Wasaaradda Waxbarashadu ma mid Federaalbaa mise waa mid u shaqeysa sidii dowladdii dhexe? Sideese lagu heli karaa waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah?

Waxaa qoran inay Soomaaliya qiyaastii 1,600,000 ay yihiin ilmaha ay da’doodu tahay da’da waxbarashada aasaasiga ah, waana sida ay UNESCO ku qortay qoraaladii ugu danbeeyay oo ay ka qortay xagga waxbarashada dalka, waana inta ay tahay inay helaan waxbarasho aasaasi ah. Waxaanse ognahay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamo tiro yar oo aysan ka jirin waxbarasho dowladeed oo runtii u qaabeysan qaab la isku haleyn karo lacag la’aanna ah. Soomaaliya waxaa waxbarta oo kaliya ardaygii ay waalidkood ka bixin karaan qarashaadka lagu dhigto iskuulaadka sida gaarka ah loo lee yahay marka laga reebo maamul goboleedyo iyagu muddo hore dareemay baahida loo qabo waxbarashada lacag la’aanta ah.
Waxaa kaloo jira iskuulaad ay taageeraan heyadaha taageera waxbarashada aasaasiga oo ay weliba ku tilmaamaan mid gargaar oo aanan u qaabeysneyn qaab waxbarasho joogta ah oo maalin kastaaba ay tahay waxbarasho socon karta amaba mid istaagi karta, maadaama aysan ku dhisneyn qorshe nidaamsan oo si weyn looga fikiray oo la iska warsaday halka ay qarashaadka howshaas lagu wadaayo ay ka imaanayaan. Waxbarashadaasina ma aha mid dabooli kara baahida waxbarashada aasaasiga ee lacag la’aanta ah ee looga baahan yahay inay ka hirgasho dalka Soomaaliya oo dhan.


Maxaa xal ah? Ma jiraan mase la abuuri karaa, wax ka duwan labada qaabood aan soo sheegnay oo kala ah waxbarshada gaarka loo lee yahay iyo midda heyaduhu ay dhiibaan, oo suurta gal ka dhigi kara in la helo waxbarsho aasaasi ah oo lacag la’aan ah oo tayo sare leh looguna talo galay dhammaan ilmaha ay da’doodu tahay da’da waxbarashada aasaasiga ah? Haa, waa la dhisi karaa qaab waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah oo tayo leh, waxaase loo baahan yahay in marka hore la aqbalo in laga gudbo ku tiirsanaanta waxbarashada gargaarka ku dhisan oo loo gudbo mid horumarin ku dhisan.
Adduunka wadamada sideenna oo kale ah ee burburay, marka ay rabaan inay burburka ka soo baxaan, ma dhisaan oo kaliya laamiyada iyo saro waaweyn iyo xarumo dowladeed ee waxay dhisaan oo kale dadka waxa ayna ka billaabaan in la sameeyo sharciyaddii lagu dhaqi lahaa waxbarashada dalka oo suurtagal ka dhigi laheyd inaan dib loogu noqon wixii dalka ka dhacay oo weliba burburka keenay. Hadaba Soomaaliya miyey ka duwan tahay wadamadaas oo miyeysan u baahneyn inay ku dayato wadama dhibaatadeenna oo kale ay soo martay oo iyagu sida fiican u isticmaalay waxbarashada oo soo saaray manaahij u suurta gelisa inay dadkoodu ku walaaloobaan horumarinta dalkooda iyo dadkooda?
Waxaa hubanti ah inuu dalku u baahan yahay waqti badan oo uu kaga soo kabto dhibaatadii labaatanka sano ku soo dhaceysay, laakiin ka soo kabashadaas ayaa u baahan in la qorsheeyo oo weliba laga billaabo sidii dadka loo dhisi lahaa loogana billaabi lahaa jiilka soo socda oo loogu suurta gelin lahaa inay helaan waxbarsho tayo leh oo weliba aasaasi ah, oo magaalo kasta oo soomaaliya ku taalla ka hirgasha. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiisaan sida ay arintaasi u suurtoobi kareyso, waxaanse hubaa inay fududdaan laheyd haddii sida hoos ku qoran maamulka waxbarashada dalka loo qaabeyn lahaa.
Waxaannu sheegannaa inaynu lee nahay dowlad federal ah, oo uu dalku lee yahay dowlad goboleedyo iyo maamullo ay dowladda federaalka ahi ay magacowday, kuwaas oo dhammaatood laga rabo horumarinta magaalooyinka iyo dadka ay madaxda u yihiin. Waxaase arkeysaa wasaarado u dhaqmaya sidii dowladdii dhexe oo iyagu aanba u qaabeysneyn qaab maamul federal ah oo weliba iyagu raba iyagoo Muqdisho jooga inay ka taliyaan aayaha ummadda degan Xaafuun ooba laga yaabo inaysanba u warheynin sida loogu nool yahay magaaladaas. Hadaba maxaa xal ah? Anigu waxaan xalka u arkaa in wasaarad kasta oo ka tirsan dowladda federaalka inay diyaariso sharci ay ku ballaarinayso shaqooyinkeeda oo ay suurta gal uga dhigeyso in maamullada dowladu magacawday amaba kuwa maamul goboleedka ah inay yeeshaan awoodo u gaar ah oo ay ku fulinayaan howlahooda gaar ahaan kuwa quseeya arrimaha bulshada iyo horumarinteeda.
Haddii aan tusaale u soo qaadanno wasaaradda waxbarashada federaalka, waxa ay ka arimisaa horumarinta waxbarashada dalka, waxeyna rabtaa inay iyadu fuliso wax kasta oo shaqo ah oo laga qabanaayo waxbarashada dalka magaalo kasta. Miyeysan ku habooneyn inay wasaaraddu baahiso howlaha waxabarshada oo sida caalamka ka dhacda iyadu ku ekaato howlaha ugu muhiimsan oo ay wasaaradi qabato oo ka dhexeeya waxbarashada dalka oo dhan sida:
1. Qoritaanka iyo horumarinta siyaasadda waxbarashada dalka.
2. Inay diyaariso manaahijta dalka, dib u habeenna ku sameyso manaahijtaas.
3. Inay u qoondeyso miisaaniyadda waxbarshada dalka qaab suurta geliya inay dalka ka hirgalaan waxbarsho lacag la’aan ah.
4. Inay kormeerto xarumaha iyo iskuulaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo lee yahay si ay u xaqiijiso tayadooda waxbarasho.
5. Inay dejiso imtixaamaadka shahaadada dugsiga sare ama kan H/Dhexe.
6. Inay dejiso qaabkii macallimiinta loo tababari lahaa iyo weliba sanadkiiba inta macallim ee ay tahay in dalka loo tababaro.
Loona daayo hirgelinta siyaasaddaas iyo weliba maamulka iskuulaadka madaxda gobollada iyo maamul goboleedyada ay waxbarashadaasi ku taallo si ay u noqdaan shaqooyin horumarineed oo uu maamul kastaaba uu maamullada kale uga horumari karo, dadka degan gobolladaasina ay kula xisaabtami karaan dadka maamula gobolladaas. Waana maamullada gobollada kuwa laga rabo inay hirgeliyaan waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah iyaga oo isticmaalaya manhajka iyo shuruucda ay dejisay wasaaradda waxbarashada federaalka, wasaaradda ayaana kormeereysa howlaha waxbarasho oo ay hirgelinayaan gobollada iyo maamul goboleedyadu.
Waxaa la rabaa in dalku galo doorashooyin sanadaha soo socda waxaanaba laga yaabaa inaysan cadeyn waxa uu maamulka la dooran doono ay tahay shaqadiisa. Waxaan ula jeedaa haddii loo dhaqmaayo sidii dowladdii dhexe oo aan la garaneynin waxa maamulkaas la dooran doono lagu dooran doono oo shaqadiisa ah oo uu u soo kordhinaayo dadka dooranaayo, maxaa macno ah oo ay yeelan doontaa doorashooyinka la dooranaayo.
Ugu danbeyntii waxaa lagama maarmaan ah in dowladdan inta aysan dhammaanin xilligeeda ay wasaarad kasta oo uu dalku lee yahay u kala cadeyso oo weliba wasaaradaha loo diro inay sameeyaan hindise sharciyeed cadeynaaya howshooda xagga federaalka ah iyo weliba qaabka ay wasaarad kasta ula shaqeyneyso gobollada dowladu magacawday iyo kuwa maamul goboleedyada ah, haddii kale waxaa dhacaysa in la isku kor xayirmo oo wasaaraduhu culays ku noqdaan howlaha horumarineed oo ay maamulka gobolladu amaba maamul goboleedyadu rabaan inay gaarsiiyaan magaalooyinka ay maamulaan iyo dadka ku nool.

Codkashacabka2014@yahoo.com

F.G. Maqaalkaan waxa aan ka soo qaaday oo lagu daabacay Allbanaadir.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: