Wasaaradda Maaliyaddu Ma Federaalbaa mise Muqdisho kaliya ayey Wasaarad u tahay?(Xaqiiq badan Ogow)

Xigasho: Allbanaadir

Waxaa la yaab leh qaabka ay dowladda federaalka ahi ay maamullada dalka ka jira oo ah, kuwa ay dowladdu magacawday iyo kuwa iskood isu maamula ay u maamulayso iyada oo ay magaca ay wadato ay tahay wasaarad federal ah. Waxaan rabaa inaan si gooni ah aan maqaalkaan ugu fiirinno qaabka ay wasaaraada maaliyaddu uga shaqeyso dalka.

Waxeysan doodi ka taagneyn in dowladda nooca la isku qasbay oo aysan ummaddu dooran ay tahay dowlad federal ah oo weliba dastuurka ku meel gaarka ah ee la dhaqan geliyay 1dii bishii sideedaad ee 2012, qeexayo qaab dowladeedkaas, ayaan haddana laga doodeynin inay wax badan ka dhiman yihiin oo ay u baahan yihiin in wax laga qabto. Balse aan labo midkood isku raacno oo yaanan la isku qaldin. In dowladani tahay mid dhexe oo sidii maamulkii Siyaad Barre ku dhisan ama mid federal ah oo ka duwan kii Siyaad Barre. Haddii labada nooc maamul la isku qaldo waxaan soo baxaya waxaan ku aragnay magaalada muqdisho oo aan ka jirin magaalooyinka kale ee dalka.

Wasaaaradda maaliyadda federaalka ahi waxa ay aheyd inay dalka Soomaaliya oo dhan u noqoto, wasaarad, waxeyse ka shaqeysaa oo kaliya magaalada Muqdisho, waayo maamulkeeda kama shaqeeyo gobollada dalka oo dhan, sida maamullada iskood isu maamula ee waqooyi bari, waqooyi galbeed, kan kismaanyo iyo gedo iyo weliba kuwa dowladdu magacawday ee aan aheyn kan Muqdisho. Magaalada Muqdishose wasaaraddu waxa ay xafiisyo ku lee dahay meel kasta oo ay dhowladdii Siyaad Barre ay xafiis ku laheyd. Marka wasaaraddani ma wasaarad federal ahbaa mise waa wasaarad u qaabeysan sidii maamulkii Siyaad Barre oo ka shaqeysa oo kaliya gobolka Banadir.

Hadaba haddii ay wasaaraddani u shaqeyneyso qaabkii dowladdii Siyaad Barre, dalkana la rabo in laga dhaqan geliyo maamul baahsan, oo uu gobolka Banaadir lee yahay awoodo u gaar ah, oo uu lee yahay xafiis maaliyadeed, sidey tahay inay labadaan maamul oo kala ah kan wasaaradda iyo kan gobolka Banaadir isula shaqeeyaan? Miyeysanna xaq aheyn in maamulka maaliydda gobolka Banaadir loo daayo maamulka maaliyadda ee gobolka Banaadir maadaama aysan jirin meel kale oo ay wasaaraddani uga howl geli karto amaba ay wax ka qaban karto? Ma xaqbaa in wasaaraddani ay qaado canshuuro illaa heer degmo ah oo ay weliba si toos ah ula fal gasho degmooyinka gobolka Banaadir iyada oo aan wax ogeysiin ah aanan soo siin maamulka gobolka Banaadir?

Dhibaatada ugu weyn ee heysata dadka degan gobolka Banaadir waxa ay tahay, inaysanba garaneynin cidda maamusha magaalada Muqdisho iyo weliba maamulka ay awaamiirtiisa fuliyaan. Waxaan kaloon aragnay arin la yaab leh oo qatar ku ah mustaqbalka dekedda Muqdisho oo runtii u baahan in dareen gooni ah loo yeesho. Tusaale ahaan waxaan la hadlay oo aan arinkaan ka wareystay ganacsade degan magaalada kismaanyo asal ahaanna magaalada Muqdisho ka yimid oo Kismaanyo u jooga oo kaliya arrimo ganacsi, waxa uu ii sheegay in canshuuraha ay wasaaradda maaliyadda ay ku soo rogtay gobolka banaadir, qaasatan dekedda Muqdisho darteed ay ganacsato badan ay alaabtooda kala soo degaan dekedo kale ee dalka ku yaalla. Waxa uuna iigu soo daray, baaruubka dekedda Kismaanyo laga soo dejiyo ee Dubay ka yimaada iyo kan dekedda Muqdisho laga soo dejiyo oo isla magaaladaas la soo raray, marka ay Muqdisho isugu yimaadaan waxaa 900 oo Doolar raqiisan kan laga soo dejiyay dekedda Kismaanyo. Taasi waxa ay ku tuseysaa cadaalad darrada ka jirta maamulka aanan meel kale jirin ee wasaaradda Maaliyadda federaalka.

Waxaan si gooni ah aan ugu soo jeedinaynaa gobolka Banaadir, inuu dib ugala fariisto wasaaradaha federalka awoodda maamul oo ay ku lee yihiin magaalada muqdisho, waxaana sax ah inay iyagu yihiin dejiyayaasha siyaasadda dalka, oo ay wasaaradda maaliyaddu leedahay siyaasad dejinta maaliyadda iyo kormeerka hirgelinteeda balse ay dhaqan gelinta siyaasaddaas iyo weliba shuruucda ka dhalanaaya ay lee yihiin maamullada heer gobol ah ee dalka ka dhisan, haddii ay taasi dhici weydana, waxa ay u ekaanaysaa in magaalada Muqdisho dadka degeni ay ku dulman yihiin maamulka feer ka roorka ah ee wasaaradda maaliyadda waana inay si toos ah uga horyimaadaan maamulka wasaaradda maaliyadda oo aan qasaaro ma ahane aanan u heynin wax faa’iido ah ummada degan gobolka Banaadir.

Ugu danbeyn, dadka degan magaaladda muqdisho iyo weliba maamulka gobolka Banaadir, qaasatan xafiiska maaliyadda ee gobolka Banaadir waa inay ka feejignaadaan culayska aanan ka jirin magaalo kale oo Soomaaliya ku taalla oo ay wasaaradda maaliyaddu ku heyso ummadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho, waana in lala xisaabtamaa wasaaraddaas, oo weliba la weydiiyaa lacagta ay dekedda, garoonka, canshuurta jaadka iyo kan diyaaradaha ay ka qaado oo dhammaantood ka howl kala gobolka Banaadir waxa ay ka siiso gobolka Banaadir si wax loogu qabto ummadda laga qaado canshuurtaas. Haddii aan sidaas loo xisaabtamin waxa ay arintu noqoneysaa amaba ay salka ku heyneysaa xisaab xumadii horay uga jirtay magaalada Muqdisho oo waxa Muqdisho ka soo baxa la wada lahaa, waxa magaalooyinka kale ka soo baxana ay gaarka u ahaayeen dadka magaalooyinkaas degan. Ha la xisaabtamo xalaal waaye, xisaab xumana waa waxa dhaliya isku dul noolaadka ee aannu ku heshiinno waxa ay maamulladu kala lee yihiin iyo weliba sida ay isula shaqeynayaan.

W/D Y m mahadalle
ymahadalle@gmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: