Hogaamiye ama Hogaamiyayaal noocee ah ayey ummaddu u baahan tahay?

ImageW/Q: Cabdixakin C. Casir

Marka la soo hadal qaado erayga hogaan, waxaa isla markiiba laga yaabaa inay xasuustaada ku soo dhacaan qaabab aan qurux badneyn oo wax loo hogaamiyay iyo weliba sawiraddii kuwii markaas hogaanka u hayay hogaankaas. Waxaad u maleysaa in marka aan ka sheekeysaneyno hogaamiyaashii dalka soo maray, qaasatan kuwoodii ugu danbeeyay inay yar yihiin kuwa ay sida tooska ah ay xusuustaada ugu soo boodayaan waxyaabo qurux badan oo ay iyagu bulshada Soomaaliyeed u qabteen oo weliba iyaga lagu xusuusan karo.

Waxaa kaloo dhacda marka hogaan laga hadlo, inay markaaba madaxaada ku soo dhacaan kuwa hogaanka ugu sareeya, ha’ahaadaan madaxda qaranka ama duqowda iyo odayaasha dhaqanka, marka laga yimaado kuwii dadka dhiigooda ku noolaa oo aan anigu aamin saneyn inay u qalmaan magaca amaba heybadda hogaamiye, marnase waxaan madaxaada ku soo dheceynin madaxda hogaamisa dhamaan heyadaha ka shaqeeya horumarka bulshada, ha ahaadaan kuwa dowladdu leedahay amaba kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaan kaloon madaxaada ku soo dhacaynin madaxda hoose ee hogaamiya heyadaha adeega bulshada oo runtii iyagu masuulka ka ah horumarka meeli gaarto ama hoos u dhaca meel ku yimaada.

Marka aynu ka hadlaynu hogaamiye, sababta ugu horeysa oo ay dadi u doortaan hogaamiye waa inuu dadkii doortay amaba xilkaas u dhiibtay uu danahooda ka shaqeeyo, waxaana hubanti ah in waxa ay ka filanayaan inaysan aheyn wax si sahlan lagu gaari karo, waxaase lagama maarmaan ah in qofka xilkaas lagu aaminaahi uu garanaayo waxa laga filanaayo iyo weliba sida ama qaabka ugu fudud ee lagu gaari karo horumarkaas. Waxaadse moodaa in badanaa dadka hogaanka ummadda Soomaaliyeed u doortaan, oo aanan ku ekeyn madaxda ugu sareysa dalka ee gaareysa ilaa iyo madaxa degmada ugu yar ee dalka ku taala waxa ay ka fikiraan inay tahay oo kaliya sidii ay iyagu horumar u gaari lahaayeen oo waxa ay hilmaamaan sababtii ugu weyneyd ee loogu dhiibtay xilkaas. Inta aanan u soo dhaadhicin jawaabta su’aasha ciwaanka maqaalkaan, fadlan akhristow ila fiiri sheekadaan yar, runtiina u fiirso waxa hogaamiyaha laga rabo ee ku jira sheekadaan:

Qofka beeralayda ahi marka uu doonaayo inuu beero geed mirood, tusaale ahaan geedka babayga ah, waxaa jira marxalado kala duwan oo uu soo maro. Marka ugu horeysa oo la rabo in miraha la abuuro, waxaa la diyaariyaa saxaarad alwaax amaba walax kale ka sameysan. Waxaa lagu shubaa carro iyo weliba wixii nafaqo ah oo u fududeynaya miraha inay soo baxaan, markaas ayaa biyo lasu rusheeyaa laguna abuuraa miririhii. Muddo ka dib saxaaraddii oo dhan waxa ay noqotaa geedo yaryar oo iyagu ku tartama inuu mid kastaaba helo nafaqada, biyaha iyo ilayska meesha saxaaraddu taalo laga heli karo. Dhowr maalmood gudahood waxaad arkeysaa geedihii kuwo ka mid ah oo iyagu ka weynaaday kuwii kale oo iyagu wax kasta oo nafaqo ah ee meesha yaalay ka boobay geedihii kale. Haddii sidaas lagu daayana waxaa hubanti ah in dhowr geed ma ahane ay inta kale dhiman doonaan waayo iyaga ayaa wixii nafaqo ah oo dhan qaadan doona maadaama ay ka dheer yihiin kuwa kale, ugu danbeyntana iyagaas naftirkoodu way dhiman doonaan oo saxaaraddu maadaada ay yar tahay oo aysan aheyn meel loogu talo galay geed weyn sida geedka babayga ah.

Ka soo qaad in uu badbaaday hal geed oo aad weliba geedkii aad ku talaashay meel uu isagu ka yahay geedka babayga ah ee ku yaalla, si kasta oo uu nafaqo, biyo iyo ilays u heloba, waxaa la hubaa inuusan weligiis waxba dhalaynin waayo geed walbaaba si uu miro u dhalo waxaa lagama maarmaan ah inay jiraan geedo kale oo ku nooc ah oo isla meeshaas ku yaalla si ay isu bacrimiyaan.

Fiiri hadaba, haddii marka ay miruhu geeda noqdaan, maalmo ka dibba, geedihii koox koox loogu abuuro saxaarad midaan ka weyn loo kala qeybiyo, waxaa dhacaysa in koox walbaahiba ay hesho nafago iyo ilays ay isticmaalaan si ay u koraan, balse marka ay koraan weli waxa ay u baahan yihiin in laga bedelo meesha ay ku koreen oo weli la geeyo meel ka sii fiican ugu danbeyntana lagu abuuro dhul aan isu dheerayn si ay isu kaashadaan oo ay weliba isugu keydiyaan biyaha isuna bacrimiyaan, si aad halkaas uga hesho wax soo saar aad u badan una tayo wanaagsan.

Haddii aad fiiriso sheekadaan yar oo weliba dib u qooraansato qaabka hogaamiyayaashu u kala duwanaan karaan, waxaa kuu soo baxeysa in horumarka laga rabo qofka hogaamiyaha ahi ay ku xiran tahay hadba go’aanka uu gaaro, iyo weliba sida uu u kala horumayo.

Bal fiiri qofka beeralayda ah ee isagu isku deyay inuu saxaarad yar ku hayo dhamaan geedihii oo dhan, waxa uu dhaxlayaa oo kaliya inay dhintaan dhamaan geedihii oo dhan haddii uu hal u badbaadana waxaa dhaceysa inuu halkaas ka waayo wixii uu u talaayay ee ahaa inuu miro ka helo. Taas waxaa la mid ah hogaamiyaha isagu raba inuu kaligii uu horumar gaaro oo iska hilmaama wixii loo doortay ee ahaa inuu horumar gaarsiiyo dadkii doortay, waxayna ku danbeyn doontaa inuusan isaguna uusan horumar gaarin oo uu noqdo sidii geedkii kaligii meesha lagu talaalay ee waayay wax bacrimiya si uu u dhalo mirihii laga filaalay.

Balse haddii uu hogaamiyuhu, ogaado in horumarka ay ummaddu gaarto ay tahay mid uu isagu gaaray, oo uu weliba ka shaqeeyo sidii ay u wada horumari lahaayeen dhamaan dadkii isaga xilkaas u dhiibtay, dhamaantoodna ku tilaabsadaan horumarka ay rabaan, waxay noqonaysaa sidii beerta geedka babayga ah, in qof kastaaba uu gaaro miraha uu raadinayay isaga oo aan dhibin qof kale amaba aanan u diidin inuu qofka kalena uu horumar gaaro. Waxaa taas suurta gelin kara waa hogaamiyaha isagu dareensan in horumarka ay dad koobani gaaraan ay abuuri doonto dhiigmiirad iyo isku dul noolaansho loona baahan yahay hogaan qof kasta u sahla sidii uu u horumari lahaa kana ilaaliya ummadda kuwa wax kasta inay isku koobaan raba oo ay ugu horeeyaan kuwa bulshada wax loogu dhiibo oo madaxda looga dhigay.

Waxaannu u baahannahay ma aha hogaamiye runtii aanan garaneynin wixii loo doortay sidii kuwii labaatanka sano ummadda horboodaayay, waxaan kaloon loo baahneyn hogaamiyeyaal iyagu u dhaqma sidii ay u dhaqmi jireen, madaxdii aynu ka dhaxalnay dhibka maanta ummadda heysta, waxaana lagama maarmaan ah inuu hogaamiyuhu ogaado in la isla xisaabtami doono oo aysan jirin doonin in qofi wax kasta ka noqdo meesha loo dhiibo. Maanta waxaa loo baahan yahay hogaamiyaal iyagu bedela boggii burburka iyo isku dul noolaanshaha, keenana jawi ku dhisan wax wada qabsi iyo iskaashi dhab ah oo qof kasta oo Soomaali ah gaarsiiya horumarka uu ku haminaayo.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa hubanti ah inaynnu noqon karno ummad wada bulaasha oo mid walbaahiba gaaro waxa uu hawoodo, waxaase loo baahan yahay hogaamiyaal fahma in hurumarkoodu ku xiran yahay hurumarka ummadda ay hormuudka u yihiin, si taas loo helana waxaa lagama maarmaan ah in qofka hogaanka ummad loogu dhiibaayo noqdaa qof aanan lagu aqoon kaligii noolaad iyo weliba si xun wax ku raadis.

Guul iyo Gobannimo

Cabdixakin C. Casir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

 

 

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: