Jabka iyo Dhacca ay Xawaaladaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed

Miyaad is-waydiiseen weli sababaha keenay in kharashka xawaaladaha ay ka qaataan Soomaalida lacagaha dirto, illaa iyo haatan aynan is-dhimayn, iyadoo kharashka kaga baxo wax-isdhaafsiga ganacsigooda hoos u dagayo? Teknaloojiyadda is-gaarsiinta sida internetka iyo talleefanadda, tirade wakiiladda iyo ganacsatada meel-walba joogta, iyo, xawaaladaha badan ee dhexdooda tartamaya; intuba waxay ahaayeen inay saamayn weyn ku yeeshaan dulsaarka xawaaladaha ay kaqaataan shacabka Soomaaliyeed. Hadaba arrintii lafilanayay waa ay dhici-weyday. Waxaan rabaa, haday suurto-gal noqoto, in aan qoraalkan ku-furo dood is-waydaarsi si la’isu dhaafsado afkaar suurto-galin-karta go’aamo looga midoobayo mustaqbalka xawaaladaha.

Si aynu u cadayno shaki la’aanta saa’idnimada lacagaha dul-saarka xawaaladaha Soomaaliyeed, waxaynu is-bar-bardhi kharashka “adeegga” shirkadaha waddankan Ingiriiska ee aan degganahay, tusaalona kadhiganaynaa marka loo xawilahayo labada waddan ee kala ah Bangaladheesh iyo Soomaaliya.

Shirkadda oogu raqiisan marka lacag $200 loo xawilayo Bangaladheesh, adeeggeeda dulsaar waa 1.46% ($2.92), meesha tan oogu qaalisan ay tahay 3.3% ($6.7).

xawaaladaha3

Haseyeeshee, shirkadaha xawaaladda Soomaalida oogu raqiisan ayaaba ka billaabmayo dulsaar ah 6.53% ($13.07) marka la dirayo $200, iskaba daa kuwooda oogu qaalisan ee lagu diro kharash gaarayo 8.78% ($17.57)!

xawaaladaha4

Markii dulsaarka adeegga oo celcelis ah la fiiriyo sida kor kamuuqatta (illeen celcelis shikad xawaalad ma’ahee), kharashku $200 lagu diro wuxuu noqon 7.47% ($14.94). Hoos waxaad ka arki kartaan is-barbar-dhig muuqaal ah, si fahanku noogu sahlanaado farqiyada u kala dhexeeya dulsaarka adeegga labada waddan.

xawaaladaha1 xawaaladaha2

Hadaynu dulsaarka sannad walba ee xawaaladaha kaqaataan lacagaha Soomaaliya keliya loo diro xisaabinno, inagaoo ka-qiyaas-qaadanayna kharashka adeeggooda celcelis ah, waxaa inoo muuqanaysa in dulsaarkoodu noqanayo $105 milyuun (sababtoo ah waxaa Soomaaliya lagu xawilaa sanadkii lacag u qalanta $1.4 bilyuun). Taasi waxay kadhigantahay, haddii dulsaarka adeegga xawaaladaha Soomaaliyeed loo hagaajin lahaa sida shirkadaha ka adeego Bangaladheesh, Soomaalida sannadkii waxaa keliya oo laga qaadi lahaa $35 milyuun!

xawaaladaha5

Marka sidaa darteed, lacag kudhow $70 milyuun ayaa sannadkasta ka maran jeebka ehelladii iyo qaraabadii ay Soomaalida lacagta u xawishay. Taasi miyaynaan dhac quman ahayn, ama haddii kale ugu yaraan dhiig-miirasho?

Waxaa dhici karta in shirkadaheena xawaaladaha ay ku adacoodaan ganacsi-weynida (economies of scale) u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangaladheesh ay keenayso farqiga labada kharash ee dulsaarka adeegga. Taasi kayeeli mayno!

(1) Muddada aynu kaqiyaas-qaadanayno, High Commissioner-ka Bangaladheesh London u fadhiyo wuxuu sheegayaa in sannadkaa looga xawilay Ingriiska waddankooda $812 milyuun, halka Soomaaliya isla waddankaa loogaxawilay $500 milyuun. Sidaa darteed, marnaba ma’ahan in kharashka Soomaalida laga qaato uu seddex jibaarmaa!

(2) Kharashka wax is-dhaafsiga ganacsadeed ee Bangaladheesh wuxuu kudheeryahay Soomaaliya oo kale Bangi Dhexe oo lacagaha caalamiga ah maareeyo marka SWIFT lamariyo, wakiillo qaarkood Bunuug ah oo canshuuraad iyo kharash joogta kabaxaan, iyo sharciyo diiwaangelintooda, hirgalintooda iyo u toosnaantooduba ka adagyihiin kuwa xawaaladaheena ay hoosyimaadaan.

Baaritaan cilmiyaysnaa oo hadda kahor Xassan iyo Chalmers ka sameeyay Soomaalida deggan dalka Ingiriiska ee lacagaha Soomaaliya u dirto, waxay soo shaac-bixiyeen arrimo farabadan oo naga qarsanaa. Natiijooyinka baaritaankaas ka caddaaday waxaa kamid ahaa in 20% ee dadka lacagaha diro ay cuntada qaarkood iska qadiyaan si ay u awoodaan biilka ehelkooda ee bil walba. Waxaa dheer in 22% ay shaqeeyaan saacado dheeri ah, taasoo dhib wayn ku ah noloshooda iyo gudashada xuquuqda reerkooda. In kabadan 6% waxbarashada ayay katagaan si ay u xamaalaan maadaama Xaaladaha ehelkooda ay ku kallifeen, kedibna mustaqbalkoodii iyo danahoodii gaarka ahaa u hura.

Sidaa darteed umadda Soomaaliyeed waxay haq u leedahay in ay la-xisaabtamaan xawaaladaha u adeego, maadaama uu qaab-xumada beecmushtarkoodu cadaadis umadda ku yahay. Cadaadiska shirkadahan dadka ay kuhayaan wuxuu u kalabaxaa dhowr nooc, oo qaarkoodna toos yihiin qaar kalena ay dadban yihiin.

Mathalan, xawaaladaha oogu waaweyn ooguna caansan ee Soomaalida waxay kaqaybqaateen maalgelinta biyo-xireenadda Itoobiya, iyagoo marka la iskudaro malaayiin ay ku bixiyeen bondhyada (bonds) dowladdaasi ay qurba-joogta u suuq-geeyeen. Uma baahnin in aynu magacyadooda halkan ku xusno, laakiin waxaa la’ogyahay in lacago farabadan ay ku taageereen dowladda Itoobiya, ama ha lagu qashbo ama yaan la-qasbin. Xarrumohooda ku kala yaallo Imaaraadka, Waqooyiga Ameerika, Ingiriiska, Soomaaliya iyo meelo kala duwan oo aan hadda halkan lagusoo koobi karin ayaa toos u iibsaday bondhyada biyo xireennada dalka Itoobiya.

Meeshii laga rabilahaa hadday shirkadahaas kamaarmaan faa’iidooyinka dheeriga ku ah ay waddamada shisheeye siinayaan, in ay ka naaquseeyaan edeeggooda dulsaarkiisa si tashiilku dadkii lacagaha lahaa ooga faa’iidaan. Oo aanayn ahayn, in ay maalgalin ku sameeyaan technoloojiga iyo qaab-fulinta adeeggooda si kharashkan culus ee laga qaadayo umadda Soomaaliyeed hoos oogu soo dhaco haddii uu xitaa la-sinmi karin kharashka Bangaladheesh.

In lacago fara-badan oo rafaad iyo cadaadis looga soo fara-maroojiyey shacab Soomaaliyeed oo baahiyaysan, keddibna lagu taakuleeyo horumarinta waddan caddow soo-jireen ku ah Soomaalida waa dullinimo. Oo weli sii-jiidashada, amni la’aanta iyo dhaqaalo-yarida marka horeba keentay baahida xawilaadda ay lugna ku leeyihiin. Qayrul-mas’uulnimada heerkaa la’eg ay keentay in si dhib-yar hanti-iswydaasigaa Itoobiyo ay la galaan xawaaladaheena waa xadgudub iyo dembi weyn oo laga galay umadda Soomaaliyeed.

Arrinta oogu daran ee gafkan kadhalanyo ayaa waxaa lagu tilmaami karaa Khayaano Qaran. Maal kala-wareejinta xawaaladaha isku garbo-taagayaan horumarinta biyo-xireenadda Itoobiya, waxaa kadhalanayo awoodo dhaqaaleed siinayo Itoobiyaanka fursado ay ku hirgeliyaan barnaamijyadii oogu yaallay qorshahooda biyo-xireennada. Siduu Cilmi Muxammad horay baaritaan ooga qoray, 22 biyo-xireen (hadda lagusoo koobay 9) ayay damacsanyihiin, saamayn weynna kuyeelanayo webiyadda Soomaaliya ee Shabeelle iyo Juba.

Sidaan horay u aragnayba, webiyadii waxay billaabeen in ay mararka qaarkood ingagayaan kedibna beeralaydii cuntada u baxaysay khasaarayaan, taasoo keenayso maceeshada magaalooyin kala duwan ay qaaliyowdo; oogu danbaynna lacagahii biilka ehelka loo xawilayay uu ku filnaan waayo. Saameyn weyn bay ku ridi kartaa nafaqada jirka iyo tan caqligaba, sida World Bank-iga uu qabo, 90% in kabadan lacagaha ladiro waxaa loo isticmaalaa cunto, caafimaad iyo waxbarasho. Hadabo waa natiijo katimid doorka shirkadaha xawaaladaha ay ku lug-leeyihiin dhabar-jabinta umadda Soomaaliyeed iyo xisaab la’aanta keentay aragti-yarada ay ku dhaqmayaan.

Waa lagayaabaa in shirkadaha xawaaladaha ay ku faanaan deeq iyo sadaqqooyin ay bixiyeen, sida gargaarka abaaraha ama samafallo kaladuwan ay ka hirgeliyeen deegaannada qaarkood. Taasina waxaynu ka oran ‘Habaa’an Manthuuraa’ waxba ma dhaanto! Marka horeba lacagahaas waxay ku yimaadeen siyaado si xaq-darro ah masaakiintii loo adeegayay laga soo dhufsaday. Waxaa ooga xaq-leh dadkii lacagta lahaa ee ehelkooda ku sadaqaysanayay illaa-iyo-xad inta oogu badan ee la gaarsiinkari lahaa. Deeq baan bixiyaa qiil ma’aha halkan, sababtoo ah deeq kalaad soo fara-maroojistay!

Xawaaladaha Soomaaliyeed waxaa kale oo ay leeyihiin ceebo aad u tiro-badan ay kamidyihiin laaluushyada siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta ka hawlgalo gobolada kaladuwan, waxaa kaloo kamid ah ribada ay sida dadban beecmushtarkooda ooga faa’iido iyo kama-dambeys xag-jirnimada hanti-goosadka ah ay kaga gabbadaan canshuurihii ku waajibilahaa adeeggooda. Laakiin ma’aha wax hadda habboon in aynu soo wada bandhigno – sababtoo ah waxaan ka door-bidayaa in aynu xal-raadis noqonnaa.

Maadaama danaha gaarka ah ee xawaaladaha ay toos ooga hor-imaanayaan danaha guud ee umadda Soomaaliyeed, sida ku cad xiriirka aas-aaska – hadba siduu dalku xaaladdiisa ooga liidato, waa siday ay faa’iidada xawaaladaha ooga weyntahay – waxaan soo jeedin dhowr qodob oo u baahan in suurta-galnimadooda laga doodo:

1) In shirkadaha xawaaladaha laga sharciyeeyo Soomaaliya oo aan loo ogolaan shirkad aan sharciyaysnayn in lacago waddanka kusoo xawisho.

2) Shirkadaha sharciyaysan maamuliddooda iyo xeer u dejintooduba la hoos-geeyo Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta (maadaama lacagaha moobaalyada maraan).

3) Waa in xawaaladaha dabaajado laga dhigaa Bangiga Dhexe, lacag kufilan maal-gudka shacabka haddii shirddu kacdo.

4) Wakkiilada waawayn waa in la qarameeyaa, kuwa yar-yarna ay ka kafaalo qaataan kuwa waaweyn, si canshuuraha lacagaha lasoo xawilo nidaam loogu sameeyo.

5) Xawaalada waa in aysan dulsaarin kharash ka badan 6% lacagaha loo soo diro Soomaaliya, taasoo u kala qaybsan (ka kooban): 4% waa kharashka isdhaafsiga ganacsadeed ee xawaaladda, 2% waa canshuurta ay qaadanayso dawladda.

6) Waddan kastaa ee dunida kuyaallo lagana soo xawilo lacag kabadan $50 milyuun sannadkii, waa in ay xaq u yeeshaan safaarad Soomaaliyeed in waddankaas laga furo.

7) Maxaa yeelay, 2% oo laga qaado lacagaha Soomaaliya loo soo xawilo waxay goyn karaan in kabadan 60 safaaradood kharashkooda (waa tusaalo ee tiradaa iyo wax u dhowba looma baahnaan-doono).

8) Waa khalad weyn in Ingiriiska oo $500 milyuun sannadkii lagasoo xawilo aan laheyn safaarad Soomaaliyeed, Itoobiyo oo wax dheef ah lega helinna ay yeelato safaarad ($300 kun wax kayar!). Hala xiro safaaradda Itoobiya ka furan.

9) In guddi la aas-aaso arrimahan baaritaan ku sameeya, kedibna soo gudbiyo talooyin ay dowladda Soomaaliyeed ku fulinkarto wixii tallaabooyin ah sida oogu dhibka yar.

W/Q: Liibaan Faarah

Contact: liban.farah@barkinka.com

Twitter: @Barkinka1

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: