Baroor Diiqda Soomaaliyeed, ee ku aadan falalka guracan fooshana xun ee ka dhaca Dalka South Africa.

Xigasho, Allbanaadir

Kooxda Soomaaliyeed ee Qaylo-dhaan oo hees Cusub oo fariin ah u diray koonfur africa(Daawo Muuqaal+Errayada Heesta)

Iyadoo baryahaan uu jiray kacdoon xoogan oo ay wadeen guud ahaan umada Sooomaaliyeed kaasoo looga soohorjeeday tacadiyada waxashnimada ah ee loogeesto Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Africa gaar ahaan falkii laga wadanaxay dilkii foosha xumaa wiilkii soomaaliyeed ee dharaarta cad Dhagaxa lagu dilay.

Dhagax ku dilistii Axmed Cabdi Good waxa aay aheyd dhacdo xanuunbadan oo quluubta umada Soomaaliyeed wada taabatay, si guudna ay ummadu uga sameeysay kacdoon xoogan oo aan loo kala harin

Dhacdadaas laga argagaxay kadib waxaa Kooxda wadaniyiinta Soomaaliyeed ee qaylo-dhaan soogaaray Codsiyo iyo fariimo uga imaanayay dadka Soomaaliyeed ee ka muraala dilaacay falkii foosha xumaa ee la gula kacay mid kamida awlaada Soomaaliyed ee sida xun loogu dilay wadanka Koonfur Africa, in ay kooxdu wax ka tiraahdo arintaas

Kooxda Wadaniyiinta Soomaaliyeed qaylo-dhaan oo looga bartay inay markasta iyo xili kasta garab istaagaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa isla markiiba seefta galka kala baxay oo sooqaaday hees baroordiiq ah oo la magac baxday KOONFUR AFRIKOOW, heesaan oo aaysan u kala harin abwaanada , fanaaniinta , iyo mulaxamiistayaasha

Kooxda Qaylodhaan ayaa xanbaansan fariin loo dirayo koonfur Africa abaal sheegasho loo abaal sheeganayo markii gumeestihii cadaanka ahaa haystay koonfur Africa sidii Soomaaliya ugu garab istaagtay wadankaas siduu Xornimo u gaari lahaa oo uga xoroobi lahaa gumeestihii haystay hasse ahaatee koonfur Africa sidii abaal loogu galay inay gudaan daaye qur-gooyo iyo gubitaan ayeey ugu abaalgudeen Umada Soomaaliyeed .

Gebbo iyo gunaanad aan idin kala dhex baxo heestii qiirada badneed aay ku luuqeeynayeen Kooxda qaylo-dhaan.

Waa erayadii Abwaan Cadiraxmaan Macalin Xasan Dhug-dhugle, muusigii Al-ustaad maxamed karaama, codadkii: Xuseen ShireJaamac, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Gaas,Fowsiya Fanka iyo Jooqle shire .

‘’Errayada Heesta’’

Baydka 1aad Xuseen Shire Jaamac
Inaan isku midab nahoo,
Africa wada sheeganoo,
ehelka kuwaan moodeynoo,
Annagu ehel moodeynoo,
ilmihii naga laayayow,
ubadkii naga laayayow,
iticmaarkii cadaa,
ayaantuu idin heysan jiray,
aad bey noo gubi jirtoo,
abaal baan idiin galnee,
Caqliga laga qaadyayow,
idinku koonfur afrikaay
,umishii foosha kulul,
ilowday miyaad tihiin?

Baydka 2aad Abiraxmaan Gaas
:Ummaddii u barakacdoo,
aafado ay daashatoo,
ildaran kuwa baaba’show,
ableyda nala dhacaee,
asxaan noo falininow,
aduunkaan wadanay iyo,
agabkii naga dhacee, a
qaladii nagu gubee,
sidii eyda noo cunow,
Islaanimiyo kuwaan ,
Illahay aqooninow,
axadna aan dhaafinow,
umulihii dooxayow.

Baydka 3aad F.Fanka.:
Intaad ruux naga disheen,
agooimiseen dad badan,
asaay saarteen haween,
idinku saarteen haween,
ayaan la iloobi Karin,
abidkeen iloobi Karin,
annagu amakaagnayoo,
af-labadiis yeernayoo,
uurkeena waxaan ka go’eyn,
sidii Axmed loo dilee,
aduunkoo idil ayaa,
argagaxoo yaabayoo ,
arrimiihii aad fasheen ,
UNTu wey ogtahay,
arimihii aad fasheen
Amnesty wey ogtahay.

Baydka 4aad Jooqle Shire:
Annaga oo dawladoo,
awood iyo ciidan loo,
Africa u horeynaybaa,
isleynay dhexdeena oo,
Ibleys isku keen diree,
ayaan daradaan dhacdiyo,
Orgobe(dad khalad) inuu na cuno,
annagaa isu geysanee,
ogaada Soomaaliyey,
eedaba annaga lahoo,
arligeenii soo gubnoo,
arxanba duulaan laheyn,
irsaaqad u raadsanee,
arxanba dadaan laheyn, i
rsaaqad u doonanee,
arrimiihii aad fashhen,
UNTu wey ogtahay,
arrimihii aad fasheen ,
aduunyadu wey ogtahay,
arrimihii aad fasheen,
Amnesty wey ogtahay,
arrimihii aad fasheen,
Africa wey ogtahay,
arrimihii aad fasheen,
soomaalidu wey ogtahay,
arimihii aad fasheen
aduunyadu wey ogtahay

Waxaa dhawaan lasoo saarayaa clibka heesta hadii alle idmo.

Cabdifitaax Dhaadeey
London-UK
Shabkadda Allbanaadir.com
Allbanaadir@live.co

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: