Maamulka waxbarshada oo la baahiyo ayaa horumar iyo midnimo u keeni karta waxbarashada dalka guud ahaan.

images 4Laga soo billaabo markii ay dowladdii ku meel gaarka ay dalka ka curatay oo hadana la isku raacay qaabka federaalka ee aan hadda heysanno welise ay wax badan u dhiman yihiin ayaa waxaa soo if baxayay maalinba maalinta ka danbeysa maamul goboleedyo iyagu leh wasaarado waxbarasho oo iyada oo aysan weli cadeyn qaabka wadashaqeyneyd ee ka dhexeyn doona dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, hadana dalbanaya in loo madax banneeyo arrimahooda shaqo ee xagga waxbashada wallow qaar ka mid ah maamul goboleedyada si weyn loogu xushmeeyo maamulka waxbarashadooda.

Waxaa kaloo jira maamullo laga yaabo inay ka ballaaran yihiin maamul goboleedyo hadana weli hoos yimaada dowladda federaalka oo ay dowladda federaalka ay magacowdo guddoomiyahooda laakiin leh culays shaqo iyo mid dadeed oo la dheyelsan Karin, ayaan weli waxaan muuqan qaab qaabeysan oo ay wasaaradda waxbarashada dalka ay rabto inay ula shaqeyso maamulladaas isbedbedelaya oo la wada og yahay inay maalin uun ku dhamaan doonaan in maamul kastaaba uu u madax bannaanoodo howlihiisa hoose ee horumarinta bulshada oo ay waxbarashadu ku jirto.

Waxaa aad looga doodaa sidii lagu heli lahaa siyaasad, manhaj, kormeer iyo imtixaanaad mideysan oo uu dalku yeesho. Waxaanse marna la isweydiinin sida ay ku suurtoobi karto in la helo intaas oo dhan iyada oo la ogyahay in maamulladaan soo badanaya aysan jirin sharci iyaga iyo wasaaradda waxbarashada u dhexeeya oo weliba mid kasta u sheegaya meesha ay awoodiisa xagga maamulka waxbarashada ay ku eg tahay.

Waxaad u maleysaa, ma garanaayo inay ula kac tahay iyo in kale, in wasaaraddu aysanba arag howshaan baalaaran ee hoos taalla ee muddada dheer dhinacyo badan looga sheegaayo ee ku aadan inay saxaan qaabka ay rabaan inay u maamulaan waxbarashada dalka iyo doorka ay maamul gobolladaani ku yeelan doonaan horumarinta waxbarashada meelaha ay maamulaan. Waxaa dhowr bil ka hor uu dalbaday maamul goboleed ka mid ah kuwa dalka ka jira inuu yeesho shahaado u gaar ah oo uu isagu maamulo oo weliba laga aqoonsan yahay caalamka oo dhan, waxa uuna kula soo heshiiyay raisulwasaare ka mid ah kuwii soo maray dowladda federaalka, waxeyna dhalisay arintaasi dood badan welina maamul goboleedkaasi kama uusan tanaasulin heshiiskaas oo mar labaad ayaa la soo cusbooneysiiyay sida laga warqabo, maxaa diidaaya in maamul goboleedyada kalena ay sidaas si la mid ah yeelaan oo ay weliba ku darsadaan inay yeeshaan manhaj iyo siyaasad u gaar ah oo ka duwan dhamaan maamullada kale?

Waxaan aad uga naxaa marka aan maqlo qaab maamulkii dalka ka jiray 30 sano ka hor oo hadana la rabo in lagu maamulo waxbarashada dalka oo aan ognahay haddii aan la iska indha tireynin meesha ay mareyso. Dalkani waa buu lahaan jiray maamul waxbarasho ee dhexe oo waxkasta isagu soo saara soona gudbiyo oo weliba iska daa wax kale maamule iskuul ka soo magacaaba magaalada Muqdisho una dira Berbera iyo baraawe inta u dhexeysa, laakiin taasi waa taariikh ee ma aha mid maanta aan u maleynaayo in qof u jeeda sida ay wax yihiin uu waqti isaga dhumiyo. Maanta waxaa xirmaya, oo la wada ogyahay, iskuulaadkii ay wasaaraddu sheegi jirtay inay maamusho oo Go to Schoolka ay ugu magacdartay ee ku yaalay magaalada Muqdisho iska daa gobolladdee, waxa kaliya uu u xirmayana ay tahay sida ay wasaaraddu rabto inay u maamusho oo aan waqtiga maanta jira la socon Karin laakiin iska indhatireysa oo rabta inay u dhisnaadaan dhammaan waaxyihii wasaaraddu laheyd markii ay wasaaraddu maamuleysay iskuul kasta oo ku yaalla carriga Soomaaliyeed.

Wasaaradda waxbarashada federaalka sida ka muuqata magaceeda ma ahaan karto wasaaraddii waxbarashada ee dowladdii dhexe, waa inay noqotaa wasaarad cusub oo weliba u qaabeysan qaab cusub oo iyadu iskaashi iyo wadashaqeyn la leh wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada iyo maamullada kale ee dalka ka jirta. Waana inay jiraan xafiisyo maamul oo ku yaalla wasaaradda waxbarashada federaalka iyo kuwo ku yaalla xafiisyada waxbarashada maamul goboleedyada oo iyagu heer gobol iyo heer degmo u sii kala baxaya. Sababta sidaas ay wasaaraddu u yeeleyso ma aha inay ku qancineyso maamul gooni ah amaba koox, ee waa qaabka ay ula jaan qaadi karto sida uu dalku hadda u dhisan yahay, marmarsiiyana ma naqaneyso inaanan dastuurka dalka aanan weli la ansixinnin, waayo qaabka loo shaqeynayo ayaad ka garaneysaa in aysan jirin, qaab saacadda dib loogu celin karo oo aan dib ugu noqon karno waqtiyo la fiican madaxda qaarkood laakiin laga soo tegay oo laga yaabo inaananba weligeed lagu noqon.

Hoos u daadejinta iyo Isbedelka maamulka waxbarashada ma aha mid u gaar ah Soomaaliya ee waa mid soo maray wadamo badan oo ay ku jiraan kuwa deriskeenna ah, runtiina haddii sida uu yahay looga faa’iideysto u noqon kara wasaaradda waxbarashada kaalmo oo waxa ay helaysaa oo ay weliba wasaaraddu la dhiseysaa maamul goboleedyada xafiisyadii wasaaradda waxbarashada federaalka ah kala shaqeyn lahaa waxbarashada tuulooyinka, degmooyinka iyo gobollada uu ka kooban yahay maamul goboleedkaas. Marka ay wasaaraddu dhisto waxa uu maamul goboleedkaasi u baahan una sheegto qaabka wadashaqeyneyd ay xafiisyada waxbarashada maamul goboleedyadu ula falgelaayaan kuwa federaalka, waxaa meeshaas ka baxaya isgarab yaaca maalin walba laga sheego shirarka waxbarashada oo ay amarro kala duwan ay maamul goboleedyada iyo wasaaraddu ku soo kala saarayaan heyadaha iyo dalladaha ka shaqeeya waxbarashada.

Maalintii dhaafta ilmaha Soomaaliyeed ee waxbarasho la’aanta ahi ma aha mid soo noqoneysa, mana aha in wasaradda waxbarashada federaalku ay isku howsho howlo ballaaran oo aysan kaligeed qabin Karin oo ku aadan horumarinta waxbarashada, waase in wasaaraddu isticmaashaa qaababka cusub ee loo maamulo waxbarashada oo weliba la baahiyo maamulka waxbarashada si masuuliyadda horumarinta waxbarashada gobol kastaahi uu qeyb uga qaato oo ay weliba gobolladu ku tartamaan horumarinta waxbarashada dadkooda.

Maalinta ugu horeysa ee ay wasaaraddu soo saarto sharci ay ku kala cadeyneyso shaqada wasaaradda waxbarashada federaalka iyo midda maamul goboleedyada iyo maamullada kaleba, waxaa yaraan doonta isku haleynta iyo isgarab yaaca maanta ka jirta waxbarashada dalka, waana middaas midda dhalin doonta maamul waxbarasho oo mideysan oo kala qaabeysan, waxaana rajeynayaa in la gaaray maalintii ay madaxda wasaaraddu garowsan lahaayeen soo saaridda shaqrciga lagu mideynayo waxbarashada dalka laguna baahinayo maamulka si loo ilaaliyo tayada, loona horumariyo waxbarashada dalka ee jiilka soo socda iyo kuwa hadda nool.

Cabdixakin Cali Casir
Mogadisho69@gmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: