Madaxaa Maraysee Meesha (wadada) ka Leexo!

ImageWaxaa hubanti ah in oraahdani aysan aheyn mid si gooni ah u qusaysa magaalo gooni ah oo Soomaaliya ku taala ayna badanaa  dhacaan ama la arko ficillo ka tarjumaaya oraahdaan, balse su’aasha ka imaanaysa waxa ay tahay: Yaa iyaga (Madaxda) gooni u siiyay wadada?

Waxaanan muran ka taagneyn inay jiraan nabad gelyo xumo keeni karta inay madaxdu u arkaan inaysan kala garanaynin qofkii dhibanaha ahaa iyo kii dhibka waday oo si ay dhibaato uga hortagaan ay isku dayayaan inay ka fogaadaan dadka oo dhan oo ay meel kasta oo ay tegayaan ay noqoto meel aan qof kasta loo ogolayn oo xattaa marka ay wadada marayaan la yiraahdo dadka shacabka ah “ meeshaan ha istaagin ee horay u soco” iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Waxaa kaloon muran laheyn in wax badan oo ay sameynayaan ciidamada ama dadka la shaqeeya madaxda in madaxda naftirkoodu aysan raali ka aheyn, oo ay tahay ka badbadis.

Oraahdani ma aha mid sahlan oo waa ay xambaarsan tahay fahan runtii haddii ay sii socoto dheerayn kara kalsoonida shacabku ay ku qabaan madaxda dalka. Waxaa hubanti ah in dad badan gocanayaan marka la yiraahdo meesha ka leexda oo ay weliba is weydiinayaan su’aasha ah: Yaa madaxda gooni u siiyay meeshaan ama wadadaan?

Tusaale ahaan, waxaa maalmo ka hor la xiray wadada halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, oo waxa ay xirneyd in ka  badan afar saacadood. Laga soo billaabo garoonka diyaaradaha illaa laga tago madaxtooyada waxaa laga mamnuucay inuu baabuur maro, wado kastaana oo soo gasha wadadaasna  waxaa la dhigay rag boolis ah oo iyagu ilaalo ka hayey una diidaayay dadka raba inay soo galaan wadada Makka Almukarrama.

Iyagoo lala yaaban yahay sababta loo xiray wadadaas oo dadka oo dhan ay lugeynayaan oo weliba ay ku jiraan dad waayeello ah oo si cod sare ah u leh maxey u diideen in wadanaan la isticmaalo? Iyo weliba arday badan oo laga yaabo inay xisado lahaayeen subaxnimadii ayaa dhamaan lugeynaya wadada iyagoo kor iyo hoos u socday, ayaa waxaa markii ay aheyd tobankii subaxnimo, wadada xagga garoonka diyaaradaha ka yimid baabuur madow ah oo ay badanaa ku socdaan madaxda dalka, oo ay dhinacyo socdaaan ciidamada koofi guduudka iyo kuwa Amison. Markii ay mareen ayaa dib waxaa u furmay wadadii oo ay baabuurta shacabka ahi dib u billaabeen inay isticmaalaan wadaas.

Waa iga su’aale suurta gal ma aha miyaa in wadada la isticmaalo iyada oo ay shacabkuna isticmaalayaan? Waa yaabe yaa la xukumayaa haddii laga dhowrsanayo kuwii xilka loo haayay? Waxaa igu soo dhacay qeyb ka mid ah buugga Fixing Failed State, oo ka hadlaysay sida ay u kala fogyihiin dadka Africa iyo madaxdooda , wuxuuna sheegay qoraagaasi in dhamaantood ay ku xirxiran yihiin dhismooyin waaweyn markii ay dalalkooda joogaan, oo aysan fursad u helaynin inay si xuriyad ah u dhex damaashaadaan dalkooda. Waxa uuna sheegay marka kaliya oo madaxda Afrikaanka ahi ay xuriyad helaan ay tahay marka ay shirarka u yimaadaan wadamada Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka qaasatan shirarka UNka. Haddii ay Afrika sidaas tahay maxaad ka malaynaysaa Soomaaliya. Waxaanse qabaa inaysan taasi marmarsiiyo u noqon Karin qaababka foosha xun oo ay madaxdu ula dhaqmayso dadkooda. Ma garanaayo sida ay madaxdaani u abuuri karaan kalsooni iyo weliba sida ay dadkooda u soo jiidan karaan haddii ay sidaan ku wadaan.

Haddii aan idiinku sii daro sheekadaas sheeko kale oo aan maalin dhoweyto la kulmay, ayaan waxaan joogay mid ka mid ah xafiisyada magaalada Muqdisho ugu mashquulka badan oo badanaa maalin kasta ay isugu yimaadaan Soomaali aad u badan oo iyagu dano kala duwan inay ka fushadaan xafiiskaas u yimaada, runtiina baahi badan u qaba howlaha ka socda xafiiskaas. Waxey aheyd qiyaastii 12kii duhurnimo oo badanaa dadku weli si weyn ayey u dhex socdaan xafiisyada. Markaan soo galay ayaan maalintaas waxaan arkay wax ka duwan waxaan arki jiray oo waxaan la kulmay askar badan oo taagan meeshii xafiisyada laga geli jiray. Markaan is iri horay u gudub ayaa nin askarta ka mid ah igu yiri “inta ay madaxdu ka soo baxeyso bannaanka joog oo taagnow” waan yaabay maxaa maanta isbedlay ayaan is iri. Laakiin sida caadiga ah badanaa haddii askari kula hadlo waxa uu kuu sheego su’aal lagama keeno laakiin maalintaas waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado sababta la iigu diidaayo inaan galo xafiiskaas si aan howlaha aan ka rabo uga soo qabsado. Markaas ayan weydiiyay qof shacab ah oo sideyda oo kale loo diiday inuu galo xafiiska. Waxawna igu yiri “madaxii xarunta ayaa xafiisyada ku jira!” Qiyaastii horin shacab ah ayaa meesha taagnaa iyo raxan askar ah oo ahaa kuwii waardiyaha u ahaa madaxa xarunta aan markaas joogay.

Runtii aad ayaan uga xumaaday waxaana isweydiiyay, si aan xafiiskaan u soo galo waxaan soo maray dhorw baaritaan oo wax kasta oo aan waday waa la soo baaray, taasi ma siin weyday kalsooni qofka madaxda ka ah xaruntaan aadka ugu muhiimka ah bulshada Muqdisho? Waxey iila muuqatay in ninkasta oo jago loo dhiibaba uu dadka ku sii tumanayo sidii ay hogaamiye kooxeedyadu shacabka ugu tuman jireen.

Markaad aad ugu fiirsato dhaqanada aan kor ku soo sheegay oo ay sameynayaa dadka madaxda dalka ka ahi miyeysan ku tuseynin inaysan madaxdani diyaar u aheyn inay kasbadaan kalsoonida dadka ay madaxda u yihiin? Goorma waa yaabe, ayey madaxdani awood u yeelanayaan inay dadkooda dexgalaan una adeegaan maadaama xilalka ay hayaan ay yihiin kuwo ay ummada ay cadaabayaan kala dexeeya oo aysan xafiisyada iyo laamiyadu aheyn kuwo ay iyagu si gaar ah u lee yihiin.

Waxaan hubaa in loo baahanyahay isbedel ku yimaada fikirka iyo qaabka ay madaxdu ula dhaqmayaan dadka ay maaxda u yihiin. Waxaa loo baahan yahay madax fahansan in isku tumashadu ay dhasay burburka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dhigay sida ay yihiin.  Haddii la waayo madax fahansan dhibaatada ay bulshada ku hayaan waxna ka bedeli waayaan hab dhaqanka guracan ee ku dhisan kaligii wiilnimada, waxaa soo noqnoqon doonta dhibaatooyinka aan maalin kasta ka cataabeyno oo ka jira dhamaan dhulka Soomaaliyeed meel kasta oo aad ka tagto.

Waxaan rajeynayaa in madaxda maanta ay ku tusaalo qaadaan madaxdii iyaga ka horeysay iyo weliba wixii ay dhaxleen markii ay xushmeyn waayeen dadkooda. Waxaan kaloon rajeynayaa in bulshadu dareemaan oo aysan u dulqaadan ku tumashada xuquuqdooda iyo weliba sharaftooda oo ay weliba ka dhiidhiyaan una sheegaan madaxdooda waxa aan iyaga xaqqa loogu la heyn sidaasna madaxda lagu saxo marka ay dadka ku tumanayaan. Haddiise sidaan lagu fiirsado madaxdani waxa ay isu bedeli doonaan kuwii aannu horay u aragnay iyo kuwo ka sii xun.

Codka shacabka Soomaaliyeed

Mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com  

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: