Jabka iyo Dhacca ay Xawaaladaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed

Miyaad is-waydiiseen weli sababaha keenay in kharashka xawaaladaha ay ka qaataan Soomaalida lacagaha dirto, illaa iyo haatan aynan is-dhimayn, iyadoo kharashka kaga baxo wax-isdhaafsiga ganacsigooda hoos u dagayo? Teknaloojiyadda is-gaarsiinta sida internetka iyo talleefanadda, tirade wakiiladda iyo ganacsatada meel-walba joogta, iyo, xawaaladaha badan ee dhexdooda tartamaya; intuba waxay ahaayeen inay saamayn weyn ku yeeshaan dulsaarka xawaaladaha ay kaqaataan shacabka Soomaaliyeed. Hadaba arrintii lafilanayay waa ay dhici-weyday. Waxaan rabaa, haday suurto-gal noqoto, in aan qoraalkan ku-furo dood is-waydaarsi si la’isu dhaafsado afkaar suurto-galin-karta go’aamo looga midoobayo mustaqbalka xawaaladaha. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Talo walaal oo Taabid (Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir) ku socota.

Astaanta GobolkaMarka hore waxaan rabaa inaan halkaan ugu soo gudbiyo Taabid hambalyo aan ugu hambalyeynayo xilka qaran ee lagu aaminay lagana dhex doortay dad badan oo dhammaan iyagu aaminsanaa inay yihiin masuuliyiin waxweyn ku soo kordhin kara maamulka magaalo madaxda dalka lana jaan qaadi kara maamulka cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo Raisulwasaare  Kheyre.  Waxaana rabaa inaan halkaan kuugu soo gudbiyo talo aan kuu dooray oo aan ka dhaxlay muddaddii aan masuulka ka ahaa mid ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Banaadir. Waxaan hubaa haddii taladaas lagu daro qorshooyinka badan ee aad u heyso gobolka aad rabtana inaad ku horumariso in muddo kooban wax weyn loogu soo kordhin karo ummada degan magaalo madaxda dalka.

Shaqaalaha Gobolka Banaadir

Gobolka waxaa ka shaqeeya dhalinyaro aad u diyaarsan oo weliba madax ka ah waaxyo ay runtii waqti badan geliyeen aqoonna u leh shaqadooda naftootana u huray inay wax ku soo kordhiyaan dib u dhiska dalkooda kuna shaqeynayay xaalado adag oo laga yaabo in waqti dheer uu ka maqnaan jiray mushaarkooda amaba uu hadda bilo ka maqan yahay, una hayay xilkaas inay jiri doonto maalin ka fiican maanta oo ay imaan doonaan masuuliyiin dareensan baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran shaqaalaha gobolka oo garab ku siin doona gudashada howlahooda, sienna doona qadarinta ay madaxdooda ka mudan yihiin. Waxaan marka talo kuugu soo jeedinayaa inaad ka fiirsato oo aadan ku degdegin inaad magacowto shaqsiyaad cusub oo aan howshaan garaneynin oo aad illaa maamulka waaxyaha iyo degmooyinka aad u dhiibto dad cusub. Waa muhiim in la bedelo shaqsigii lagu helo isagoo sameynayo sharci darro waana in sharciga la horgeeyaa, laakiin iska bedelkii horay u dhici jiray sxb waan kaala talinayaa haddii aad rabto horumar degdeg ah. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Maxey yihiin baahiyaha Dhabta ah ee dowladda cusub laga rabo inay wax ka qabato?

saddex-masuul-280x175In kasta oo la wada ogyahay inay wax badan u baahan tahay in waxweyn laga qabto baahiyaha iyo duruufaha maamul iyo dhaqaale ee dalka ka jira, haddana waxaa la isdhihi karaa inuu Madaxweyne farmaajo ku yimid baahi ballaaran oo ay xildhibaanada cusub iyo shacabkuba u qabaan in la helo hab maamul wax weyn ka duwan kii jiray dowladihii isaga ka horeeyay. Waxa kale oo uu isagu qudbooyinkiisa aad uga faaloon jiray intii aan la dooran, inuu haddii uu guuleysto uu aad ula dagaali doono maamul xumada iyo uruursiga dhaqaalaha dowladda oo ah mid si weyn dadka soomaaliyeed ay afka ugu hayeen muddo badan, maxaase la doorayaye laga filayaa Madaxweyne Maxammed Cabdullaahi Farmaajo?

Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Dib u habeyn in lagu sameeyo qaabka waxbarashada dalka loo maamulo, waxey keeni kartaa in la helo waxbarasho tayeysan oo weliba la isku haleyn karo joogtana ah.

images 4Muddadii yareyd ee aan masuulka ka ahaa agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaan rabaa inaan tusaale idiin tuso waxyaabo aan anigu la kulmay oo aan mar kasta sabab uga dhigayo inay muhiim tahay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maaulo waxbarashada dalka iyo weliba qaabka ay wasaaradda waxbarashadu ula shaqeyso maamullda dalka ka curtay iyo inta kale ee taageerta waxbarashada dalka.

Waxaa bishii lixaad ee 2014ka xafiiskeyga iigu yimid shaqaale u shaqeynayay heyad aanan magaceeda rabin inaan sheego oo muddo dheer ku talo jirtay inay dalka, qaasatan magaalada Muqdisho ka billowdo mashruuc waxbarasho oo dhowr milyan oo doolar ah oo socon doona muddo sedex sanadood ah. Sida ay ii sheegeen, waxa ay muddo ku noqnoqanayeen wasaaradda waxbarashada federaalka oo iyadu mar kastaba meelo kala duwan u diraysay iyada oo wax uga soo hagaagayna aysan jirin. Xubnaha aan la kulmay runtii waxa aya aad uga walwalsanaayeen inta lacagta malaayiinta ah oo ay ilmaha Soomaalidu, khaasatan kuwa Muqdisho u baahan yihiin oo laga yaabo in wada shaqeyn iyo howl fududeen la’aan inay lacagtaasi ku noqoto heyadihii soo dhiibay maadaama looga faa’iideyn waayay dadkii loo waday. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Guddiga Doorashooyinka: Qof isagu wax raba, wax qeybintiisa ma lagu kalsoonaan karaa?

imagesWaa yaabka yaabkii! Waa waxaan horay loo arag! Waa waxaan laga filanaynin qof caqli u saaxiib ah oo weliba masuul ah, waase wax haddii wararka la helayo ay run yihiin u baahan in feejignaan dheer laga yeesho sida ay dowladda Xasan Shiikh iyo madaxda maamul goboleedyadu u rabaan inay u boobaan xubnaha loo dooran rabo baarlamaanka hadda la wado in doorto.

Muddo hadda laga joogo qiyaastii sanad ayaa dowladdu magacawday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo ka koobnaa 9 xubnood oo ay guddoomiye u ahayd Xaliimo Ibrahim Ismacill (Xaliimo Yarey) ayaan guddigaas oo aan la kala dirin oo sidiisii u dhisan, Madaxweyne Xassan Shiikh soo saaray guddi cusub oo isagana la yiraahdo guddiga doorashooyinka oo ka kooban xubno ka kala socda DFS, Maamul goboleedyada iyo xubno iyaga loogu magac daray aqoonyahanno. Waxaana dad badani weli la yaaban yihiin labadaan guddi doorashooyin sida ay u kala shaqeyn karaan iyo weliba awoodaha kala duwan ee ay tahay inay kala yeeshaan. Mase magacaabidda guddigaan cusub waxa uu meesha ka saarayaa kii hore oo dhammaan howsha doorashooyinka waxaa horjoog ka noqonaya guddigan cusub? Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Yaan Laguu xulune xulo, oo xaaraan cune yuusan ku metelin, oo nin aad la xisaabtami karto keenso ummaddada Soomaaliyeedna u keen.

Marka dib loo fiiriyo muddada kooban oo ay maamullada ka dhismay dalka Soomaaliya dhismayeed dagaalkii sokeeye ka dib, waxey badanaa  ahaayeen kuwo dalka dibaddiisa lagu soo sameyn jiray marka laga reebo kii ugu danbeeyay oo Xasan Shiikh lagu soo doortay oo, waa Ilaahey mahaddiise dalka gudahiisaa lagu dhisay.

Maamulladaas waxaa ugu horeeyay kii lagu soo dhisay dalka aynu walaalana nahay ee Jabuuti, oo uu sida weyn waqtiga iyo hantidaba uu u geliyay madaxweyne Ismail Cumar Geelle. Natiijadii ka soo baxdana waxa ay noqotay, maalinba meel ha soo joogtee midda aynu maanta heysanno, oo ku dhisan qaabka 4.5ka. Taasina waa midda Soomaali ay isku raacday wallow doodo ay jiraan oo aan anigu ka mid ahay kuwa qaba in, dhibic shantu, ay meel ka dhac ku tahay ummadda Soomaaliyeed oo ay u eg tahay isliidid iyo waxaan ummadda Soomaaliyeed kala qabannin. Waxey noqotaba maanta middaas ayaa na hortaalla maalintii laga gudbaba,  maalmaha soo socdana iyadaa wax lagu soo xulannayaa inta laga gaarayo doorasho xor ah, oo uu qof kasta oo Soomaali ahi uu ninkuu doono ku soo xusho waxa uu ugu xisho. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Qeybtii 2aad ee wareysiga agaasimihii hore ee waaxda waxbarashada G/B uu siiyayIdaacadda Goob-Joog.

Halkaan ka dhegeyso qeybta 2aad ee wareysigaan oo runtii meelo kala duwan taaban doona.