BAARLAMAANOW BISINKA U QABTA MOOSHINKA.!

 

 

W/Q; Suleymaan Sh. Ismaaciil (paracetamol)

Dalka soomaaliya mudo dheer ayuu qas&qalaan qal qiimahii uu lahaa ku waayey taana waxaa garwadeyn ka ahaa qabyaalad, quursi oo qori ku lamaansanaa waxaana jilayaal ka ahaa qab qablayaal in kastoo wali nagu lamaansan yahay qorigii, waji kasta ha lahaadee intaa ka dib waxaa loo dhaqaaqay dowlad in la unko, dowlad kmg ah ayaa Jabuuti lagu yagleelay waxaa ku xigtay dowlad kale Inbigaati lagu soo dhisay mar kale ayaa dib loo milicsaday Jabuuti labo sano ayaa haysataa ayaa loo sheegay madaxdii xiligaas majaraha u haysay inkasta oo mar dambe hal sano loogu kordhiyey sababtuna waxaa looga golahaa in laga saaro dalka kumeel gaarnimada sanadkaasna waxaa loo bixiyey roud-map, intaan aan soo sheegay waa sheeko aad shaahid&sheeko aad ku haysaan.

Hadabo dulucda qormadayda bilowgeeda aan daaha aan ka qaado, dowladihii kmg ahaa waxaa hareeyey is qab qabsi& muran joogto ahaa oo aaqirkiina mooshino xal looga dhigayey, baarlamanadii xiligaa jiray mooshin ayey ku caan baxeen xataa bulshada waxay bareen waxa la yirahdo mooshin cunuga yar waa yaqaanaa mooshin,marka dhankaas laga eego waa wax wanaagsan in ay bartaan jiilka manta madaxa soo qaadaayo laakiin waxaan wanaagsaneyn in si qaloocan loo baro maxaa yeelay geedka haddii uu weynaado la ma toosin karo, xagashuu ku weynaado ayuu ku duqoobaa sidaana xaal wanaagsan ma ahan umadna laguma hogaamin karo.

Baarlamaanadii na soo marey waxay sheegi jireen in ay matalaan bulshada hadana codkooda maysan u dhago nuglaan jirin oo waxay eegan jireen waxa ay u arkaan in ay dantooda ku jirto,taana waan aragney miraheedii bal dib u yara jaleec taariikhda meeqaa mooshin oo wax dumis ah ayey sameeyeen 5 ra’isul wasaare hadaan qaldaneyn ayey eersanaayaan oo ay mooshin ku rideen ayagoo heli karay tilaab taa ka wanaagsan shacabkana intaa waa ay ka daba qaylinaayeen, dhagahay ka fureysteen siyaasiintuna waa ay dhaliilsanaayeen maxaa yeelay waxay wax ku ridi jireen cadiifad qabiil,nin jeclaysi&igu siyaasad ma ahan.

Siyaasiintu in badan oo qodobadaan ka mid ah waa ay haleeleen waayo mooshinadooda ayaa sidaa u badnaa intaa waxaa u sii dheeraa is qab qabsi dhaxdooda taana waxay galaafatay in 3 af,hayeen baarlamaan&ku xigoonadooda in gacan taag ay ku rideen intaa waxaa u wehliyey hanjabaad gacan ka hadal af lagaado,madaxweynayaashii soo mareyna waa ay saameyneysay xataa laftooda waxaa laga keenay mooshino qal qal ayeyna ku abuurtay howshoodii hortaalay,baarlamaanka laftiisaa waxuu la kala safan jiray maxaweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka & ra’isul wasaaraha, boorsooyin madmadow ayaa la is kugu awood sheeganaayey boorsadii weynaatana waa ay u leexanaayeen, arintaan ayada ah abwaan ayaa ka gabay ka tiriyey waxaan ka soo qaadanaayaa in yar oo kooban waana sidaan.

Wadani fiiro dheer iyo maleh garasho feejigan. Ruux damiir fiyooboo fahmi karo xumaantee, faa’iido qaran iyo wanaag kama filaynee ninkii food ka rabow fadlan lacag ku shubo.Baarlamaanka fooraro fadhiyada iyo doodaha go’aamada ka soo fula farax galiya cadowgee rabi loga fogaado faa’iido qaran iyo wanaag kama filaynee food ninkii karabow fadlan lacag ku shubo.

Gabaygaan waxaa tiriyey milkiyadiisana leh Abwaan Cismaan Guure,waxuuna u tiriyey baarlamaanadii kmg ahaa ee kan ka horeeyey siyaasiintuna sidaa ayey u arkaayeen shacabkuna waa ay ka mara kaceen.

Baarlamaanka hada jira markii la soo unkaayey siyaabo kala duwan ayaa loo dhaliilay, dadka qaar waxaa ay dhaliileen sidii loo soo xulay kuwa kale ayaa ka urinaayey qaar ka mid ahaa baarlamaanadii hore halka kuwa kale ay ku dhaliilaayeen nin lacag kursi ku yimid cida uu wax ka maqli doono laakiin dad kale ayaa saadaal wanaagsan ka bixinaayey taana waxay saldhig uga dhigaayeen baarlamaanka oo kmg aan ahayn,ogaana ciladihii uu lahaa baarlamaanadii ka horeeyey & turaan turooyinkii tiirsiga adag u diiday,waxaa kale oo saadaasha mugeedu uu ahaa in uu hogaan wanaagsan oo sharciyaqaan ah uu yeeshay,anigu qudheedu tan dambe ayaan rajo ka qabay oo waxaan lahaa hadaa tubtii toosaneyd cagta la saaray.

Warkii hore war soo dhaaf, saadaal kastaana saadaal ayaa ka daba timid, saan orooryaad dib looma raaco ayaa hadalku noqday, maxaa yeelay mar qura ayaa waxaa aqalka baarlamaanka ka soo yeertay mooshin ayaa yaalo oo la doonaaya xukumada in hawada laga qariyo xubno 80 kor u dhaafaaya ayaa soo diyaariyey shacabkuse arintaas waxay u haysteen warar been abuur ah tuhuna waa ay qabeen dal&dibadna tuhunkaas waa uu saameeyey waxayse wax kala cadaadeen markii la maqlay xubno baarlamaaka ka tirsan oo arinta shaaca ka qaaday, mudane Jawaari ayaa sii shaaciyey oo sheegay in ay soo buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa & goorta uu dhacaaya mooshinka waa 22ka May ayuu ka hor sheegay baarlamaanka & war baahinta yaab & amakaag ayaa ka soo haray shacabka, siyaasiin,culumaa’udiin, oyadaayaal, wax garad & aqoon yahano afkaa la wada furtay meel kasta oo la iskugu yimaado waxaa ku xardhanaa mooshin micnaha labadii qof ee kulanta mooshin ayey ka hadlaayaan, tallow halkee loo socdaa, geedigu halkee la doonaayaa in lagu furo maxaase lagu haystaa xukumadaan cardunka ah oo lix bilooad cimrigeedu yahay,wax kale ma ahee waxaa jira damac kursi, cadiifad siyaasadeed & anagaa noola dan lee yahay.

Xukumadaan waxay eersatay ayaa la lee yahay safaradii mudane Saacid ay ku kale bixinaayeen gobalada dalka& taliyayaashii kala badalka ku dhacay aan sii jilciyee safarada gobalada ka dib ayuu sheegay in uu tagay gobalada dalka oo idil marka laga reebo meelo aan daruufaha u saamaxayn in ay tagaan, hadalkaas waxaa ka carooday Dowlad gobaleedka Qaatumo, ra’isul wasaaraha waa uu tagi laahaa Qaatumo laakiin wax badan ayuu xeerinaayey maxaa yeelay waxaa buuq kala dhaxeeyaa maamulka soomaaliland Liin&Caano waa la kale lee xiyaa si siyaasadaysana wuu u yiri waxuuna yiri gobalada ay daruufaha inoo diideen ma ahee waan wada booqaney, waxaa arintaas baasiin ku sii shubay xilka ka qaadistii lagu sameeyey taliyihii booliiska haddii laga qaadayse waxay quudareynaayeen in mid ku hayb ah loo magacaabo taana ma dhicin,markaas ayaa xukumada laga daba qaatay waxaa intaas oo idil sii xoojiyey qilaafkii xukumada&maamulkii kmg ahaa ee kismaayo soo kala dhex galay oo ay mowqif adag ka istaagtay baarlamaanka ayaana ku kala qaybsamay oo xukumada & maamulkaas la kala saftay kaaga siidarane dowlad gobaleedka Puntland ayaa u sii kabo galisay, Jubooyinka waa ay mataaneysay 5madaxweyne ayey yeelatay midka mid ah Puntland waa ay taageertay dowladuna waa ay cambaareysay waxii halkaa ka dhacay.

Xukumadu waxaa lagu eedeeyey wax qabad la’aan waa yaabe xukumad curdun ah lixbilood jirta oo wax la taban kara arimaha dibada wax ka qabatay soona da dajisay in halsano cuna qabatayn laga qaado dalka,dalalkii wada shaqaynta mudada dheer hakadka ku jirtayna dib loo bilaabay taas oo ka dhalatay in safaarado dhowr ah laga furay dalka,waxaan kale oo aan og nahay in 54 dowladood&haayado caalami ah ingiriiska in la iskugu keenay oo 200 malyan in ka badan loogu yaboohay shirar kaas la xariirana waa lagu balansan yahay, gobaladii ay tagtayna waa la la dhacasaa howsha ay hayso,maamulidii hawada ee 22 sano gacanta QM ugu jirtay ayey xukumada ku guuleysatay in ay soo ceshato intaas oo idil miyeysan ku imaan wax qabad & aaminaad la aaminey xukumada,waa ay jiraan wax yaabo badan oo looga baahnaa in ay qabato oo aysan qaban waxayna u baahan tahay in waqti la siiyo oo arintu yaanan laga dhigin Geela gal oo garoor ka keen.

Xubno baarlamaanka katirsan ayaa war baahinta hadalo han jabaad ah marinaayey mar ay ka hadlaayeen kulan qado ah oo laga hor istaagay hotel ay ku lahaayeen “haddii aynu mas’uuliyiinta sare arintaa raali gareyn ka bixin waxii dhaca waa la ogaan doonaa,waxaana dib loogu laaban doonaa halkii shalay laga yimid”sidaa xildhibaanada leh maxaa lagu tilmaami karaa?ma waxaa la doonaayaa in nagula celiyo qori caaradiis & burbur hor leh? soomaalidu waxay tiraahdaa “hasha qalowga ma aragtee qowday maqashaa”, baarlamaanow waxa indiin muuqda waxaa ka wayn oo ka balaaran halka geediga loo yahay codka shacabkana maqla oo u dhago nuglaada ayagaad ku abaalsheekataane,taariikhduna ayadaa is qortee ayeysan idin qorin oo yaanan la idin ku xaman qabiil,qaran dumus & nin jeclaysi, waxaa ina wada deeqa waa qaran qiimo kasta oo aan dooneyno asagaan ku gaareynaa,maxaadse kaga duwan tihiin baarlamaanadii indin ka horeeyey oo mooshinada badnaa? Aaway saadaashii wacnayd ee la idin ka bixiyey miyaad ilowdeen dhaartii aad ku dhaarateen? Miyaadan idiin muuqan muuqaalka wanaagsan ee shacabkaan daalan u muuqda? waxaad tiraahdaan waan la xisaabtameynaa mas’uul kasta ,horta adinka yaa idin la xisaabtamaaya?.

Baarlamaanow bisinka u qabta mooshinka oo mooshinkiina ha noqdo mid wax lagu saxo ee yuusan noqon mid wax dumiya, hanka shacabkuna dabeesha ha raacinina, koley halka bulshadaan ay dooneysa ayey arintu ku dhamaandoontaaye, isxisaabiya inta aan la is xisaabin xiisaha la idiin qabana aysan dhicin, ogaada in ay jiraan xildhibaano waxaad wadaan ka dhiidhiinaaya oo la safan shacabka daarta aad ku jirtaan gacantooda ku dhisay.

Xukumadaan waxay u badan tahay in ay ka badbado mooshinkaan haddiise ay waranka la helaan sheekadu waa hada iyo kow & sanad dib u dhac ah dunidana waa ay ka aamin baxaysaa soomaalida ee yaanan la idin eersan.

 W/Q; Suleymaan Sh Ismaaciil (paracetamol)

Paracatamol5@gmail.com

http://www.codkashacabka.wordpress.com 

 

 

 

 

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: