Dhalinyaro ogaada

somali flagMaanta waa maalin taariikhi ah oo aan dhammaanteen isugu hambalyeyneyno qiima weynna ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed.

Waxaanse rabaa inaan isxasuusinno maanta meesha uu dalku marayo iyo hagardaamada nagu socota oo aan u baahannahay inaan meel uga soo wadajeesanno.

Waxaad moodaa in iftiin yar ka baxayo dhinaca kale ee godkii aan muddada ku soo soconnay, iftiinkaasina waxa uu rajo geliyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxaana la rabaa in yar iyo weyn, rag iyo dumar inaan loo kala harin sidii iftiinka aan aragno u sii xoogeysan lahaa oo uu u gaari lahaa iftiin maalmeed.

Haddii la isku duubnaado oo la iska jiro waxyaabaha iyagu dhaliya kala qoqobka iyo kala socodka, waxaan hubaa in waa ka duwan kana qurux badan waa yadaan soo marnay Soomaali u billaaban doono, sidaas darteen DHALINYARO I MAQLA.

Haddii dalkaan ceelka ka soo baxaya mar kale Ceelka lagu celiyo, ogow adiga ayaa waqtigii kuugu quruxda badnaa kaa dhumayaa ee ha ka yeelin, mooryaan tuug ah, xildhibaan laaluush raba iyo ganacsato isagu dowladnimada dhib u arko inuu qabiil iyo qabyaalad wax kuugu sheego.

Maanta waa maalintii dhalinyarada sidii ay SYL iyo kuwo kale oo badan oo dhalinyaro ah ay qumeysigii dalka uga xoreeyeen, waxaa la idinka rabaa inaad dalka ka xoreysaan labo dilaa oo dalkeenna la haray oo la yiraa QABYAALAD iyo DAN GAAR AH.

Walaalayaal waan hubaa in waqtigeedii la joogo ee aan dhalin iyo waayeel u wada istaagno difaaca dalka, dadka iyo diinteenna. Maanta waxaa fudud wax badan oo horumar u ah dalka iyo dadka, gacmaha aynu is qabsanno oo dhahno;

Doonimeyno dib u socod, doonimeyno daniiste oo diidnay waxaan dalka iyo dadka dan u aheyn.

Guuleysta oo dalka iyo dadka aan difaacanno.

W/Q: Cabdixakiin C. Casir

Advertisements