Macallimka oo qiimo loo yeelo, ayaa qeyb weyn ka qaadan kara xasilloonida iyo horumarka dalka.

Waxaan ka qeyb galay xafladdii lagu xusaayay maalinta macallimiinta sanadka hadda dhamaaday ee 2014ka. Waxaa isu yimid macallimiin iyo maamulayaal iyo weliba madaxdii ugu sareysay wasaaradda waxbarashada federaalka, waxaana dhamaan la isku raacay dhibaatada heysata maccalimka Soomaaliyeed meel kasta oo uu Soomaaliya ka joogaba, waxaana qaasatan afka lagu dhuftay sida ay u tabaaleysan yihiin macallimiinta qeybta ka ah mashruuca Go to Schoolka, oo ay mushaar xumo iyo isagii oo soo daaho ay isugu darsantay.

Haddaba xaggee ayuu ka heystaa dibku macallimiinta? Miyeysan aheyd qeyb muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed oo in la ilaaliyo lana horumariyo u baahan? Ma la hilmaamay oraahdii Soomaaliyeed ee oran jirtay “macallimkaadu waa aabahaa oo kale” haddiise weli oraahdaas ay qiimo u sameyneyso ummadda Soomaaliyeed, maxaa keenay in macallinnimadu noqoto shaqada ugu liidata oo uu qabto qof aqoon leh?

Waa yaab, isla xafladdaas waxaa ka hadlay, oo aan weliba hadalkiisa aan aad ugu riyaaqay, wasiir Gurraase, Wasiirka waxbarashada federaalka, oo runtii ku dheeraaday, sida loo liidaayo xirfadda macallinimada oo weliba waxa uu sheegay, in shaqaalaha dowladda ee shahaadada jaamiciga ah heysta mushaar ahaan loo siiyo 700$ oo doolarka mareykanka ah, isla qofka heysta shahaadadaas oo ay qofkaas dowladda u shaqeeya ay isku jaamacad ka soo baxeen uu marka uu macallinimo ku shaqeynaayo uu qaato, wax ka yar 100$ ama boqolkaas. Waase su’aal soo noqoneysee wasiir Gurraase maxuu ka qabtay arintaas, intii uu joogay wasaaradda waxbarashada federaalka? Maxaase dowladda guud ahaan uga qorsheysan waxbarashada dalka iyo qiimeynta macallimiinta?

Nin la yiraahdo Andrew Adonis, oo mar u ahaan jiray lataliyaha waxbarashada raisulwasaarihii dalka Ingiriiska, ee Tony Blair, markii danbana noqday Wasiirka waxbarashada dalka Ingiriiska ayaa waxa uu yiri “ Meeshii ay iskuulaadka iyo daryeelka ilmuhu hoos u dhacaan, bulshada guud ahaan ayaa hoos u dhac ku imaanayaa, qofka shaqsiga ahna waxaa soo gaaraya dhibaato, dhibkaas oo noqon kara mid aan waxba laga qaban Karin” Andrew, waxaan ku raacsanahay aragtidaas oo weliba haddii aan si fiican aan u fiirinno ummada Soomaaliyeed, waxa baabi’iyay waa daryeel xumada aan ku heyno ilmaheenna iyo weliba iskuulaadkeenna oo waxaan aaminsanahay, haddii qiimaha la siiyo AMNIGA, NABADSUGIDDA, iyo waxa qarashaadka badan lagu bixiyo, la siin lahaa waxbarashada iyo daryeelka caruurta oo uu kow u yahay MACALIMKA Soomaaliyeed, inaynu heli laheyn ummad ama bulsho ka duwan midda aan maanta heysanno.

Oraah carabi ah ayaa macnaheedu ahaa “manhaj isii, ummad ayaan ku siinayaa” hadaba haddii uusan maanta Soomaaliya jirin manhaj ummadeed iyo macallim ummadeed oo daryeelkiisa iyo horumarintiisa ay kafaalo qaadeyso dhowladda Soomaaliya sideebaannu u heli kareynaa ummad horumarsan oo iyadu is daryeeleysa, is xushmeyneysa, isu sabreysa, iskaashaneysana? Waa su’aal aan jeclaan lahaa inay ka jawaabaan, madaxda dalka ugu sareyso oo lagu xanto inay iyagu ka yimaadeen bahda waxbarashada. Waxaana jeclaan lahaa in meesha laga saaro marmarsiiyaha ah inaan lacag ama miisaaniyad loo heynin waxbarashada iyo macallimka Soomaaliyeed. Miisaaniyadda dalka haddii 15%kiiba lagu bixiyo waxbarashada waxa aan heli karnaa, macallin iyo iskuulaad tayo leh oo aan weliba hubaa inay qeyb weyn ka qaadan karaan nabadda iyo xasiloonida aan qoriga caaraddiisa aan ku raadineynaynay labaatan iyo afarta sano ee la soo dhaafay.

Waxbarashada iyo daryeelka macallimku waxa ay fududeyn karaan, in ardayda Soomaaliyeed ee maanta da’da iskuulka ahi ay ka badbaadaan cudurrada waxyeeleeyay ummadda Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Jahliga. Waxaase taas la heli karaa marka la helo macallin u diyaar ah inuu ilmaha waxa uu yaqaanno baro isaga oo aan baahi iyo biilka ilmihiisa aanan ka fikireynin. Waxaa la isku raacsan yahay dhamaan, laga billaabo wadamada horumaray iyo kuwa horumaraayaba, waxa ay labo wadan ku kala duwan yihiin inay tahay oo kaliya aqoonta dadkiisu lee yihiin. Wadamo badan oo ay ugu horeyso India maanta caalamka waxa ay u dhoofiyaan aqoon, oo Mareykanka iiyo Yurub ayaa shaqaale u raadsada. Maanta waxaan ognahay in “Soomaaliya ay Kenya macallimiin ka keensato” iyo xirfadlayaal badan.

Meeqa sano ayaan sidaas ku sii jiri karnaa?

Dowladdu waa inay la timaadaa qorshe ay isugu dhinac wadeyso horumarinta adeegga bulshada iyo kor u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka. Haddii laakiin mid ka mid ah xooga la saaro waxaa meesha ka baxaayo qeybta kale oo muhiimka u ah horumarinta dalka, waana waxa aan sameyneynay labaatankii sano ee la soo dhaafay qaab kasta oo maamul ah oo dalka ka jirayba.

Waxaan aaminsanahay, daryeelka macallimka soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda aqooneed, inuu yahay furaha horumarka ummadda Soomaaliyeed, waana waxa mudan inaan siinno ahmiyadda ugu weyn ee dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed. Haddii macallim la helo ay agabkiisu u dhameys tiran yihiin, waxaa la helayaa xarumihii dhiig joojinta jahliga looga sameyn lahaa ummadda Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka imaan doonaan aqoon yahanno aanan ogolaan doonin inay ummaddoodu ku sii jirto duruufaha adag ee ay maanta Soomaaliaya ku jirto.

W/D A. Asir
mogadisho69@gmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: