Ma Bisaylka Shacabka Soomaaliyeed ayaa isbedelka sabab u ah?

Waxaa laga yaabaa in akhriste is yiraahdo, qoraagu muxuu ka sheekeynayaa! Xaggeese uu isbedelka uu sheegaayo ku arkay? Runtii lama yaabaayo haddii aad sidaas u fikirto waayo waxa noo dhimani wax yar ma aha oo waxa aan heysanno iyo waxa naga maqan waa kaaf iyo kala dheeri. Waxaase haboon mar kasta inaan fiirinno meesha ay wax noo maraayaan. Waxaan kaloon rabaa inaan tilmaamo in mararka qaarkood ay nagu badan tahay ka hadalka dhibaataayinka jira iyada oo la hilmaamo haba yaraatee horumarka jira.

Waxaan rabaa inaan idinla wadaago sheeko yar oo aan la kulmay maalin dhoweyto aniga oo maraya waddada caasimadda Soomaaliya ugu dadka badan uguna quruxda badan oo maanta iyadu heysata nalal iyo weliba jid qurux badan oo indhahaada soo jiidanaaya. Hareeraha jidkana ay indhahaadu la wareerayaan dhismooyinka iyo weliba dukaamada quruxda badan ee meel kasta laga furay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →