(Daawo Sawirada) Dood cilmiyeed ku saabsan U sinnaanta waxbarashada G/Banaadir oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xigasho Codka Shacabka Soomaaliyeed

http://www.codkashacabka.so

IMG_9335Dood cilmiyeedkaan waxaa marti geliyay oo isku soo dubariday Wakaaladda Awoodsiinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo loogu yeero (SOYEA), waxaana lagu casumay dhalinyarada dhigata jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla G/Banaadir si ay uga qeyb qaataan dood cilmiyedkaan oo ujeedka ka danbeeya ay tahay in laga soo saaro qoraalo looga hadlayo sidii gobolka Banaadir looga heli lahaa waxbarasho loo siman yahay oo arday kasta oo degan gobolkaan ha ahaado mid waalidkiis awoodaan inay ka bixiyaan qarashaadka iskuulaadka gaarka loo lee yahay iyo midaan awoodinba. Waxaa kaloo sinaanta laga rabaa oo aan la dheyelsan Karin qeybaha kala duwan ee ay ardaydu ka kooban yihiin oo ay ku jiraan ardayda lixaadda la’ oo aad ugu yar waxbarashada gobolka Banaadir iyo waxbaridda Gabdhaha oo iyaguna u baahan in kor loo qaado.

Dood cilmiyeedka waxaa lagu casumay madax kala duwan, waxaana madaxdaas ka mid ahaa agaasimaha waaxda waxbarashada G/Banaadir Mudane Cabdixakin Cali Casir, oo isagu soo bandhigay sida ay lagama maarmaan u tahay in loo helo xal sinnaan la’aanta xagga waxbarashada ee gobolka Banaadir “ waxaa gobolka ka jira waxbarasho gaar loo leeyahay oo baahsan runtiina ay arday badan ka faa’iideystaan, waxaase kaloo jira in intaas ka badan oo arday ah oo iyagu degan magaalada Muqdisho aysan heysan waxbarasho, taas oo magaalada ka digeysa magaalo aan fursadaheeda waxbarasho aan loo sinneyn” ayuu cod dheer ku dhahay agaasimuhu.

IMG_9274Bandhigga uu agaasimuhu soo bandhigayay xaaladda waxbarasho ee ka jirta gobolka Banaadir, intii aan doodda la billaabin, waxaa ku jiray cadad badan oo iskuulaadkii gobolka Banaadir loogu talo galay inay ilmaha gobolkaan degan inay wax ku bartaan horayna ay wax ugu baran jireen inay maanta gacanta ugu jiraan dad gaar ah oo iyagu qaarkood iskuulaadkii u bedeleen isbitaallo iyo xarumo jaamacadeed. Agaasimuhu waxa uu ku dooday “haddii meelihii loogu talo galay oo horay loogu qorsheeyay inay degmooyinkaas u noqdaan meelaha ardaydooda wax loogu baro, oo iskadaa in iskuul gaar loo lee yahay laga furee laga dhigay isbitaallo iyo xarumo jaamcadeed oo gaar loo lee yahay, xaggee ardaydii loogu talo galay inay iskuulaadkaan wax ku dhigtaan looga keenayaa iskuulaad ay wax ku bartaan” waxuu kaluu ku daray “ waaxda waxbarashada gobolka Banaadir aad ayey u soo dhoweyneysaa iskuulaadka gaarka loo lee yahay waana wax caalamka oo dhan ka jira iyo jaamacadaha ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaase lagama maarmaan ah in iskuuladaas iyo jaamacaduhuba ay dhistaan xarumo gaar ah oo ay iyagu lee yihiin una banneeyaan iskuulaadka gobolka si loogu qabto howlihii waxbarsho ee horay loogu qoondeeyay”.

IMG_9253Bandhiggii Agaasimaha ka dib waxaa billowday doodihii iyo su’aalihii ku saabsanaa sidii gobolka Banaadir looga heli lahaa waxbarasho loo siman yahay, waxey dhamaan inta badan ka soo qeygalayaasha ay isku raaceen in doodani tahay dood loo baahan yahay kuna soo aaday xilligii loogu baahida badnaa, waxeyna dhinacyo badan ka taabteen kana marqaati kaceen waxyaabaha uu agaasimuhu ka sheekeeyay oo ay ku taliyeen in si dhab ah wax looga qabto oo weliba la isu kaashado. Ka soo qeybgale ka mid ahaa ardaydii dooda ka qeyb qaadanayay ayaa sheegtay arin aad iyo aad u soo jiitay ka soo qeybgalayaashii kale. Ka soo qeybgalahaan waxaan u bixinay Xamdi si aan u ilaalinno magaciisa dhabta ah waxeyna tiri:

Ilmo Caseeyayaal“ waxaan marka aan jaamacadda u socdo aan baabuurka uga degi jiray Baar Ubax (Xaafadda Howlwadaag), markaasbaan maalin kasta waxaa igu soo yaaci jiray ilmo gabdho u badan oo dhammaantood tuugsanaya. Markaas baan isweydiiyay sida ay u suurta gal tahay in ilmahaan loo helo xarumo lagu xannaaneeyo iyo weliba meelo ay wax ku bartaan. Waxaan soo agmari jiray iskuulka weyn ee Taleex ee ku yaalla halka ay ka billaabato wadada soddonka, waxaana markaas billowday oo aan idaacadaha ka maqli jiray barnaamijkii Go To Schoolka, oo aan aad ugu hami weynaa inuu iskuul Taleexna ka billowdo. Waxaan isku dayay inaan ogaado meesha ay gabdhaha ka tuugsada agagaarka Baar Ubax ay ka yimaadaan, waxeyna ii sheegeen inay dhammaantood ka yimaadaan agagaarka sar kuusta, waxaan booqasho ku tegay meeshii ay degenaayaan markaas ayaan soo arkay kumanaan ilmo oo dada iskuulka ah oo aan iyagu aadin iskuul oo weliba siyaabo kala duwan uga qaraabta magaalada. Anigoo sidii u yaaban balse aaminsan inuu jiro xal oo aanan sidaan xaaladaan loo fiirsan Karin, ayaan maalin maalmaha ka mid ah soo ag maray iskuulkii Taleex oo aan sida weyn u rabay in ilmahaasi ay ka helaan waxbarasho, waxaase iigu naxdin badnayd markii aan ku arkay boor weyn oo ay ku qoran tahay Imaamu Shaafici. Aad iyo aad ayaan uga niyad jabay oo waxaan is iri, wax kasta oo lawada lahaa waxey gacanta u gelayaan qolo gaar ah oo aadan garaneynin meel ay ka yimaadeen, waxaana aad uga niyad jabay sida ay u suurtoobi karto in ilmaha dan yarta loogu heli karo waxbarasho”.

Dood dheer ka dib, waxa ay ardayda jaamacaduhu soo bandhigeen aragtiyadooda ku saabsan sidii sinnaan looga heli lahaa waxbarashada G/Banaadir, waxeyna ku taliyeen in wax kasta laga hormariyo in danyarta gobolka degan loo helaa waxbarasho tayo leh oo la siku haleyn karo hadana joogta ah. Waxa ay ku taliyeen in miisaaniyadda waxbarashada dalka ay noqotaa mid ka timaada dalka gudahiisa oo aanan laga raadinnin heyado iyo wadamo shisheeye oo kaliya, waayo taasi waxa ay dhalineysaa bey yiraahdeen isku haleyn joogta ah oo uusan gobolku horumar ku gaari karin.

Gu’aanadkii dooda waxaa halkaas ka hadlay Guddooyiha ururka dhalinyarada SOYEA oo isagu ka mahadceliyay ka soo qeyb galka doodaan, kulana dardaamay ardayda in doodaan ku saabsan sinnaanta waxbarashada aysan ku ekaanin oo kaliya goobtaan ee loo gudbiyaa jaamacadaha dhexdooda si loogu baraarugo duruufaha adag iyo waxbarasho la’aanta heysata arday badan oo degan G/Banaadir. Wuxuu kaloo sheegay in SOYEA ay soo bandhigi doonto doodo kale oo sidaan oo kale ah, diyaarna ay u yihiin inay la shaqeeyaan ururada sidooda oo kale ah oo raba inay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira gobollada dalka oo uu ka mid yahay G/Banaadir.

 

 

Iskuu Banaadir Sare Iskuul Cismaan Geedi Raage Iskuul Xamar Sare Iskuulkii 21 Oktoobar Iskuulkii Kaasa bobolaare Iskuulkii Farsamada Gacanta

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: