AF,QALAAD AQOONTU MIYAA?

 

 

W/Q:Sulaymaan Sh. Ismaaciil (Paracetamol)

Qolo walba waxa ay leedahay luuqad u gaar ah oo looga garto dunida inteeda kale taana waa astaan bulshadeedka lagu yaqaano dal kasta, hadaba haddii aynu nahay soomaali waxaan lee nahay luuqad inoo gaar ah oo la yiraado af-soomaali waana mid aan kaga tilmaamanahay umadaha kale waxaana ku hadlayney luuqadaan boqolaal kun oo sano ka hor waxaase inoo duwaan gashan in farta soomaaliga la qoray 1972Kii oo la ogaa dhibka laga soo maray juhdigii lagaliyey si ay dadka u bartaana waxaa la adeegsay xeelado ay ka mid ahaayeen cidii aan fori Karin farta soomaaliga in uu xafiis ka shayneynin shahaado kasta uu wato. Dhiiranaanshaha in aad shaqo heshaana aad ayey u yarayd amaba ma jirinba haddii aadan aqoon u lahayn qorista farta taa waxaa ay ahayd magaalada, miyigana waxaa la geliyay dadaal intaa ka xoogan dad ayaa loo diray miyiga waxaana lagu amraayey in ay bartaan farta qoraalkeeda.

Intaa oo halgan ah maxaa loo maraayey? Wax kale ma ahayne waxaa looga gollahaa in ummadda soomaaliyeed aysan meel cidla’a ah aysan ku soo dhicin oo goor dambe balaayo u talin ileen haddii aadan lahayn sumad qolo ayaa sumad kuula baxayso iyagaana marti u noqoneysaa fartay kuu keenaana waad ku qasban tahay in aad qaadato maadaama aad sumad laawe tahay. Taa waxaa daliil u ah farta qoraalkeeda markii ay socotay qorayaashii midba waxuu u xusul duubaayey in laqaato tan uu isaga qorey si ay taariikhda u xusto laakiin dadaalkaas dadaal ayaa la korsaarey dowladdii jirtay xiligaas ayaa dooqeeda koobaad ka dhigtay in farta aan hada adeegsaneyno la qoro amarkaasna ayadaa bixisay si ay u dhaqan gashana waxaa ay ahayd tacliinta oo idil ayaa la yiri waa in lagu bartaa wax walbana farta soomaaliga ah lagu qoraa waxaana la asteeyey in ay tahay luuqada koobaad tan labaadna waxaa loo boqrey luuqada carabiga ah labo arimood ayaa loogu doortay in ay noqoto tan labaad.

Waa mida koobaade waxaynu nahay dal islaam ah misana ka mid ah jaamacadda carabta, tan labaad luuqadeena inta aan la qorin waxaan isticmaalayney ayadoo af soomaali loo qoraaya waana mida keentay in aan ku hadalno erayo carabi ah oo luuqadeena ka mid noqotay sida saacad, manhaj, tacliin IWM, Halkaan kuma soo koobi karo erayada carabiga ah oo ku dhax milmay luuqadeena afka soomaaliga ah hada xataa waxaa suura gal ah in aad in badan oo erayo carabi ah aad ka heshaan qormadeyda marka sidaa ayey ku mutaysatay in loo aqoonsado luuqada labaad in ay noqoto. Dadka qaarse waxaa isaga qasan luuqad&lahjad, u fiirso may&maxaa tiri ayaa labo luuqadood laga kala dhigay dastuurka uu dalka lee yahayna sidaa ayuu ugu qoran yahay haddii aan qaldaneyn,sow ma wanaagsanayn in aanu dhahno dalka waxuu lee yahay hal luuqad waxaana lagu kala hadlaa labo lahjadood oo la kala yiraado may&maxaa tiri, sidaa ayaa ku wanaagsaneyd, dad ayaa si kale wax u fahmi doona waayo soomaalidu waa ay gocosho dheer tahay ee waan ka afeefanaayaa cidna ku durimaayee macnaha saxda ah ayaa sidaa ah. Aqoon yahaynada sidaa u qorayna aqoon yari kama ahayne qalinka ayaa ka si kaday intaa aan uga gudbo may&maxaa tiri ujeedkayga ma ahayn in aan faaqido labadaan lahjadood mar kalaan ka dhiganeynaa falan qaynteeda.

Luuqaddii intaa oo howl&maskax shiilid laga soo maray waxaa ay ku sii dhacaysaa haadaan dheer oo ay adkaan doonto in laga soo saaro maxaa yeelay waxaa meel kasta qabsaday afaf qalaad haba ugu xoog badnaade luuqada ingiriisiga ah bal eeg aqoon yahaynadeenu marka ay qudbaynaayaan ama ay lahadlaayaan bulshada qaybaheeda kala duwan waxay ku hadlaayaan erayo ingiriis ah sida development=hormarin, information=xog ,advocate=udoodid ,financial=dhaqaale ,report=warbixin, news=war ,investment=maalgashi, erayada madaxada dalka &aqoonyahanadaba ay adeegsadaan intaan waa ay ka badan yihiin yaanan ka tagin erayga loogu hadal haynta badan yahay security=ammni, intaa waxaa kaaga sii daran xafiisyada dowlada waraaqaha ka soo baxa, munaasabadaha, xafladaha, waxaa ku daabacan luuqada ingiriiska tankale ee laga doonaayey dowladu in ay xooga saarto waxaa ay ahayd taarikada gaaadiidka in soomaali laga dhigo maadaama aanu soomaali nahay bal u fiirso waxaa ku qoran Somalia, luuqada carabigana dhinac ayey kaga qoran tahay, meeday luuqadii soomaaliga,maxaa diidaaya in loo qoro soomaaliya taa miyaanan micnaheedu ahayn in soomaaliga meesha laga riixay? Sow taa noqon mayso in luuqada soomaaliga ay noqotay tan sadexaad mar hadii ay ka maqan tahay meesha oo si macnawiyan ah u jirto oo kali ah. Maxaa inoo diidaaya in aan af-soomaali ku qorno si aysan u lumin qoraal ahaan & mid hadalba waayo labada dhinac ayaa burbur kaga socdaa mise waxaan la mid noqoneynaa wadamada ku hadla afafka gumaystayashii sida wadamada Laatiinka Ameerika&qaar ka mid ah Afrika.

Sow cunuga yar markuu soo aqliyeysataba ku soo aqliyeysan maayo aabahii ama hooyadii oo luuqadd kale ku hadlaya misana gaarigiisa ama gaarigeeda oo taarikadiisu tahay Ingiriis, cunugaas sidaa hadii uu ku weynaado sow adiga uma hor seedin in luuqada uu ka jaha wareero birina ku dhaho aabe ama hooyo ciidamadaan ma kuwii security-gaa halka uu kaa dhihi lahaa ma kuwii ammnigaa, misana asagoo dhalada kula daawanaaya in uu ku yiraahdo aabe ama hooyo wasiirkaan ma kii information-kaa arimahaas oo idil marka ay kula soo guboonaadaan sideed u dhadhansaneysaa wiilkaada ama gabadhaada halka mustaqbakooda luuqadeed ay kubiyo shubaneyso waliba asagoon dalka meel kaga bixin.

Dadka aan ka bixin dalka waxaa ay ku eedeeyaan waalidiinta qurbaha ay carruurtoodu ay ku koreen, ma arkaan miyaa kuwa habeen&maalin ay dhagaha ugu shubaayaan luuqadaha qalaad, waayo iskuulka markuu ka yimaado ayuu lee yahay “i tus examination-kii aad gashay” maxaa lagu eedaayaa kuwa ku korey dal shisheeye, soomlidu waxay tiraadaa “Libaaxa takarta saran ma arkee kan kale mida saran ayuu arkaa” marka waxbo yaan midba midka kale hariifine hala is xisaabiyo luuqadeena yaanan ku celinin halkii ay ka timid, af qalaadse aqoontu miyaa?

Madaxda dowlada kow ayagaa mas’uuliyad ka saran tahay in ay ilaaliyaan jiritaanka luuqadeena waana ay og yihiin, qaar ayaga ka mid ah ayaa farta qoraalka soomaaliga ka soo qayb qaatay, waxyaabaha in la ilaaliyaa muhiimka ah waa luuqadda, ciidda & calanka, sadexdaas waa lama taabtaan waana waxa dal astaan u ah. Maah maah ayaa ahayd “Ratiga dambe ratiga hore ayuu saan qaadkiisa lee yhay”. Maahmaah kalena waxey lee dahay “Geed kastaa xaabo gubtaa hoostaalo” ee aan guryaheena hoos u eegno, jiilka soo koraayana luuqada macaanideeda aan dhan dhansiino oo aan hambo wanaagsan kaga tagno.

 

W/Q; Suleymaan Sh Ismaaciil (paracetamol)

Paracatamol5@gmail.com

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: