Toban sano gudahood waxeynu rabnaa oon tegi doonaa Dayaxa!

WQ/ Cabdixakim C. Casir

Waxaa hubanti ah in isla markiiba la isweydiinaayo cida toban sano gudahood tegi doonta dayaxa, laakiin uusan qofina uusan kalsooni buuxda ku qabin inay dad Soomaali ahi ay tegi karaan dayaxa toban sano gudahood waayo waxaa fudud in la isugu jawaabo in arintaasi tahay mid aad uga gof waxa ay Soomaaliyu gaari karto toban sano iska daaye boqolaal sano, oo ay weliba dad badani u qaatan inaan xataa lagu fikirin, laakiin akhristow si aad u aragto sababta aan ciwaankaan u siiyay maqaalkaan fadlan dhamee akhrinta maqaalka oo weliba sidaan u fikirno aannu wax ka bedelno si aynu u gaarno wax aan nagala filaynin inaan muddo yar ku gaari karno wax kasta oo ay noqdaanba. Yaase suurta geliya in ummadi gaarto horumar aan la filan karin? Sidayna ku gaaraan horumarkaas?

Inta aanan ka jawaabin labadaas su’aalood waxaan rabaa inaan marka hore dowr waxyaabood oo taariikhi ah aan halkaan ku soo bandhigo oo aad weliba ila aragtaan waxyaabo ay ummado hore gaareen laakiin xilligaas u ekaa wax ka weyn wixi ay gaari kareen.

Waxaan rabaa inaad ila aragtaan oo aad weliba ka fikirtaan qudbaddii caanka aheyd ee M.L. King iyo weliba dadaalkii dheeraa oo ay dadka madow ee ku nool dalka Mareykanka ay u soo galeen inay helaan xuquuqda aasaasiga ah oo ay maanta heystaan. Waayo waxaan wada ogsoonahay, marka laga yimaado addoonsigii foosha xumaa ee lagu hayay, waxaa jirtay inaysan xattaa awood u lahaan jirin inay fariistaan meelaha hore ee basaska la raaco, oo cadaanka dadka ah oo kaliya ay khaas u aheyd oo haddii adigoo madow aad fariisato isla markaasna uu baska soo koro qof cadi waxaad ku qasbaneed inaad ka kacdo oo aad tagto meelaha danbe kuraasta ku taalla. Waxeysan dadka madoobi xaq u lahaan jirin inay codeeyaan oo ay ka qeyb galaan tartan hogaamineedka ama codbixinta dalkaas ka jiri jirtay oo waxaa loo ogolaa oo xaq u lahaa oo kaliya dadka cadaanka ah.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa bilawday dhaqdhaqaaq ay ka shaqeynayeen dad badan oo Ameerikaan ahaa una badnaa dadkii madoobaa, balse uu waagaas u ahaa Hormuud ninkii la dhihi jiray M.L. King. Dadaal dheer ka dib ayaa ururkiisii sinaanta u dirirka ahaa isu soo bixiyay in ka badan rubac milyan dad ah, markaas ayuu ka hor akhriyay khudbaddii taariikhiga ahryd ee halku dhigeedu ahaa Waxaan lee yahay hawo ama hami ( I have a dream) taas oo uu ku sheegay waxyaabo badan oo dadka caadiga ah ay lahaayeen waa uu iska dhahayaa laakiin waxaasi ma dhici karaan, ayaa waxaa uu ilaahey qadaray in lixdan sano ka dib dadkii uu King u doodaayay in xuquuqda si isku mid ah loo siiyo, inuu dalka Mareykanka madaxweyne ka noqdo nin farac ahaan ka soo jeeda dadkii xuquuqda aasaasiga ah loo diidanaan jiray.

Ciwaanka maqaalkaan waxaan ka soo amaahday khudbad madaxweynihii mareykanka ee la oran jiray J. F. Kennedy, uu ka hor akhriyay baarlamaanka dalka Mareykanka 1961, taas uu uga hadlay waxyaabo badan oo ay ku jirtay qorsho uu ku doonaayay in Maraykanku uu ku tilaabsado horumar xagga cirka ah oo ay tartan kula jireen waqtigaas wadankii la dhihi jiray Midawgii soofiyeetiga oo ay maanta awoodiisa ugu weyn ay tahay dalka Ruushka. Waqtiga uu madaxweynahaasi uu akhrinayo khudbadaas waxaa dhinaca cirka ku horeeyay dalkii Soofiyeetiga, oo waxa uu qarash badan ku dhiibi jiray sidii uu cilmigaas uu kaga hormari laha dalka Maraykanka. Markii madaxweyne Kennedy la doortay ayuu sheegay in qorshayaashiisa ay ka mid tahay in uu Maraykangu kaga hormaro xagga cirka sare oo uu weliba qof nool u diro dayaxa nabadna ku soo celiyo.Halkaan ka Akhriso.(http://millercenter.org/president/speeches/detail/3368, laakiin marka loo fiiriyo sida ay aheyd farsanmada dhica hawada sare oo uu Mareykanku heystay waqtigaas iyo tii Midowgii Soofiyeeti, runtii ma aheyn wax sahlan balse waxa uu madaxweynahaasi u qabtay waqti xadidan in Mareykanku ku tillaabsado horumarka intaas la eg. Waxaana suurtowday iyada oo aan la gaarin tobankii sano oo uu u qabtay madax weynahaasi, noolayna naftirkiisu oo la dilayba Waqtigaas, in 1969 Maraykanku ku guulaysto wixii ay haweysteen ee ahaa in ay qof geeyaay dayaxa isla markaasna ay dib ugu soo celiyaan dhulka iyagoo nabad qaba, halkaas ayuuna mareykanku ugu guulaystay tartankii uu kula jiray dalkii Midowga Soofiyeeti.

Labadaas dacdo taariikheed ee aan halkaan sida kooban aan uga sheekeeyay ayaa waxaa ka wada dhexeeya hal shey oo ah, sida ay u adkeyd amaba aysan uga dhaadhici karin qofka caadiga ah in la gaari karo waxyaabihii ama qorshayaashii ay Hogaamiyaashoodu ay sheegayeen.

Sababta aan u soo qaatay waa sida ay u taabanayaan taariikhahaasi, sida ay suurta galka u tahay inay wax kasta ay isbedeli karaan, ayaan hadana waxaan la inkiri karin in labadaas dhacdaba ay ahaayeen kuwo maalintaas la lahaa wey adag yihiin in lagaaro, laakiin madaxdii labada qiso ay ahaayeen kuwo ku dhiirada in ay himillo dhisaan kuna dadaalaan sidii lagu gaari lahaa, weliba waxey isu keeneen dadkii kala shaqeyn lahaa gaaritaanka himiladaas.

Waxaa hubanti ah in wadanka kasta oo caalamka horumar ku tillaabsaday ay sabab u ahaayeen dad kooban oo waqtigaas talada dalkooda hayay, oo markii ay ku hawoonayeen qorshaha horumarkooda sababayna la lahaa sidee bay u suurtoobi kartaa in aannu hirgelino arintaas, laakiin markii ay ku guulaysteen in dadkoodu aaminaan amaba madaxdaas qaarkoodi ay qasbeen kuwii shakiga badani uga jiray qorshahooda, inay gaareen waxyaabo badan oo runtii tabartooda aad uga weynaa waxaana tusaale nool ah horumarka ay ku guulaysteen wadamada bariga fog ku yaalla oo bartamihii qarnigii laga soo gudbayna ku jiray wadamada aan waxba heysanin sida aad ka dheehan karto buugga Ha-Joon Chang oo uu ciwaankiisu yahay 23 Things They Don’t Tell You About Capitalism.

Si aan uga jawaabo labada su’aalood oo aan xagga hore ee maqaalkaan aan ku soo gudbiyay, waxaan rabaa inaan tusaale u soo qaato Soomaaliya, oo aan isweydiinno sida Soomaaliya horumar loo gaarsiin karo iyo weliba dadka gaarsiin kara? Waxa ugu weyn oo aan aaminsanahay inay sababeen burburka Soomaaliyeed waa maqnaansho ama jiritaan la’aan aysan jirin Hogaamiyaal Wadaniyiin ah oo danaha dadkooda iyo dalkooda ka hormariya dantiisa, kaasoo weliba leh qorshooyin marka ay soo bandigaan uu dadka badanaa ay la weynaato oo sida qorshayaashii aan soo sheegay la mid ah, hogaamiyahaas oo abuura dadkii qorshayaashaas la hir gelin lahaa oo aan isagu aheyn kaligii wiil, sida caadada u ah madaxda Soomaaliyeed.

Waxaa lagama maarmaan ah in la helo Hogaamiye isagu dadkiisa dhiira geliya oo weliba dadkiisa dhibka ka saarta, haddii ay ka saari waayaan waqtigaasna gudbiya rajo oo dadka tusa in dhibka mar uun laga bixi doono, oo iyagu ah kuwo leh awood ay wax ku hogaamiyaan oo dadka uga gadaan waxa ay is lee yihiin danta dadka iyo dalka ayaa ku jirta.

Waxaan hubaa in dad badani ay maanta qabaan in aan Soomaaliya laga filayn inay ku hawooto, wax ka baxsan, qorshooyinka la soo maan guuriyo ee madaxa looga wareeriyo madaxda Soomaaliyeed, laakiin maanta waxaan joognaa maalintii ay madaxda Soomaaliyeed la imaan la heyd qorsho ay ku hogaamiyaan ummadda Soomaaliyeed kaas oo ay ummadda Soomaaliyeedi ay si wada jir ah isaga wada dhex arki karaan. Iska wada dhex arkaas kama wado midka aynu naqaanno ee keena looma dhamada balse waa mid keena in qorshuhu uu noqdo mid dalka oo dhan u daneynaya faa’iidana u leh ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka uga nool yihiin.

Maanta Soomaaliya waxa ay joogtaa meel loo baahan yahay in la helo, hogaamiye leh qorshoyaal waaweyn kana fog fog kuwa waqtiga badan aynu ku bixinay, ee nimaan dantaada ka fikirayni uu kuu dhiibayo isla markaasna waqtiga kaaga qaadaayo. Maanta waxaa haboon in Soomaalida loo tilmaamo waxa ay haweysan karaan laguna caawiyo sidii ay ku gaari lahaayeen lana dhiirigeliyo qorshayaasha ay faa’iidadiisu wada gaareyso dalka oo dhan oo ay ugu horeyso soo celinta heyadihii cadaaladda si loogu gaaro NABAD la isku haleyn karo oo ay cadaaladu xidid u tahay.

Waxaa hubanti ah maanta in la heysto fursad qaali ah, balse loo baahan yahay in lala yimaado hab dhaqan ka duwan kii aan soo wadnay labaatan iyo dhowrkii sano ee aan soo dhaafnay, si loola falgalo isbedeladda waa weyn ee caalamka aynu ku nool nahay maanta laga hirgeliyay.

Waxaa hubanti ah haddii ay Hogaamiyayaasheennu noqdaan kuwo dadka isku soo jiidi kara oo markasta danta guud kaliya ka fikira oo welina u kala hormariya danta guud sida ay u kala muhiimsan yihiin oo dadkooda ku dhiira geliya inay isku tashtaan isna kaashadaan, in waqti aan saas u dheerayn ay soomaali gaari karayso horumar, haddii maanta la tilmaamo aysan jirin qof maleyn kareysa sida aan ku soo aragnay sheekooyinkii taariikhiga ahaa ee aan maqalkaan ku furay. Waxaase waajib ah inaynu ku haminno oo aynu la imaanno himillo ka fog waxa adigu aad shaqsi ahaan u jeclaan laheyd balse aan la imaanno himillo iyo yididiilo qof kasta oo Soomaali ah uu ku gaari karo waxa wanaaga ah ee uu ku haminaayo, ilaaheynna waxeynu ka baryeynaa waxa noo kheyrka ah inuu tusiyo Madaxda Soomaaliyeed oo ay weliba dadkooda iyo dalkooda ku hogaamiyaan hab dhaqan ku saleysan CADAALAD iyo SINAAN.

Guul iyo Gobannimo.

Cabdihakim C. Casir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: