Muqdishaa tiri, Dilka waan necbahay!

Muqdishaa la i yiraahdaa, maata korisaa la iyiraahdaa, meel lagu soo hirtaan ahaa, farxad ayaa la igu yaqaaney, muuqaalkaygaa lagu faani jirey, magacayga guul ayuu ahaa, magacyo badan ayaan lahaa, hormar baa la igu yaqaanay intaa oo idil waa la tir tiray qaac&qori ayaa lagu shiday sheekadii la igu yaqaaney shib ayaa ka soo hartay intaa oo dhan sharuud ayaa lagu xirey, wanaagaas oo idil sheeda sare ayey iga daawanaayaan gardaduub ayaa loo xirey toogashaa lagu xukumay car yaa arimahaas laga maqlaa ayaa loogu caga jugleeyey.

Magacyadaydii qurxoonaa magac xumo ayaa la iigu badalay mugdi ayaa la i dhaxalsiiyey mayd ayaa la igu mariimay wax walbo ayaa la igu sameeyey yaab ayaa iga soo haray maxaan ka galabsaday dadkaan dhiiga igu dul daadinaaya, jir naxaa kuma yaalo miyaa? Sow waxay daadinaayaan dhiig ma ahan?

Oday,Sheekh,Shariif,Hooyo, Eedo,Habaryar,Awoowe,walaal& intii maras oo idil waxaan wanaagsaneyn ayaa lagu la kacay xurmadii ay la haayeen oo idil ayaa laga talaabsaday xataa waa lagu xushmayn waayey taana waa sharaf beel waa la i gacan dhaafay, magac xumo ayaa ii soo hoyatay caasimadahii aan muuqaalka & muunada dheeraa ayaa igu caweeyo iguna maadsado. Sabab kale maahee waa murugada iga muuqato & diifta la i dhaxalsiiyey siiba maydka aan la iga weyneynin. Maalin walba meeqaa la dilaa? Afar & labaatan saac meeqaa maydkooda jiiro lagu sheegaa waxaan maqlaa hebel waa la dilay hebel waa la dhaawacay hadana lama yaqaano waxa sidaa wax yeelaaya.

ALLOW ur u bixi, oo ii bixi ayey iga mareysaa waayo magacyada la ii bixiyey waxaa ka mid ah xaruntii xabaasha & kuwa kale oo aan afkayga soo qaban Karin ALLA qarribanaa oo qaloocanaa kuwa sidaa ii badalay muqdisho ayaa ku catowday, qudhayda murugadaas ayaan la dhuubtay.

Maalmahaan waxaa badatay hadal haynta kala guurka. Mmarkii hore waan la yaabanaa eraygaan kala guur laakiin markaan arkay sida ay wax u socdaan ayaan waxaa ii cadaatay in la asiibay. Maxaa wacay dheh, waa la kala irdhoobay, waa la kala dhaqaaqay qoysaskii ayaa is qabsaday odayaashii ayaa madaxa la isku galiyey xilal ayaa la iskugu dhiinbay. Waxaa horey loo yiri labadii dad iskugu jecel wax baa la iskugu daraa tii ayaa dhacday. Jifoojinkii maxaa kala haysta buuq ayaa ka dhax taagan farahaa la isku fiiq fiiqaayaa waa nagala badsaday & anagaa ka mudan ayaa timid miyesan ahayn taa kala guur. Isku soo hilowgii, is jacaylkii sow dacaar la iskuma marin, caanihii sow liin laguma dhiijin, dhanka kale waxaa soo batay dilal qorshaysan, maxaa loo dilaayaa dadkaan? Xilliyadaan oo kale waa ay dhacdaa xaaladahaan oo kale, dilalka noocaan ah waa wajiyo badan, waa ujeedo badan.

 Daruuf adag ayaa lagu jiraa ayey tiri muqdisho. Waxaa hubaal ah in daruuf adag lagu jiro xaaladuna ay murugsan tahay ALLOW inaga badbaadi.

Muqdisho ayaa sii hadashay oo tiri bal eeg, waxaa la dilay bilooyinkii ugu dambeyey 7wariye. Waxaana cad in bil kastaba hal wariye ladilaayey dhaawacana waa uu feer socday , dadka kale ee waxtarka ahaa oo iyana la dilaayo ama la dilay xaq miyaa in dilka noocaan ah ay dhacaan , maxaa loo dilay waa dood kale balse ma aqaan ayey tiri muqdisho. Laakiin wax badan kama foga dulmiga dalka ka jiro 21sano ayaa la is daba jaraayey jidkaa la isku galayey, jahwareer lagu soo jirey, jihada la iga jiro&jihada aan u socono ayaan garan la’ahay waanse ka dhiidhiyey arimahaan oo dhan wax ii dhago raariciyana ma arag ayey tiri Muqdisho mar kale .

Allahayow mar ii sahal ha i maax duminin aniguye muraadkayaga muraadkayga ii sahal”, Muqdisho fanka waa ay ku wanaagsan tahay waayo waxay ahayd hoygii fanka waxaad ka garaneysaa sida ay wali u xasuusato fanka Khadro Daahir ayey i soo xuusisay taa waxaa kaaga marag ah in wali mudisho murtidii, maaweeladii & masraxyadii fanka ku fiidsan jirey ay wali xasuusato.

Dilka waan necbahay ee inaga daaya ayey Muqdisho hadalkeedii ku soo af jartay sow sidaa daw mahan?

Suleymaan Sh. Ismaaciil (paracetamol)

Paracatamol5@gmail.com

paracatamol5@yahoo.com

Advertisements

One Response to “Muqdishaa tiri, Dilka waan necbahay!”

  1. abdinasir Says:

    haaa oo macalin waxaaba lagu moodaa in ay qoreen abwaaniintii waa weyneed


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: