Dib u habeyn in lagu sameeyo qaabka waxbarashada dalka loo maamulo, waxey keeni kartaa in la helo waxbarasho tayeysan oo weliba la isku haleyn karo joogtana ah.

images 4Muddadii yareyd ee aan masuulka ka ahaa agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaan rabaa inaan tusaale idiin tuso waxyaabo aan anigu la kulmay oo aan mar kasta sabab uga dhigayo inay muhiim tahay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maaulo waxbarashada dalka iyo weliba qaabka ay wasaaradda waxbarashadu ula shaqeyso maamullda dalka ka curtay iyo inta kale ee taageerta waxbarashada dalka.

Waxaa bishii lixaad ee 2014ka xafiiskeyga iigu yimid shaqaale u shaqeynayay heyad aanan magaceeda rabin inaan sheego oo muddo dheer ku talo jirtay inay dalka, qaasatan magaalada Muqdisho ka billowdo mashruuc waxbarasho oo dhowr milyan oo doolar ah oo socon doona muddo sedex sanadood ah. Sida ay ii sheegeen, waxa ay muddo ku noqnoqanayeen wasaaradda waxbarashada federaalka oo iyadu mar kastaba meelo kala duwan u diraysay iyada oo wax uga soo hagaagayna aysan jirin. Xubnaha aan la kulmay runtii waxa aya aad uga walwalsanaayeen inta lacagta malaayiinta ah oo ay ilmaha Soomaalidu, khaasatan kuwa Muqdisho u baahan yihiin oo laga yaabo in wada shaqeyn iyo howl fududeen la’aan inay lacagtaasi ku noqoto heyadihii soo dhiibay maadaama looga faa’iideyn waayay dadkii loo waday.

Markii ay i sheegeen inay wasaaradda ku noqnoqonayeen muddo dhowr bilood ah oo aysan wax la taaban karana aysan ku soo kordhin hirgelinta mashruucan dhowrka milyan ah oo weliba laga yaabo in la sii ballaariyo haddii uu si fiican u hirgalo, ayaan waxaan weydiiyay sababta ay gobolka markii hore uga soo billaabi waayeen oo ay wasaaradda ugu hormareen maadaama dalku federaal yahay? Waxa ayna iigu jawaabeen sidaas ayaa dhaqan aheyd maantase waxaan rabnaa inaan aragno waxa auu gobolku nala qaban karo. Guddigaas heyaddaas ka socday qaar ka mid ahi wey saluugsanaayeen in gobolku wax ka qaban karo shaqo ay wasaaraddu wax ka qaban weyday, waxeyna si cad ii dhaheyn “koley wax wasaaraddu wax ka qaban weyday inaad wax ka qaban kartaan uma maleynaayo” ee aan aragno waxaad soo kordhisaan.

Muddo ka yar lix bilood maalintii aan kulannay heyaddaas, waxaa ilaahey suurta geliyay dadaal wadajir ah ka dib, in seddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir (Hodon, Dharkeenley iyo Dayniile) ka furmaan 11 iskuul oo hoose dhexe ah oo markii iigu danbeysay ay dhiganayeen in ka badan 5600 arday oo badankoodu ahaa dadka ugu dhaqaalaha yar ee loo yaqaanno barakacayaasha. Iskuulaadkaasi, ma aysan hirgaleen haddii aysan madaxda gobolka Banaadir oo ay ugu horeeyaan guddoomiyaashii waqtigaas ee sedexdaas degmo, ku xigeenaddooda iyo agaasinka waxbarashada gobolku aysan si hagar la’aan ah u garab istaagi laheyn hirgelinta mashruucaas. Haddiise laga sugi lahaa wasaaradda waxbarashada waxaa laga yaabi lahaa inaysanba dhaqaaqeen qeyb ka mid ah 11kaas dugsi.

Tusaalahaan waxaan idiin tusayaa sida ay muhiimka u tahay in maalulka waxbarashada la daadejiyo, si guddoomiyaha degmadu uu qeyb weyn uga qaato hormarinta adeegyada ay u baahan yihiin dadka uu metelo, cidda bixineysa adeegyani ha ahaadaan heyado dibadda ka yimid amaba kuwa dalka ka dhismay inta laga helaayo, dhaqaale iyo qorshe ballaaran oo suurta geliya in dib loo hanto maamulka iyo maareynta waxbarashada dalka oo dhan. Waa run oo weli lagama bixin xilligii waxbarashada gargaarka ku dhisan, si looga baxana waxaa loo baahan yahay waqti iyo weliba shuruuc qaabeysan oo kala xadidaya sida loo wada shaqeynayo iyo weliba halka uu maamul kasta awoodiisu ku egtahay iyo sida loo ilaalinayo waajibna looga dhigayo wadashaqeynta u dhexeysa maamulka fedraalka wasaaraddiisa waxbarashada iyo kuwa maamullada kale ee heer gobol iyo degmo.

Balse dhib ayaa dalka ka jira oo aan lagu baraarugsaneyn oo aan anigu si toos ah u soo taabtay, lagana yaabo inuu dib u dhac weyn ku sameeyo masuul kasta oo isku daya inuu wax ku soo kordhiyo amaba tusaaleeyo sida ugu haboon ee loo horumarin karo waxbarashada dalka loona heli karo waxbarasho tayo leh oo ay dowladdu maal geliso. Dalku waxa uu lahaan jiray dowlad dhexe oo iyadu meel kasta wax ka sameysa oo iyadu ah meesha kaliya ay shuruucda, maamulka iyo miisaaniyadda waxbarashadu ka timaado oo iyadu u leh codka ugu danbeeya ee horumarinta waxbarashada dalka. Hadaba taasi meesha wey ka baxday, balse waxaa jooga qeyb ka mid ah shaqaalihii ka shaqeyn jiray wasaaradda noocaas u soo shaqeyn jirtay oo iyagu waagaa xilal ka kala duwan hayay maanta meesha ugu sareeya, marka laga yimaado wasiirka iyo ku xigeenadiisa oo iyagu muddo yarba la bedelo, wasaaradda waxbarashada federaalka ka haya oo aan arkin waxaan aheyn wasaaraddii xilligii 90kii ka hor jirtay, oo meel ay u caal waayaan ma ahane aan meel kale u ogoleen inay howlahooda qabsadaan oo iyagu raba inay wax kasta Muqdisho ka maamulaan.

Taasi waxa ay keentay dib u dhaca baahsan ee ka jira waxbarashada dalka oo marka la hadlo la sheegayo inay 30meeyo milyan oo doolar ay ku baxaan hadana markaad dalka marto aadan arkeynin labo labo qol tuulooyin laga dhisan ma ahane meel lagu tilmaani karo waa iskuuloo lagu dhisay lacagahaas, manhaj iyo wax kalana iskaba daa.

Wasaaraddu waxa ay u baahan tahay inay garowsato, oo ay weliba dedejiso, ma aha sharciga waxbarashada ee muddada dheer la sugaayay oo aan la aqoonin xilliga uu soo baxayo, ee waa inay sameyso sharci dowladeed oo lagu sii shaqeeyo oo kala xadidaya awoodaha shaqo ee u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo maamul goboleedyada dalku maanta uu wax u kala maamulo si loo helo sharci guud oo dib loogu noqonayo oo xadidayo waxa laga rabo wasaaradda waxbarashada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Taasi waxa ay fududeyneysaa oo weliba masuuliyad gooni ah saareysaa maamullada heer gobol inayka soo dhalaalaan howlaha sida gaarka ah loogu xilsaaray.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, daadijinta maamulka waxbarashadu wuxuu fududeyn doonaa in laga faaiideysto mashaariic badan oo isu dhiidhiib ku dhamaada oo marka danbana dib loogu qaado wadamo kale maadaama aannu ka faaiideysan weynay. Waxuu kaloo yareynayaa amaba uu mugdiga ka saaarayaa cidda masuuliyadda waxbarashada tuulo hebel iska leh, taas oo mustaqka keeni doonta in dadka degan tuuladu ay guddoomiyaha kala xisaabtamaan haddii ilmaha tuuladaas ay waayaan waxbarasho joogta ah oo lagu maalgelinayo waxa guryahooda iyo dukaamadooda laga qaado oo iyagu maanta meelna ku xisaabsaneyn. Haddiise sida hadda wax yihiin wax lagu sii wado, waxaa imaan doonta inaanba dib danbe la isaga warsan wax iskuul dowladeed ah oo u qalma magacaas lehna waxa looga baahan yahay goob waxbaasho, waana in laga guuraa wasaaradda sidii dowladdii dhexe u shaqeyneysa loona guuraa wasaarad iyadu guud ahaan maamusha waxbarashada dalka kana masuul ah horumarinteeda, balse ogolaata in gobol kastaaba uu awood u yeesho inuu gobollada kale kula tartamo horumarinta waxbarashadiisa iyadoo loo ogolaanaayo inuu hirgeliyo waxa ay wasaaradda federaalku amartay. Halkaas waxaa ka dhalan kara wada shaqeyn keenta horumarin dhab ah oo laga gaaro waxbarashada dalka dhalisana in la helo waxbarasho dowliha oo ay ka wada qeyb qaataan maamulka federaalka iyo mid goboleedka , laguna furo iskuulaad dowli ah oo ay dowladdu maalgeliso gobolladuna kaabaan oo danyarta ilmahooda u suurta geliya inay helaan iskuullo dowli ah oo la isku haleyn karo, joogtana ah oo  hadana lacag la’aana ah. Waxaan hubaa in la sameyn karo waase in laga gudbaa marmarsiiyo iyo sharci manooga yaallo howshaan ee sharci sidaas ku dhisan dalka laga sameeyaa si kor loogu qaado tayada iyo tirada ilhama soomaaliyeed ee iyagu sida joogtada ah wax uga barta magaalooyinka kala duwan ee dalka.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: