore. Waxaa maanta dalka raba inay u shaqeeyaan oo wax ka qabtaan musharixiin la isdhihi karo haddii ay ku soo baxaan oo ay ku guulaystaan madaxtinimada dalka, waxaa laga yaabaa inay dhaamaan kuwa ilaa hadda howshaan ku soo jiray, sida kaliya oo ay fursad ku heli karaanna waa iyadadoo doorashooyinka iyo qaabka loo soo xulaayo mudanayaasha baarlamaanka aysan ka dhicin wax musuqmaasuq ah oo aan wax kasta lagu dooran labo shilin oo la fiiriyo mustaqbalka jiilka soo socda, oo wax loo dhiibo kuwo xil kas ah oo waayo aragnimo u leh hogaaminta, kuna soo guri noqon doonin waxa yar oo masaakiinta loo soo tuugsaday ama laga aruuriyay dadka Soomaaliyeed.

Guntii iyo gunaanadkii, si loo helo masuuliyiin iyo madax maanta mugdiga ummadda ka saarta , waxaa lagama maarmaan ah in aanan laga aamusin waxyaabaha aannu is lee nahay waxbay haleyn doonaan, waana inaynu ka hortagno. Waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro guddi Soomaaliyeed oo madaxbannaan oo si gooni ah ula socda qaabka ay u dhacayaan soo xulitaanka mudanayaasha baarlamaanka iyo weliba doorashooyinka madaxweynaha. Waa in la abuuraa meel ay madaxda qabiiladu ku soo bandhigaan dadka ay u xuleen mudanenimada, waana in ay meesha lagu soo bandhigayo ay noqotaa meel ka madax bannaan saxiixayaasha iyo taliyahooda (Mahiga), oo dibad iyo dalka laga arki karo. Waana inaan la aqbalin waxaan u qalmin ummadda Soomaaliyeed oo aan weliba looga baxeyn dhibka ummadda ku soo dhacay.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

4 Responses to “Ma laga hortegi karaa in Saxiixayaasha iyo Taliyahoodu (Mahiga) ay soo xulaan Mudanayaalka Baarlamaanka soo Socda?”

  1. tahir yare Says:

    waxaan maqli jitay 114 ka quraanka aan aqaan makaa akhrisanayo ayaa ka weyn

    • Codka Shacabka Soomaaliyeed Says:

      ASC
      Tahir yare waan ku salaamay, salaan ka dib waa jirtaa oraahdaasi in kastoo ay mararka qaarkood noqoto denbi, laakiin waxaa shaki ku jirin wax kasta oo wanaag ah oo la sheego in loo baahan yahay in la raaco si ay miro dhal u noqdaan, haddii la raaci waayana waxba isma bedeli doonaan.
      Waxaa jira dhaqan caan ah oo laga isticmaalo wadamada reer galbeedka kaas oo ah in la yiraahdo, dadka ayaan la tashanaynaa ka bacdina aanan dadka tooda waxba laga soo qaadin, waana taas midda maanta Soomaaliya loo soo xawilay. Sababtoo ah dad badan ayaa leh wax hala saxo waxaase loogu jawaabaa in dhegaha laga qabsado. Dib u fiiri, isbedelladda dalka ka soo dhacay. Hadaba miyaan iska dhaafnaa oo waxaan niraahnaa sidaad rabtiin ka yeella, mase wax ka duwan sida ay wax yihiin ayaan la soo shir tagnaa. Go’aanka ummadda Soomaaliyeed ayaa leh, waxaanse qabaa inaan kuwa yar wax loo dayn oo Soomaalidu ay ka raadiso horumarka meesha uu jiro oo aan shaqsiyaad kooban oo aan horumar dalka iyo dadka u heynin aan indha la’aan la daba istaagin.
      Mahadsanid
      Abdihakin

  2. Darajaale Says:

    Waxaad iftiimisay arimo badan oo meesha ku jira. Waxaanse aad ula yaabay markii lasoo sheegay in Guddiga Ansixinta Dastuurku eey Mushaaroyin rabaan, dowladuna eey leedahay waxaa la maqan QM? Maanta maxaan helaa, Beri dhib malahane.. ayaa lagu soo koobay aayihii dadka iyo dalka!

    • Codka Shacabka Soomaaliyeed Says:

      ASC
      Darajaale, waan ku salaamay. SXB wadankeenna waxa geeyay meesha uu maanta joogo waa qorsho la’aan iyo in wax kasta la dhaafsado labo shilin. Waxaa noloshii oo dhan lagu soo koobay in la dhaafsado mushaaharad. Waana midaas mida in laga hortago u baahan. Waa inaynu baranaa in Mararka qaarkood loo baahan yahay in la diido waxa yar oo ay ku siinayaan (Deeq bixiyayaashu) si ay kuu dhaafsadaan wax weyn.
      SXB mustaqbalka ummaddeenna gacanteenna ayuu ku jiraa waxaase laga cabsi qabaa inuu gumayste gacanta u galo. Aannu ka wada shaqaynu sidii gumaystaha iyo gumayste u adeegaha looga badbaadin lahaa dalka iyo dadka.
      Mahadsanid
      Abdihakin


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: