Qorax jooga i sii oo ii dedeji aan howsha kuu dhameeyee!

Dekedda MuqdishoWaxaa laga yaabaa qaar badan oo ka tirsan akhristayaasha inuu ku cusub yahay erayga qorax jooga, waase eray ay wada fahmayaan dadka ay howluhu ka galaan xarumaha dowladda oo iyagu weydiista in loo qabto shaqo ay aheyd dadka shaqaalaha ahi inay qabtaan, waayo shaqadaas ayay mushaarka ku qaataan. Eraygani waa lacag i sii ama laaluush i sii oo la maldahay laakiin aan lagaala xishooneynin weydiintiisa, oo qofka shaqaalaha dowladda ahi umaba heysto inuu wax denbiya ah uuba galayo marka uu ku weydiinaayo qorax jooga. Taas macnaheeda ma aha inuu qof kasta oo dowladda u shaqeeyo uu sidaas yahay, balse waxaan rabaa inaan halkaan idiinkugu soo gudbiyo dhacdo iga yaabisay oo ku dhacday nin saaxiibkey ah oo isagu alaab kala soo degay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sida caadada ah dekeddu wey buuxdaa maalin kasta oo dad badan ayaa u soo shaqo taga qaar bandanna alaabo ayey kala soo baxaan, balse maalin kasta wax cusub ama amar cusub oo aadan horay u ogeyn ayaad arkeysaa ayuu hadalkiisa ku billaabay. Maalintanise waxey aheyd maalin runtii aan is lahaa wax kasta si fudud ayaad ku soo dhameysaneysaa. Waxaase ugu horeyntiiba aan la kulmay iyadoo suxabnimadiiba dadka loo diidaayo inay dekedda galaan, markaasbaan la soo baxay warqadihii aan alaabta kula soo degeyay, waxaana la igu yiri gudub mana garanayo sababta ay dadku meesha u buuxeen.

Waan gudbay oo waxaan gudaha u galay xarumahii maamulka dekedda iyo halkii canshuuraha laga bixinayay. Warqadihii si fudud ayey iigu soo dhamaadeen oo waxaan u baxay halkii uu yaallay konteenarkii ay alaabtu iigu jirtay, waxaana ila socday nin shaqaale ah oo la igu soo daray oo uu xafiisku igu soo daray si loo hubiyo waxa aan sheegaayo iyo alaabta konteenarka ku jirta inay is lee yihiin, oo badanaa waxa warqadda markabku soo qoray oo sheegeysa waxa konteenarka ku jiro lama aamino illaa uu qofkaani ka soo sheego. Markii uu ninkii shaqaalaha ahaa meesha ila tegay waxa uu raadiyay nin kale oo shaqaale ah oo isagu masuul ka ah furutaanka konteenarada, markaas buu ninkii shaqaalaha ahaa ee horay la iigu soo daray u sheegay inaan rabo in la ii furo konteenarkeyga, markas ayuu waxa uu noogu jawaabay howl badan ayaa iga dhacda ee duhurka ka dib igu soo noqda. Waxa uu intaas iigu daray hebelna hala raadiyo oo la aantiis lama furaayo konteenarka. Ninkii shaqaalaha ahaa ee xafiisyada iga soo raacay ayaa inta uu geys ii bixiyay igu yiri saaxiib waqtiga hanaga qaadin nimanku howsha ha kuu qabtaanee qorax joogooda sii, waa sidaas sida meeshaan looga shaqestee! Maxaad ka wadaa ayaan ku celiyay, markaas ayuu iigu jawaabay inaanan alaabteydu baxeynin inta aan rabo in aan aniga oon wax dhiibin inaan meesha ka baxo. Waxa uu iigu daray ayuu yiri saaxiibkey, dadku ma adigey kuu shaqeeyaan war lacagta iska dhiib haddii kale halkaan qoraxa ayaa kuugu dhacaaya adoon alaabtaada laguu furin.

Aad buu saaxiibkey ula yaabay dhaqankaas wuuna u qaadan waayay oo waxa uu dekedda ka aaminsanaa iyo waxa uu la kulmay ayaa aad u kala fogaaday.Markey xaajo ku cadaatay ayuu ninkii ku yiri saaxiib wax ila xali waqtiga yuusan saan iiga dhicine. Waxa uuna xalka ugu sheegay inuu nimankaan iska af garto. Saaxiibkey wuu ogolaaday inuu nimankii la xaajoodo oo waxaa loo geeyay nimankii, markaas ayuu ninkii la socday ku yiri nimankii ay dekedda iskala shaqeynayeen “war ninkaan shaqada ha loo qabto oo QORAX joogana wuu ogol yahaye ha laga qaato” isla markiiba waxaa la i weydiiyay inta aa ogolahay waayo bey yiraahdeen annagu intaas ayaannu wax ku qabannaa, ee adigu wax noo garo. Waa cajiib, oo waaba gorgortan aan la isu naxariisaneynin, waxaan kula heshiiyay in aan dhiibo toban doolar oo howshii ay iyagu u xilsaarnaayeen ii qabtaan. Isla markiiba waxaa isagana lacagtii oo kale i weydiiyay ninkii shaqaalaha ahaa oo isaguna xafiiska iga soo raacay, oo iasaguna igu yiri “bal anigana i garo”. Dhowr iyo toban meel ayaan lacagtaas oo kale aan ku bixiyay si la iigu qabto howshii ay shaqaalaha dekeddu ku qaadanayeen mushaaraadka.

Waxaase iigu yaab badnaa askeri taraafiko ah oo iridda taagnaa ayaa markii aan alaabta la soo baxayay, igu yiri istaag oo halkaas ha ka dhaqaaqin. Markaas ayaan darawalkii baabuurka ku iri maxaa dhacay sow annagu warqadaheenna ma sidanno oo wax kasta sooma dhiibin? Muxuu askerigani  noogu diidayaa inaan baxno?  Waxa uu darawalkii iigu jawaabay, illaa iyagana lacag la siiyo halkaan lagama baxaayo. Sababta aan lacagta aan u siinaayo maxey tahay ayaan weydiiyay, wuxuuna iigu jawaabay, fiiri qok kasta iyaga ayey lacag siinayaan. Waa yaab, baabuurkii ayaan ka degay oo waxaan u tegay ninkii taraafikada ahaa. Waxaan ku iri: taliye waxaan soo bixiyay wax allaale iyo wixii la iga rabay oo waa kanaa warqadaheyga, miyaanan xaq u laheyn inaan baxo? Wuxuu iigu jawaabay “saaxiib lacag baa, lacag baa lagaa rabaa” oo maxey tahay baan ku celiyay? Waxa uuna iigu jawaab waa lacagta qorax jooga. Waxaan ku iri, aan ku siiye warqad ma ii goneysaa? Haa waa laguu goynayaa laakiin waa sedex jibaar haddii warqad laguu qoraayo. Intaan naxay ayuu yiri saaxiibkey, waxaadu waa xoog balse waxaan kuu sheegayaa inaanan raali ka aheyn lacagta aad iga qaadeyso ayna xaq darro tahay, oo aanan anigu raali ka aheyn. Waxa uu askerigii taraafikada ahaa iigu jawaabay “ama xaq ha ahaato ama xaq darro ha ahaato lacagta diib yeysan qoraxdu halkaan kuugu dhicine” anoo yaaban ayaan is iri buu yiri saaxiibkey “ war yaa looga dacwoodaa waxaan iska cosda oo keen uun ku haya” anoo yaaban baan todobo doolar siiyay ninkii taraafikada ahaa oo aan teleefan uu watay ugu riday anoo isticmaalaya EVCda lacagta lagu kala qaado, markaas ka dib ayaa la ii fasaxay inaan alaabteyda la soo baxo anoo dhakafaarsan, wuxuuna saaxiibkey ku cataabay waxaa la ii qaatay inaan intaas oo lacag ah aan dowladda qasnaddeeda ku shubu si shaqadeyda la iigu qabto si xushmad leh oo igu dhiira gelisa inaan mar kasta dekedaan wax kala soo dego.

Akhristow sida aad aragteen dhibka ummadda heysta wuu ka badan yahay midka muuqda ee maalin kasta hortaada ka dhacaya, waase wax aan aaminsanahy in wax laga qaban karo haddii sidey tahay looga howl galo oo weliba madaxda heyadaha qaranku ay iyagu si toos ah isugu dayaan inay wax uga qabtaan tacadiyada ummadda lagu hayo. Waxaan saaxiibkey ku raacsanahay in lacagaha laaluushka ama qorax jooga ay u qaadanayaa inta tirada yare ee ka tirsan tusaalo ahaan shaqaalaha dekedda waa in lagu bedelaa in lacagtaas ay nooqoto mid dowladdala siiyo dowladduna ay lacagtaas u isticmaasho sidii ay uga hortegi laheyd laaluushka iyadoo shaqaale kasta siineysa mushaar ku filan marka loo fiiriyo darajada uu ku shaqeeyo iyo weliba xilka uu ummadda u hayo. Haddii aan saas la yeelin lacago badan oo shaqsi hunguri weyne ah jeebkiisa ku dhacaya oo ummaddana aan waxba ku soo celineynin ayaa jiri doona waana qofkaas qofka loo baahan yahay in lala xisaabtamo oo ummadda laga qabto si loo abuuro maamul ay muwaadiniintu ku kalsoon yihiin.

Waxaan hubaa in wax weyn laga qaban karo musuqmaasuqa iyo weliba si xun wax u raadiska dilooday xarumaha dowladda qaar ka mid ah waana in maamulku uusan iska indha tirin una diyaar garoobo wax ka qabadka arrimaha la midka ah midda saaxiibkey uu ka sheekeeyay. Waa in la helaa jiil shaqaale cusub ah oo sidii loo dhaqmi jirin si ka fiican ula dhaqma ummadda ay u adeegayaan.

Abdihakin

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: