Wareysi dheer oo uu Agaasimaha Waaxda Waxbarashada G/Banaadir siiyay idaacadda Maandeeq.

Wareysi dhinacyo badan taabaya ayaa agaasime Cabdixakiin Cali Casir siiyay Idaacadda waxbarashada iyo wacyi gelinta Maandeeg.

Wareysigaas oo ah mid uu agaasimuhu ku bayaaninayo sida loo horumarin karo waxbarashada dalka iyo midda gobolka Banaadir, ayuu ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in waxbarashada qaabka loo maamulaayo dib loogu noqdo oo weliba laga fikiro sidii gobol kastaaba awood loogu siin lahaa sidii uu waxbarashadiisa wax uga qaban lahaa.

Agaasimuhu waxa uu soo jeedinayaa in la kala saaro, shaqada wasaaradda waxbarashada federaalka iyo midda gobollada, oo weliba wasaaradda looga danbeeyo dhammaan isku xirka iyo qaabeynta waxbarashada dalka oo dhan, lana siiyo gobollada shaqooyin u gaar ah iyaga oo ay ugu horeyso inay maamulaan waxbarashada iskuulaadka ku yaalla gobolladooda oo weliba hirgeliyaan siyaasadda guud oo ay wasaaraddu ka rabto gobollada dalka oo dhan.

Wareysigaas oo dhameystiran waxaad ka dhegeysan kartaa halkaan:

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: