Ma shaqeyn kartaa dowlad Miisaaniyadeedu ay ku dhisan tahay gargaar dibadda uga yimaada? Mase u danayn kartaa danaha dadkeeda?

W/Q: Cabdixakiin Cali Casir.

Waxaa hubanti ah loona baahan yahay inaynu wada qirno in qof wax heybsanaya uusan kala doorasho laheyn oo wixii loo soo taago uu ku qasban yahay inuu isku qanciyo, waxaana taas la mid ah dowladaha aanan iyagu ku filnayn soo saarashada dakhliga sanadlaha ah ama keeda loogu tala galay mashaariic qarameedka lagu houmarinayo mustaqbalka danaha dalkeeda.

Sidaas marka aan lee yahay, waxaa laga yaabaa akhristow inaad u akhrisato inaan eedayn iyo wax la mid ah aan u soo jeedinayo dowladda maanta ka jirta dalkeenna, balse haddii aad sii akhriso maqaalka waxaad arki doontaa in ay xaajadu sidaas ka duwan tahay oo weliba masuuliyadaasi ama su’aashaasi ay ka weyn tahay dowladda oo ay dusha uga dhacayso dhamaan wax garadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka uga nool yihiin.

Marka laga hadlaayo qaabka loo maal geliyo miisaaniyad dawladeed, waxa ay isugu yirtaa dhowr nooc, waxaase badanaa sal u ah waxa uu dalkaasi isagu soo saarto, waxaa kaloo lagu daraa daymaha uu dalkaasi ka soo qaato wadamada kale iyo heyadaha caalamiga ah ee daymaha bixiya. Miisaaniyadda waxaa qeyb ka noqon kara iyaduna heshiisyo ay wadamo wada galaan oo ay labada dhinacba ay faa’iido ka soo geleyso taas oo dhalinaysa in mashaariic horumarinayd oo sanad ama sanado soconaysa halkaas lagu wada heshiiyo. Waxaa kaloo miisaaniyaadka wadamada qaarkood ku jira deeqo lacageed oo shuruudo la socdaan oo wadankaas la weydiinayo inuu si u dhaqmo ama uu arin sida wadanka deeqda bixinaya uu rabo uu u maareeyo markaasna loo balanqaado in loo hirgelin doono mashruuc ay horay uga wada hadleen amaba la siin doono lacag aan dayn aheyn oo uu siduu rabo wadankaasi wax ugu qabsado. Wadamada qaarkoodna dhamaan amaba inta badan miisaaniyadoodu waxaa sal u ah deeq ay siiyaan wadamo kale, oo ay marna helaan marna waayaan.

Inta arimood ee aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badan ayaa ka mid noqda qaababka ay dalalku u maal geliyaan miisaaniyadda dowladahooda, waxaase ugu fiican wadamada iyagu ku tashta waxa ay iyagu soo saartaan taas oo keenta in wadamadaase ay badanaa awood u helaan inay hirgeliyaan mashaariicda horumarineed ee kor u qaadi karta horumarka dalka. Waxaa ku xiga wadamada iyagu aanan heysan miisaaniyad ku filan oo dalkooda ka soo baxda, balse suurta gal ka dhiga in wadankooda la maal gashto oo soo jiita wadamo ay saaxiibo yihiin oo iyagu mashaariic horumarineed ka fuliya wadankooda kuwaas oo ay aheyd in dowladdaasi ay qabato laakiin dhaliya in labada wadan ay mashaariicdaas ka faa’iidaan oo uusan faa’iidin oo kaliya wadankii mashaariicda fuliyay sida badanaa ka dhacda wadama soo koraaya. Waxaase ugu liita qaab miisaaniyadeedka kulligiis ama inta badan ku dhisan deeqaha, waxa uuna wadamada noocaas ah dhaxalsiiyaa inaysan weligeed gaarin hurumar amaba ay weligood dhamaystirin mashaariic dan u ah dadkooda iyo dalkooda.

Inta qaab aynu soo aragnay midna ma aha qaabka ay dowladda Soomaaliya miisaaniyaddeeda u maal geliso, waayo maba laha wax lagu tilmaami karo miisaaniyad, waxaase badanaa loo wada akhristaa in ay miisaaniyadda dalkeennu ku dhisan yahay deeq, deeqdaas oo aan cayinneen haddii la cayinana aysan aheyn mid gacanta ugu jirta dowladda Soomaaliyeed oo badanaa inta aan ka warqabno waxaa gacantooda ku heysta heyado la lee yahay waxay u gargaaraan ummadda Soomaaliyeed.

Hadaba haddii aan u soo noqdo su’aasha aan ciwaanka uga dhigay maqaalkaan, dowlad noocaas ahi ma shaqeyn kartaan haaddii ay shaqeysase ma qaban kartaa waxa aan isleenahay ummadda Soomaaliyeed ayey dan u yihiin? Runtii wey adag tahay in jawaab toos ah laga bixiyo, waxaana laga yaabaa in la ii akhristo inaan ka cararayo inaan jawaab toos ah aan ka bixiyo su’aashaan , laakiin waxaan rabaa inaan arintaas su’aal kale uga jawaabo oo aan iraahdo, sidaas inay dhacdo ma dowladaa ka masuul ah mase dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa ka masuula ah? Waxaa hubanti ah in dowladdaan iyo kuwii ka horeeyaba aysan iyagu si gooni ah aysan masuul uga aheyn in dhowladdu yeelan weydo miisaaniyad ka ballaaran midda aanan lagu xisaabtami karin ee loo keeno deeqaha.

Waxeynu badanaa maqalnaa in dowladda loo soo jeedinayo eedeymo ku saabsan wax qabadkeeda, laakiin haddii aysan dowladdu heysan wax ay wax ku qabato hadana aysan jirin ummad Soomaaliyeed oo danaynaysa inay dowladdooda la garab istaagaan qarashaadka ay ku qaban la heyd waxa laga sugaayo oo ay ugu horayso soo celinta iyo dib u dhiska heyadihii qaranku lahaa, sidee baad isu lee dahay waa sax eedeymaha loo soo jeedinaayo? Runtii waa su’aal loo baahan yahay inaynu isweydiinno.

Qarashka dowladdu u baahan tahay kama imaan karo oo kaliya canshuuraha laga qaado garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada muqdisho. Waxa uu dalku lee yahay ilo dhaqaaleed ballaaran oo ku baahsan dalka oo dhan, kuwaas oo u badan kuwa gaarka loo lee yahay laakiin ka faa’iida ummadda Soomaaliyeed oo xaq loogu lee yahay inay qeyb ka qaataan dakhliga ama qarashaadka lagu maal gelinayo horumarka iyo adeega dalka. Ilo dhaqaaleedkaas waxaa ugu waaweyn, bunuugta sida gaarka ah loo lee yahay, shirkadaha isgaarsiinta, isbitaalada sida gaarka ah loo lee yahay, heyadaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay, iyo dhamaan ganacsiga ballaaran ee isaga gudba geeska afrika ee qaar badan oo ka mid ah ka yimaada dalka Soomaaliya.

Waxaa hubanti ah in dalka Soomaaliyeed uusan uga bixi karin sida uu yahay mucaawino dibadda uga timaada oo weliba ku xiran shuruudo badan. Waxaa dad badan oo Soomaaliyeedi sheegaan oo badanaa ka hadlaan in la dhiso ciidamadii qaranka lana soo celiyo kala danbeyn iyo xasilooni, sidee bay taasi u suurtoobaysaa baad is lee dahay haddii aadan diyaar u ahayn inaad maalkaada ku bixiso. Waxaan hubaa in haddii lawada aqbalo in dalkaani uu nawada sugayo oo uusan jirin cid si gooni ah ugu xilsaaran wax ka qabadkiisa, in muddo aanan la malayn karin lagu tiigsan karo horumar dhinac kasta ah, laakiin inta inta badani ay wax kasta ku miisaamayaan “maxaa aniga iigu jira” oo ay wax kasta uga horayso tooda qaaska ah waxaa halis loogu jiraa inaanan tilaab horay loo qaadin.

Qof kasta oo waxgarad ah meel kasta oo uu caalamka uga nool yahay waxaa looga baahan inuusan cidna ku haleynin dalkiisa, uuna isku dayo inuu ka shaqeeyo sidii dalkiisu uga maarmi lahaa ku tiirsanaanta iyo weliba miisaaniyad ka dhigashada deeqaha danaha gaarka ah laga lee yahay. Waa inaynu ogaannaa in dalkeennu ku dhismi karo oo kaliya qorshe iyo qarash dadkeenna iyo dalkeenna ka yimaada, waxaana hubaa inaynu gaari karno madax bannaanida miisaaniyada haddii aynu ka wada qeyb qaadanno qarashaadka dalku u baahan yahay, kuna qasabno shirkadaha dadkeenna iyo dalkeenna ka faa’iida inay qarashka xaqqa loogu lee yahay ay uga qeyb qaataan miisaaniyadda dalka.

Guul iyo Gobannimo

Cabdixakiin Cali Casir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements
Posted in Maqaallo. Tilmaamayaal: . 2 Comments »

2 Responses to “Ma shaqeyn kartaa dowlad Miisaaniyadeedu ay ku dhisan tahay gargaar dibadda uga yimaada? Mase u danayn kartaa danaha dadkeeda?”

  1. Nadia Qaali Cadey Says:

    aniga codkayga hadaa tixi galinaysida umada dhibteesan ilada uu gar gartaan ayaan nigaa barayaay


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: