About

Waan ku salaamay akhriste.

Boggaan waxaa isku soo duba riday dhalinyaro dooneysa iney cod u naqdaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan codka laheyn. Waxaan rabnaa inaan halkaan ku soo gudbino waxa ay nala tahay iyo weliba waxa aan is leenahay wey fiicnaan laheyd in la sameeyo ee ku aadan siyaasadda iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa in muddo ah ummadda Soomaaliyeed lagu waday qaab aysan iyagu raali ka aheyn aysanna dooran, welina kii ayaa jira oo dadku xor uma aha iney fikradahooda cabiraan, haddii ay cabiraanna badanaa wax laga dhegeysto ma laha. Bagekaanu waxa uu isku deyi doonaa inaanan marmarsiiyo laga dhigan in aysan jirin cid dadka dalka maamula aysan jirin cid wax u sheegtay.

Waxaan isku deyi doonaa inaan halkaan ku soo qorno wax kasta oo aan isleenahay waa talo wanaagsan iyo weliba inaan halkaan ku soo bandhigno wixii wanaagsan ee la sameeyo innagoo ayideenna oo aan mar kasta mucaarad noqon doonin.

Waxaan ka codsaneynaa dhamaan dhalinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin iney fikradohooda nalala soo socodsiiyaan si aan wax uga qaadanno oo aan ku biirinno fikradaheenna.

Fadlan ha nagala xishooyinnin haddii aan qaldanno ee na sax, waxa aan rabno waa iney wax hagaagaan ee ma aha ineynu wax ku sii cayaarno.

Fadlan nagala soo xiriir e-mailkaan. mogadisho69@gmail.com

Guul iyo Gobannimo

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: