MUDANE MAXAAD MAANKA KU HAYSAA?

W.Q  Suleymaan sh Ismaaciil  (Paracetamol)

Aqristayaashaydu waxay ka wada dharagsan yihiin in la magacaabay ra’isul wasaare ay yeelaneyso Dowlada Jumuuruyada Fadaraalka Soomaaliya.

Hadabo maxaan u doortay ciwaankaan waxaan filaayaa in aadan u baahneyn faah faahin dheer waayo waxaan wada dooneynaa in aan wax uun ka ogaano waxa maanka uu ku haayo, dhanka kale waxaa ku lamaansan taladii aad iiga barateen & wax sheegii toosinta ahaa marka aan u daadago bilowga & dulucda qormadeyda.

Mudane Ra’isul wasaare calaf waxaan ahayn lama cuno waxaad calaf u yeelatay in laguu magcaabo jagadaan oo aad hamiga & laabtuba aad ku haysay tan & markii uu saaxiibkaa Xasan sh. Maxamuud u istaagay musharaxnimada madaxweynanimo adiga oo taa uga gollahaa hadii uu ku guuleysto talada dalka in aadan wayneynin kursiga wasiirka koobaad ee dalka,waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo sababta aad sidaa u quudareyneysay.

Waa mida koobaade waxaad ka soo jeedaa beelaha lagu tirinaayo in ay kursigaas ay u leeyihiin awood qaybsi, tankale waxaad ka tirsaneyd xisbigii uu gudoomiyaha ka ahaa mudane  Xasan Sheekh. Labadaas ayaad cugsaneysay sidaana waa ay u arkaayeen dadka siyaasada lafo guro. Waxaa kaloo la sheegaa in aad xisiga abaal ku leedahay maadaama aad adigu ganacsade weyn tahay si kastaba waa lagu magacaabay waxaana lagaa xushay ku dhawaad dhowr & toban u taagnaa xilkaas oo aad isku hayb wadaagtaan waliba waxaa ku jiray shaqsiyaad miisaan ku dhax leh bulshada oo aad jufe hoose sii ahaydeen markaas ayaa la is yiri waa laguu yaabaa, qudhaada waad dareemeysay culeyskaas.

Mudane hada uun waa lagu magacaabay waxaa kuu dhiman in lagu horgeeyo golaha shacabka ogolaanshiyahana ayagey ka go’adaa cabsi badanse kama jirto in ay ku soo celiyaan wax walbase waa suuro gal, maxaad maanka ku haysaa haddii ay ku ansixiyaan golaha,wasiiro noocee ah ayaad magacaabaysaa, maxaadse ku xulaneysaa? Ma waxaad u mareysaa wadada adiga laguu soo maray oo ah in aad hareertaada ka eeg eegto kuwo aad isku xisbi ka soo wada jeedaan mise saaxiib wadaag aad tihiin? Sharuudaha aadse ku xulaneyso maxaa ka kow ah? Waxaa la yiri talo adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola, taa maxaan ula jeedaa? Waxaan ula jedaa, kolay talada inta badan waxay kaaga imaanaayaan madaxweynaha & afhayeenka baarlamaanka waxaa kaloo muhiim ah in aad talada dibada u soo saarto,labada mas’uulna  waa muhiim aragtidooda laakiin adigu waa in aad la soo baxdaa aragti dheeraad ah waana in aad ku xulataa Wasiirada kow, ma yahay nin dhiig wax qabad ku jiro aamisana in uu ku shaqeeyo soomaalinimo? Misana u diyaarsan in shaqada loo idmanaayo oo uusan ku mashquulin yaa saaxiibkaa ah, yaad wax isla qaldi kartaan & xageed wax ka bilowdaa. Sidoo kale waa in ay wasiiradaadu ahaadaan kuwo is maqlo, waayo is maqalka waa muhiim waana in ay ahaadaan kuwo karti & aqoon xambaarsan.

Munane iska ilaali darbiyada dhaadheer oo ay ku caan baxeen madaxdii idin ka horeysay oo ahaa xidid, ina adeer, isxulufeysi iwm taa haddii aad ka badbaado waad badbaadaysaa waqtina waad ku sii fadhineysaa kursigaan aan wali laguu dhaarin, dhaartuna waa qatare ogow, xilkaan laguu magacaabay waa xilka laga doonaayo in wax lagu qabto.

Soomaalidu waxbay faaqidaa farahana ku fiiq fiiqdaa, waxaad tahay nin ganacsade ah mudo dheerna howlahaasna ku soo jirey  marka soo wanaagsaneyn in aad soo bandhigto hantidaada inta ay gaarsiisan tahay sida madaxda caalamka ay sameeyaan oo kale tusaale Banki Moon markii uu qabanaayey jagadaan waxuu soo bandhigay hantida uu leeyahay guurto & maguurtaba kaaga sii darane waxuu ku sii daray xaaskiisa hantida ay leedahay, sidaa maxuu u yeelay waxuu ka cararaayey in lagu qaan sheegto berri ka maalin, marka mudane ma ku talo jirtaa oo maanka ma ku haysaa in aad soomaalida u soo bandhigto, ogow sidaas haddii aad sameyso waxaad jeexaysaa wado taariikhi ah oo aan wali horey u sameyn Soomaalida & afrikada kale inta aan xasuusto. Tan kale mudane meeqaad jeclaan lahayd in aad soo jeedo afar & labaatanka saac oo aad ku soo jeedo sidii aad wax ugu qaban lahayd bulshadaan hadba maalin u barakacaaya oo Oonka & gaajada tubaha la daadsan, waayo qaxootiga ugu badan ee caalamka uu marti galiyo waa Soomaali, jiif kuuma yaalo laakiin ogow waa in aad heshaa team kula soo deedo oo aad arihama bini’aadinimada xooga kula saaro xisaabta ku sii darso qudbadadii waxaa ku jrtay in ay xukumadaadu ay wax ka qaban doonto lixdii qodob ee  uu saaxiibkaa horey u sheegay inta aan loo dooran madaxweyninimada sida arimaha bini’aadnimada, waxbarashada, caafimaadka, ladigaalanka musuqmaasuqa, eexda & dhaqaalaha intaas  haddii aad ku darto cadaalad & sinaan waxaa hubaal ah in aad helayso mudnaan gooni ah.

Mudane Ra’isul wasaare halka Soomaalidu eegto oo ay isha la raacdo waa dhanka dhaqaalaha oo taqasuskaadu yahay taana fiiro gaar ah u lahow hadii kale waxaad raacaysaa wadadii ay mareen oo lagu xaman jirey lunsasho dhaqaale waayo waxaa jiray lacago ku bixi jirtay fadlan sii hebel & hebel taa oo aan lug ku lahayn nidaamka dowlad wanaaga, sidoo kale qilaafka horey u ragaadiyey madaxdii hore sidee ayaad iskaga ilaalineysaa sideese u wajahaysaa maamul gobaleedyada aya iminkadaan sheeda sare kaa eeganaaya, eegaayana hadba tilaabta aad qaado, kalsoonidooda side ayaad u kas baneysaa.?

Mudane wasiiradaadu meeqaa ayaad is leedahay waa ay ku wanaagsan yihiin in laga dhigo madaama aad sheegtay in ay noqon doonaan kuwo tayo leh maxaase oo la jeedaa kuwo tayo leh ma ayagaad tayadu kala jeedaa mise tiradoodu ayaad ula jeedaa?

W.Q  Suleymaan sh Ismaaciil  (Paracetamol)
paracatamol5@gmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: