Mudane Ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa “Qab Qaranka” ka mid ah.

W/Q: Cabdixakin C. Casir

Waxaa laga yaabaa in ciwaanka maqaalkani uusan si toos ah kuugu cadeyn akhristow balse waxa uu daba joogaa, qoraal aan sanad ka hor qoray oo aan uga hadlay hoos u dhaca ku yimid luqadda Af-Soomaaliga iyo weliba sida ay luqadda Ingiriisku ay uga dheerayso luqaddeenna marka la joogo dalka Soomaaliya gudahiisa.

Maqaalkaas oo ahaa mid aad u dheer oo aad weliba ka akhrisan karto halkaan: https://codkashacabka.wordpress.com/2012/06/24/luqadda-ingiriiska-oo-af-soomaaliga-kaga-dheereysay-dalka-soomaaliya-gudahiisa/, ayaa waxaan tusaale u soo qaatay oo aad maqaalkaanna aad ku akri doontaan sawirada badanaa lagu xardho qolalka waaweyn ee shirarka lagu qabto marka ay heyadaha dalka joogaahi ay sameynayaan waxa ay ugu yeeraan tababarrada, waxaase taas ka sii daran marka madaxda dalka ugu saraysa ay iyagoo la hadlaaya ummadda Soomaaliyeed ay ku celceliyaan erayo aan Soomaali aheyn oo laga yaabo inta badan ummadda Soomaaliyeed oo ay la hadlayaan inaysanba garan.

Waxaan la inkiri karin in isbedel dowladeed iyo mid siyaasadeed uu dalka ka dhacay. Dhamaan ummadda Soomaaliyeed oo aan anigu ku jiro aan u hanqal taageyno waxa ay dowladdaan cusub iyo madaxweynaheedu ay ka qaban karaan howlaha waaweyn ee sugaaya in ay iyagu wax ka qabtaan. Waxa ugu muhiimsan oo aan aaminsanahy inay wax weyn bedeli doonaan waa sida ay madaxda dowladda cusub iyo Madaxweynuhuba ay ummadda Soomaaliyeed uga gadaan ugana dhaadhiciyaan qorshayaasha muhiimka ah oo aan looga baranin dowladihii hore iyo weliba sidii ay ugu guulaysan lahaayeen dhegaha shacbigooda.

Qudbadaha dhaadheer iyo weliba wareysiyada ay Madaxweyne Xassan iyo Raisul wasaare Saacid ay sameeyeen maalmo ka hor waa bilow fiican waxaana lee yahay sida aad sheegteen ummadda Soomaaliyeed waa inaad kalsoonideeda heshaan, waxa aad ku heli kartaanna waxaa ka mid ah inaan maamulka dalka iyo shacabkiisa aan loo kala dhexeyn oo ay weliba isfahmaan. In la isfahmase waxaa laga rabaa dowladda waana inay siyaasaddeeda ku sharaxdaa erayo la fahmi karo.

Anigoo ka duulaya isfahanka dowladda iyo shacabkeeda ayaan waxaan dhageystay qudbad aheyd tii ugu horaysay oo uu Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu kula hadlo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka uga nool yihiin, taas oo laga sii daayay Miraayadda la iska arko ee qaranka lagana dhegeysan karay raadiyaha dowladda ee Muqdisho.

Qudbadaas oo uu madaxweynuhu uga hadlaayay waxyaabaha dowladda uu hogaamiyaha u yahay u qabsoomay muddadii 65ta casho aheyd oo uu dalka madaxda ka ahayd. In kasta oo ay qudabdu aheyd mid ay wax weyn ka faa’iidayn ummadda Soomaaliyeed ee u ooman dowlad sheegta waxa ay qaban doonto oo weliba fursad u siisa ummadda Soomaaliyeed inay u sheegaan wixii ay kula xisaabtami lahaayeen amaba ay ka filan lahaayeen, ayaa waxaa nasiib darro noqotay in Mudane Xassan uu in ka badan 30 jeer uu isticmaalo erayo aan Soomaali aheyn, kuwaas oo uu qaarkood ku celceliyay dhorw jeer isagoo meelo kala duwan uga jira qudbaddiisa. Halkaan ka fiirso qudbadaas: http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=XKT4X9u66_c

Waxaa laga yaabaa in la is yiraahdo wax macna ah ma laha in uu masuul sare uu ku hadlo erayo aan luqaddeenna ka mid aheyn isagoo la hadlaya ummadda Soomaaliyeed, laakiin waxaan halkaan idiinku sheegayaa in luqadda Af-Soomaaliga ay tahay luqad u baahan ilaalin iyo weliba kobcin oo ay weliba xil ka saaran tahay dowladda cusub inay wax ka qabtaan dayaca baahsan ee heysta Afkeenna hooyo.

Mudane Xassan waxaa qudbaddiisa ka mid ahaa in uu yiri waxaa loo baahan yahay in dadka soomaaliyeedi yeeshaan “Qab Qaran oo ay ka tagaan Qab Qabiil”. Mudane madaxweyne waa sax waana kugu raacsanahay in Qab Qaranku uu umadda Soomaaliyeed uu ku liito oo loo baahan yahay in kor loo qaado si ay Qaramada kale wax ula qabsadaan, laakiin sidey kula tahay mudane madaxweyne haddii aan furihii isfahanka ummadda Soomaaliyeed aan wiiqno amaba aan ka doorano inaan niraahno “Waxa afka qalaad lagu yiraahdo” oo aan raacsiinno erayo laga yaabo inay yar yihiin dadka Soomaaliga ku hadla ee fahmi kara, sow taasi ma dhalinayso in ay dhalinta Soomaaliyeedi kugu dayato oo ay u aragto wax laga faano ku hadalka luqadda Soomaaliyeed oo uu qof walbaaba isku dayo inuu soomaaliga ku dhex daro erayo kale oo laga soo amaahday luqado kale.

Waxaa qudbadaas ka horeeyay, martina u noqday idaacadda dowladda Raisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo si toos ah looga warsanayay qaabkii u soo disay dowladda cusub oo uu maalmo ka hor uu ku dhawaaqay. Waraysiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu socday in ka badan qiyaastii hal saac, isagoo si fiican u difaacay qaabka uu dowladiisa u soo disay iyo weliba waxyaabaha ku kalifay inuu u dhiso qaabka uu u dhisay, runtiina ay soo wacayeen dad Soomaaliyeed oo iyagu dowlad doon ah kana soo kala wacay daafaha dunida oo isugu daray dhiiragelin iyo dardaaran, ayaa markii uu ka jawaabayay su’aalihii weriyaha idaacadu weydiiyay iyo weliba mida ay dadka shacabku soo weydiinayeen, waxa uu isticmaalay in ka badan 50 eray oo aan Soomaali ahayn. Kuwaas oo uu weliba dhowr jeer oo kala duwan ku celcliyay isagoo maraya qeybaha ka duwan ee barnaamijkaas. Halkaan ka dhegeyso: http://radiomuqdisho.net/raisulwasaaraha-dalka-oo-shacabka-gudaha-iyo-dibadda-ku-kala-nool-suaallo-uga-jawaabay-dhageysosawirro/

Waxaa hubanti ah in labadha masuulba aysan u sameynaynin arintaan ula kac, oo aysan weliba islaheyn wax dhibaato ah ayey u geysaneysaa luqaddeenna Af-Soomaaliga, waxaase hubanti ah, haddii ay heyadihii noloshu ka gashay inay boor kasta ku soo qoraan luqado kale, ay ku darsamaan madaxdii dalka ugu sareysay, waxaa sax ah inaan isweydiinnu su’aasha ah yaa u maqan luqaddeenna iyo weliba horumarinteeda?

Waxaan hubaa in loo baahan yahay in madaxda dalku ay ka feejignaadaan oo ay weliba ogaadaan in loo baahan yahay in ay kor u qaadaan heybadda ummadda Soomaaliyeed, waxa ugu horeeyana oo Soomaaliga lagu gartana waa luqaddeenna haddii ay iyadu burburtana waxaa hubanti ah inaysan jirin wax aan uga duwanaan doono umadaha kale ee aanan laheyn wax ay isku fahmaan, waxaana qasab noqon doonta inaynu isku fahanno luqadihii gumaystaha oo ah kuwa ay madaxdeennu hadda isticmaalyaan iyagoo la hadlaaya ummaddooda.

Waxaa hubanti ah in xilka madaxda saaran uu mid la mid ah saaran yahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaase la rabaa in madaxda sare ee dalku inay tusaale u noqdaan dadka ay hogaamiyaan, oo ay weliba sharci ka dhigaan in aan meelaha la isugu yimaado aan lagu xardhin luqad aan aheyn tan dadka Soomaaliyeedi ay wada fahmi karaan. Waa inay sharci darro noqotaa in boorarka lagu qoraa luqado aan la garanaynin cidda loogu talo galay iyo weliba ujeedada laga lee yahahy.

Waxaan ka codsanayaa heyadaha ay qusayso iyo madaxda dalkaba inaysan dheyelsan burburka ku socda luqadda Af-Soomaaliga oo ay weliba ilaaliyaan wax kasta oo si toos ah amaba si dadban u wiiqi kara.

Mahadsanidiin

Cabdixakin C. Casir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: