Ujeedka Dawladdnimo: ma dhisid baa mise waa dhawrid?!

Dhaqanka soomaaliyeed oo ku dhisan reer guuraannimo waxa uu saameeyey dhinacyda nolosha oo idil, sida xasilloonida siyaasadeed, nidaamka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu leedahay iyo gabi ahaanba falsafadda nololeed ee bulshadu soo kala dhaxleysay inta dadka ku abtirsada qowmiyadda Soomaaliyeed jiritaankeedu soo ifbaxay.

Nidaamkaas waxaa udub dhexaad looga dhigay howl maalmeedka nolosha, hadday noqon lahayd maareynta khilaafyada soo kala dhexgala beelaha ay ka koobantahay bulshadaas, sida qola walba u adeegsato awoodda wada xaajood ama gorgortan oo ku dhisan quwadda ay kala haystaan labada dhinca. Had iyo goorna waxaa xalka gundhig u ahaa in dhiig la daadiyo oo markaas ka dib xal la raadiyo.

Qaababkaas gurracan waxa ay ahaayeen kuwa ku lammaanan ama ku lifaaqan nolosha dadkaas reer guuraaga ah, oo aan arag ilbaxnimo ballaaran, marka laga reebo, inta deggan wabiyada jiinkooda ama ku teedsan xeebaha. Dadkaas iskuma ay dayin inay xariir la sameeyaan dadka dariskooda si ay kororsadaan aqoonta nolosha ku taxaluqda, mana la filayn inay taasi dhacdo, maxaa yeelay, dad ayaga dhexdooda is aqbali waayey oo dulqaad isu yeelan waayey, dhisanna kari waayey nidaam ay ku kala bad baadaan, sidee looga fishaa inay la falgalaan dad kale oo ayaga ka fog?.

Markii dadka Soomaaliyeed ay dawlad yeesheen, waxaa la soo minguuriyey wixii lagu hayey miyiga oo lala falgaliyey nidaamkii siyaasadeed ee curdunka ahaa oo markaa la helay. Halkii loo diyaarin lahaa mujtamaca inuu ilaashado nidaamyadaas kala duwan ee waddanka ka hana qaaday, beelihii ku soo loollami jiray miyiga waxay billaabeen inay naaxiyaan saamigooda beel ahaneed ayagoo ka faa’iidaysanayo awoodda gogortan oo gacamahooda soo gashay taas oo ka dhalatay diinaamiikiyada siyaasadeed ee is badbadaleeysay oo salka ku haysay is gaashaanbuuraysig beelaha. Ujeedka ugu weyn ee dawladnimo ma in awoodda la saaro dhisideedaa mise waa in la dhowro markii la dhiso? Waa weydiinta aan uga warcelin doonno qormada.

In wax la dhiso macno badan ma sameeynayso, haddii dadka wax loo dhisayo aysan lahayn caqligii iyo garashadii ay ku dhawra lahaayeen waxaas loo dhisay, si aysan si fudud gudinta u qaadan oo waxii la dhisay aysan gunta uga gooyn. Dadka Soomaaliyeed waligood ma arag cid ku dhiirragaliso inay dhawrtaan oo ilaashadaan waxa guud ee dadka ka dhaxeeya. Waa in dadka lagu barbaariyaa in waxa guud oo la dhawraa ay keeni karto dhawrsanaanta waxa gaarka ah, danta guud iyo tan gaar waa wax aan kala hari karin, sida laba mataana ah. Markaad dib u eegta wax kastoo dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u dhitsaan, hadday noqon la hayd dawlad, urur diimeed/siyaasadeed ama jabhado, kulligood waxay ku dhammaadaan meel fool xun.

Muddooyinkii la soo dhaafay dadka Soomaaliyeed waxbay dhoodhoobaayeen ee waxba may dhisin, sidaa daraadeed, wax walba muddo kooban markii ay ka soo wareegato wey kala daadanayeen. Markaad wax dhisatid waxaa la isku daydaa inaad soo diyaariso wadiiqooyinkii kuu dammaanad qaadi lahaa in waxaas la dhisay ay gaaraan waqtigii loogu talagay. Wadiiqooyinka wax lagu dhawro waxaa ka mid ah in la diyaariyo dadkii xambaari lahaa dhanbaalka uu huwan yahay wax la rabo in la gaaro iyo samaynta sharciyo loogu kala garqaado dadkaas marka ay is qabsadaan ama awoodaha ka dhexjira meeshaas danahoodu is khilaafaan .
Labadii shuraakad wada gashaa ayagoon meel tagin ayaa waxaa billaabmaya is qabqabsi, taasoo kama dambeeyn u gogol xaarto in waxay ku soo tacab iyo tabar beeleen mar qur ah dhulka lagu qubo. Waxaa caado u noqotay Soomaalida in si fudud wax loo dhiso, hayeeshee, marka khilaaf yimaado ama mushkiladi soo ifbaxdo, ayadoon ognahay in is qabsashadu tahay abuuris ku beeran bin Aadamka, waxaa la isku dayaa in lala noolaado dhibtaas, halka inta ay cardunka tahay xal dag dag ah loogu heli lahaa. Arrinkaasu waxuu la mid yahay cudurka haleela qofka, haddii marka ugu horreeysa ee uu dareemo calaamadihiisa uusan si degdeg ah dhaqatar u aadin, oo inta baaritaan lagu sameeyo aanan loo qorin daawa bogsiisa, waxbo tari mayso in uu is daaweeyo marka cudurku jirkoo idil ku faafo. Waxaa jirta maah maah Ingriisa oo macnaheedu yahay: “Kumi aad ka hortag ku sameeyso, waxuu ka wanaagsan yahy shilin aad isku daaweeyso”.
Dabciga dadka Soomliyeed ee qallafsan oon oggoleeyn dhawridda waxa dadka ka wada dhaxeeya wax uu ka billaabmaa guryaha dadku ay ka soo baxaan. Si loo gaaro helintaanka dad dhiso ilbaxnimo iyo wada noolaasho qiima leh, waa in la beeraa abuurkii ay ka soo dhalan lahaayeen dadkaas, kaasoo aan wadanin naf jecli xad dhaaf ah; wax wada qaybsi la’aan; iyo wax wada dhawrasho la’aan. Marka labada canug ee walaalaha ah waalidkood ku fashilmo inay wax wada qeybsan waayaan, oo marka midka ka yare wax ku dhago lagu yiraahdo mid ka weyn u daa wiilka kaa yar ama lidkeedu dhaco, oo la bari waayo in la yiraado wax wada qeybsada, sidee looga filayaa cunigaas marka uu mujtamaca u soo baxo, inuu wax la qeybsado, waxa dadka ka dhaxeeyana la wada dhawro?.

Madaxweynhii Mareeykanka ee la oran jiray Lincoln ayaa ku dooday: “Ilaalinta, dhawridda iyo dayac-tirka mu’asasaadka dawladeed inay ka dhib badan tahay asaasitaankooda ”. Marka aad loo dhuuxo hadalka ninkaas waxaa la dareemayaa in uu koobayo qaabka guud ee dawladnimo dhameystiran lagu gaari karo, waxayna martaa saddex marxaladood:-
(a)-Dhisidda qaab-dhismeedka guud ee ay ka koobantahay dawladdu. Waxaan gundhig u ah seddex tiir oo is garbo socdo:
-Tiirka koobaad waa mid qusaysa qofka oo ah unugga ay ka billaabmayso bulshada iyo sidii loo xaqiijin lahaa wax walba ee uu u baahanay;
-Tiirka labaad waa bulshada oo ayadana ka koobmaysa isuku tagga ashqaas fara badan;
-Tiirka seddaxaad waa tarjumidda dhaqan-siyaasadeedka ( socio-political interpretation) ee bulshadaas si loo helo dhisma dawladeed oo leh hay’adaheedii kal duwnaa;
(b)-Ilaalinta ama dhawritaanka hay’adahaas, iyo habsami u socodkooda. Cidda laga rabo in hawshaas ay qabto waa dadka ku nool meesha ay hay’adahaasi ka jiraan, sidoo kale waxaa muhiim ah dajinta aaladihii xukumi lahaa dadka hawshaas loo igmanaayo;
(c)- Dayac-tiridda hay’adaha dawladeed: waa tarjumidda aqooneed (epistemic interpretation) ee bulshada si loo helo nidaamyadii akhlaaq, maamul, sharciyo iyo dasaatiir iyo waliba casriyeeynta mawaadda ay ku qoran tahay markii ay la jaanqaadi wayso is badalka waqtiga. Taana waxay dammaanad qaadaysaa daa’im noqoshada kayaanka siyaasadeed.

Ugu danbeyntii, ahmiyaddu waa in wax la dhawro, ee maahan wax dhisid kaliya. Si loo hiigsado yoolkaas waxaa lama huraan ah in siyaasiyiintu fahmaan muhiimadda dhisidda dawladda iyo dhawritaankeeda, isla markaana lagu abaabiyo jiilka soo koraya jeclaanshaha wax guud, taasna waxay ku imaanaysaa in dadka quluubtooda lagu abuuro sarraynta iyo tixgalinta qaanuunka. Waana in hooya kasta ee Soomliyeed ku huuwaawisaa dhallaankeeda sidii uu ugu handaaqi lahaa dawlad jacaylka marka uu hanaqaado, waa in lagu qoraa buugaagta higgaadda laga barto; waa in lagaga wacdiyo masaajidda iyo goobaha Ilaah lagu caabudo; loogana naadiyo golayaasha sharci dajinta; laga dhaqan galiya maxkamadaha caddaaladda iyo garsoorka; waa in laga dhigtaa diinta siyaasadeed ee dalku leeyahay, markaas ayaa laga yaabaa in la helo dad wax dhisto, haddana dhowrta waxay dhisteen.

W/Q: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi (cawaale)

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: