Kuwii I Dayacay ma I Dayac Tiri Doonaan!

W/Q: Cabdixakin C. Casir

Dayacaygu, waxa uu bilawday muddo aad u fog, oo runtii in muddo ahba waxaa la ii yaqaanay meel laga qaxo oo kaliya oo aan wax nolol ah aanba laga raadin karin, iyadoo illaa iyo hadda aan garan la’ ahay meel adduunka i dhaanta oo nafta bini’aadanka u roon. Waxaan ahay meel aan qabow iyo kuleyl midna aanan looga sheegan, oo waxaan lee yahay cimilo sanadka oo dhan aan dhibsasho laheyn. Waxaan lee yahay nolol ka doorasho mudan oo qofiba wixii uu doono uu nolol ka raadsan karo, oo berri iyo bad, beer iyo xoolo, magaalo iyo miyiba midna wax la iigama waayo. Waxaase la igu saliday kuwo aanan arkin miraha faraqooda ku jira oo mar kasta u hanqaltaaga kuwa geedka saaran.

Markaan is iraahdo la haasaw oo la sheekeyso kuwa asaageyga ah, waxaa hoosta la isaga sheegaa inaan wax qiima ah aanan laheyn oo aan ahay mid laga guuro, oo kuwii ka guuray qabuuro looga dhigay badaha waaweyn ee caalamka ku yaal, welina inta ku hartay ay raadinayaan sidii ay uga tegi lahaayeen. Waxaanse isweydiiyay maanaa waalan mase kuwan iga qaxaya ayaa wax ka qaldan yihiin.

Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad, waxaan arkayey dad isku key dagaalaya oo mid walbaaba uu lee yahay anigaa meeshaan iska leh ee ha ii soo dhaafin, oo iyagu ka yimid meelo aad iiga fogfog runtiina la dhacay quruxda aan lee yahay iyo kheyraadka ilaahey igu manadeystay. Markaas ka hor waxaa la iigu yeeri jiray magacyo kala duwan oo dowladihii adduunka ugu xooga weynaa midba magac ayuu iila baxay. Waxaa la iga heli jiray wax aan meelo kale oo badan aan laga helin oo runtii aad u qaali ah, welina la iga helaa. Dadyowgii qarnigaas igu soo qulqulaayayna weli wey igu soo socdaan oo maalinba magac ayey la soo baxaan, waxeyna weli rabaan oo aysan ka quusan qorshihii ay qarninii 19aad qorsheeyeen ee ahaa inay iyagu maalaan hasha maandeeq.

Kheyraadkayga muuqda waxaa ka weyn sida xantu tahay midka qarsoon, oo qolo kastaaba ay iyadu isu rabto, waxaase hubanti ah kuwan iga qaxaya inaysan fahansaneen waxa ay ka qaxayaan iyo waxa ay ku qaxayaan. Sida aan horay u sheegay waxa ay ka qaxayaan meelo cimiladu aysan keenin dhibaato, waxeyse u qaxaan meel iskadaa nolosha kalee ee xilliyada isbedelkooda uu yahay mid qof kastaaba isbedel shaqsi ah ku abuuraya, laakiin kuwan u qaxaya waxaa u muuqda oo kaliya waxa ay miraayadaha ka arkaan oo runtii ah wax runta ka fog oo weliba si weyn looga soo shaqeeyay oo wax kasta oo loo aqrisan karo dhib laga soo bixiyay, waxase hadda bilawday oo aan weliba aad ugu faraxsanahay, in kuwii iga qaxay qaar badan oo ka mid ah ay garawsadeen farqiga u dhaxeeya waxa ay ka soo qaxeen iyo waxa ay u soo qaxeen, in kasta oo ay aad u yar yihiin kuwa iyagu go’aansaday inaysan miraha gundigooda ku jira aysan u daadin kuwa aan la garanaynin in la guran doono ee geedka guudkiisa ku yaalla.

Xanta aan ka maqlo meelaha ay tageen kuwii iga qaxay, waxey ku sheekeystaan oo ay weliba ku cataabaan, TOLOW YAA NOO SHEEGA INAY XAAJADU SIDAAN TAHAY. Qaar baa ku calaacala inay ka soo tageen shaqooyin heer sare ah oo aysan weligood haddii ay wax kasta isku dayaan aysan halkaan ka heli doonin, kuwo kale waxa ay ku cataabaan, waxaa muddo la iga bixinaayay waxbarsho aan weliba heer sare ka gaaray, waxaanse wax kasta dhaafsaday inaan ka haajiro meeshii ay waxbarshadeydu qiimaha ka laheyd, waxaan hadda nolol ka raadiyaa waqti yar oo aan soo xaaqo meelo dad asaagey ahi ay madax ka yihiin, iyaga oo aan aqoon i dhaamin laakiin ah kuwii u dhashay meesha aan joogo ilayn anaa garan waayay meeshii ay aqoontaydu qiimaha ku la heyde. Waxeyse mar kasta xusuustaan kuwo badan oo iyagu raba inay galaan safarkii ay iyagu ku soo qasaareen, markaas bey isweydiiyaan si ay walaalohood ugu sheegi lahaayeen inaysan waxba ka soo horeynin oo ay weliba aaminaan in waxa ay heystaan meel kale oo laga helaayo aysan jirin, waxeyse kuwa inay haajiraan raba ku andacoodaan HADDII AADAN MEESHAAS WAXBA KU HEYNIN MAAD KA SOO TEGTID, allow yaa u sheega inaysan dib u naqashadu aysan ii sahlanayn oo ay weliba ka dhib abadan tahay safarkii aan ku imid.

Waxaan xasuustaa suaal nin boqor ah uu wiilkiisu weydiiyay, oo aheyd “Aabo baahi maxaa la yiraahdaa?” Markaas ayuu boqorkii yaabay, waxa uuna la yaabay sabata uu wiilkiisu u weydiinaayo macnaha erayga baahida, markaas baa intuu wiilkii hadalkii ku soo booday yiri waxaan ka maqlay wiil yar oo deriskeenna ah oo leh baahi baa i heysa. Boqorkii waa uu garan waayay si uu si cad ugu qeexo waxa ay baahidu tahay, oo waxa uu isyiri boqorkii, haddii aad eray ahaan ugu sharaxdo malaga yaabaa inuusan macnaha rasmiga ee uu wiilka deriska ahi uu ka wado baahida inuusan wiilkaadu fahmin. Markaasbuu boqorkii wiilkiisa ku yiri aabo baahidu qolkaad ayey ku jirtaa ee gal ee ka soo bixi. Markii kii yaraa u galay qolkii, oo uu ku guda jiray helitaanka waxa baahida la yiraa, ayuu boqorkii ka dalbay askartiisa in wiilkiisa qolkaas dhexda looga soo xiro oo aanan weliba maalin iyo habeen laga furin. Wiilkii yaraa wuxuu qeyliyaba wax ka fura qolkaas waa la waayay, maalintii danbe markii uu qeylo dhigay oo uusan laheyn awood uu ku qeyliyo ayaa boqorkii amray in laga soo furo wiilka qolka uu ku xiran yahay, markaas ayuu wiilkii ku yiri, aabo ma soo heshay waxa baahida la yiraahdo markaas ayuu wiilkii ku jawaabay, ma aanan u maleynaynin inay baahidu tahay waxaan la kulmay, waanse aqaan maanta waxa ay tahay.

Qaar badan oo ka mid ah kuwii iga qaxay, qiimaha aan lee yahay waxay u barteen sida uu wiilkaas u bartay waxa ay baahidu tahay, oo haddii loo sharixi lahaa ma fahmi laheyn oo kuwa hadda sii qaxaya oo kale ayuu u inkiri lahaa macnaha dhabta ah ee uu eraygaasi leeyahay. Waxaan hubaa inaysan jirin dhul iga qiima badan balse waxa qiimaha dhulalka u kala yeela ay tahay dadka ku nool iyo weliba sida ay wax uga soo saartaan oo ay uga shaqeystaan. Maadaama qaar badan oo mar hore iga qaxay ay soo ogaadeen wax dheefka aan lee yahay iyo weliba sida aan u dihanahay oo aan weli wax badan aanan looga soo saaran kheyraadkeyga, ma laga yaabaa inuu waa cusub ii dhasho oo dadkeygu noqdaan kuwo fahma wax wada qabsiga iyo weliba iskaashiga, dhaliyana horumar aan ugu faano kuwa asaageyga oo ku sheekeysta inaan ahay meel laga qaxo oo kaliya? Wxaa hubanti ah in muddo yar gudahood aan noqon karo meelaha adduunka loogu jecel yahay oo wax badan oo la iga qoray ay waqti yar ku noqon doonaan taariikhdii muqdiga aheyd ee aan waa soo maray, waxaase shardi ah in dadkeygu la yimaadaan qaab fikir, ka duwan kii ay ku jireen tan iyo maalintii ay maamulka sameysteen oo uu gumaystuhu ku kala sheegay inaysan iskudan aheyn oo ay kala daneystaan.

Guntii iyo gabagabadii, haddaan ahay geyiga Soomaaliyeed, waxaan u baahanahay oon u oomanahay halyeeyo ii hiiliya oo soo celiya magacii iyo maamuuskii aan adduunka ku lahaa.Cid kale oo ii yeeli karta oo aan ahayn kuwa ilaahey nasiibka ii siiyayna ma jiraan. Haddiise aysan iyagu isku duubmin oo ul iyo diirkood aysan noqonin, oo aysan danta guud ka hormarin danta gaarka ah, oo aysan aaminin inaysan jirin wax ii dhaama oo ii bedeli kara, waxaan hubaa inaysan sharafteydii iyo qiimigii aan lahaa uusan sahal ku soo noqoneynin, waxaanse ilaahey idiinkaga baryayaa inuu dhexdiina burcad dhigo, oo kuwa idiin kala sheekeeya ilaahey xumahooda idin tuso, oo aad weliba ogaataan inuusan jirin cid idiin dhaanta walaalkaada Soomaaliyeed si kasta oo aadan maanta raali isaga aheyne. Allow col, balaayo iyo baahi idiinku bedel nabad, cadaalad, nimco iyo horumar. Allow idinka dhig kuwo is walaashada oo weliba isu naxariista si aad naxariista alle u heshaan.

Guul iyo Gobannimo

Cabdixakin C. Casir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: