Talo walaal oo Taabid (Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir) ku socota.

Astaanta GobolkaMarka hore waxaan rabaa inaan halkaan ugu soo gudbiyo Taabid hambalyo aan ugu hambalyeynayo xilka qaran ee lagu aaminay lagana dhex doortay dad badan oo dhammaan iyagu aaminsanaa inay yihiin masuuliyiin waxweyn ku soo kordhin kara maamulka magaalo madaxda dalka lana jaan qaadi kara maamulka cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo Raisulwasaare  Kheyre.  Waxaana rabaa inaan halkaan kuugu soo gudbiyo talo aan kuu dooray oo aan ka dhaxlay muddaddii aan masuulka ka ahaa mid ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Banaadir. Waxaan hubaa haddii taladaas lagu daro qorshooyinka badan ee aad u heyso gobolka aad rabtana inaad ku horumariso in muddo kooban wax weyn loogu soo kordhin karo ummada degan magaalo madaxda dalka.

Shaqaalaha Gobolka Banaadir

Gobolka waxaa ka shaqeeya dhalinyaro aad u diyaarsan oo weliba madax ka ah waaxyo ay runtii waqti badan geliyeen aqoonna u leh shaqadooda naftootana u huray inay wax ku soo kordhiyaan dib u dhiska dalkooda kuna shaqeynayay xaalado adag oo laga yaabo in waqti dheer uu ka maqnaan jiray mushaarkooda amaba uu hadda bilo ka maqan yahay, una hayay xilkaas inay jiri doonto maalin ka fiican maanta oo ay imaan doonaan masuuliyiin dareensan baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran shaqaalaha gobolka oo garab ku siin doona gudashada howlahooda, sienna doona qadarinta ay madaxdooda ka mudan yihiin. Waxaan marka talo kuugu soo jeedinayaa inaad ka fiirsato oo aadan ku degdegin inaad magacowto shaqsiyaad cusub oo aan howshaan garaneynin oo aad illaa maamulka waaxyaha iyo degmooyinka aad u dhiibto dad cusub. Waa muhiim in la bedelo shaqsigii lagu helo isagoo sameynayo sharci darro waana in sharciga la horgeeyaa, laakiin iska bedelkii horay u dhici jiray sxb waan kaala talinayaa haddii aad rabto horumar degdeg ah.

Daadejinta awoodaha hirgelineed

Waxaa kaloo jira oo aan rabaa inaan hoosta kaaga xariiqo arin aan dad badani aysan kuu sheegi doonin oo runtii sal u noqon doonta maamul wanaagaada maadaama aad adigu tahay madaxii u sareeyay maamulka gobolka iyo magaalada Muqdisho. Nin ka mid ah shaqaalaha gobolka oo nin oday ah Ayaan maalin shir isugu nimid, oo aan kaftannay intii uusan shirku billaaban markaas ayuu igu yiri eray aan rabo inaan kula wadaago oo ahaa, isagoo saluugsan kaftankeyga iyo sida aan wax ugu sheegaayay, ayuu yiri “Agaasime, Afrika ku xigeen ma leh” oo uu ula jeedo, shaqada qofka leh muhiim ma aha ee waxaa muhiim ah waxa uu guddoomiyuhu rabo. Arintaas waan kaaga digayaa oo haddii aadan baahin maamulka oo aadan masuul kasta aadan u fasixin kulana xisaabtamin shaqadiisa waxaan u malaynayaa shaqaaluhu sida hadda jirtaba mushaar ayey qaadan doonaan ee wax soosaar fikir iyo horumarin ku saleysan lagama sugi doono. Sidaas darteen walaalkeeyow daadeji maamulka gobolka oo ha caddaato shaqada xafiis kasta lee yahay iyo qofka looga danbeynayo iyo cidda ay la shaqeynayaan inta aan adiga lagu soo gaarin.

Qorshaha gobolka iyo miisaaniyadda waaxyaha iyo degmooyinka

Gobolka Banaadir qorsho iyo miisaaniyad lagu shaqeeyo ma laheen markaan joogay welina ma maqlin mid la sameeyay oo maalinba shaqaa soo boodi jirtay markaas ayaa sidii demdemiska loogu ordi jiray iyada oo aan laga tixgelin qofka shaqada lahaa. Markaas ayaad waxaad arkaysaa maalin kasta howl guddi loo saaraayo iyada oo aysan war ka heynin waaxdii shaqadaas ku magcowneed oo weliba qof kale looga dhigayo horjooge. Waxaan ku talinayaa in aad yeelato qorsho gobol oo dhinacyo badan taabanaya oo ay miisaaniyaddiisu cadahay halka ay ka imaanayso oo weliba fulintiisu ay waqti leedahay laguna xisaabtamo waaxda ay quseyso iyadoon laga kor dhiseynin guddiyo maalinba meel u orda oo aan wax horumar ah aan u soo kordhinaynin dhismaha iyo horumarinta maamulka gobolka.

Isbedel neceebka iyo rabitaabkii hab dhaqankii dhowladdii hore

Waxaad arki doontaa niman akhiyaar ah oo aad u sharaf badan oo gobolka ka shaqeeya amaba magaalada jooga oo isbedelka aan jecleen oo ku dhahaaya dowladdii Siyaad barre gobolku sidaas uma shaqeyn jirin oo waxaas shaqadiisu ma aheyn. Waxaan kuu sheegayaa kuwaas inay yihiin kuwa la haray horumarka maamulka gobolka Banaadir waxeyna ku nool yihiin casri dhintay oo aan dib u soo noolaaneynin si kasta oo ay u jecel yihiin. Ama aan jeclaanno ama aan necbanaanno, inta uu xalku saan yahay soomaaliya waa dal federaal ah wax badan oo ay dowladdii dexe qaban jirtayna waxaa la rabaa inay qabtaan maamul goboleedyada iyo madaxda magaalada Muqdisho, sidaas darteed waa inaad qorshe cad ula timaado sidii aad u hormarin laheyn adeega bulshada gobolka banaadir. Magaaldu waa magaalo qani ah oo ay dadkoodu dhiibaan canshuur xad dhaaf ah oo aan hadana wax loogu qabto canshuurtooda aysan jirin. Waxa kale oo ay magaaladu leedahay dhulal adeeg bulsho loogu talo galay oo ay shaqsiyaad si gaar ah uga faa’iideystaan. Waax kasta diiwaanka hantidaas ayaa laga heli karaa, balse waa in aad la timaado qorsho cad oo aad adeeg bulsho oo laga maal gelinayo handita soo gasha gobolka oo aan heyad loo dabo fariisaneynin aad ka billowdo magaalada muqdisho. Sida aad ku aragtay waxbixinta Heritage, baahida ay dadku ka hadlayaan marka laga yimaado nabad gelyada waa adeega caafimaadka iyo waxbarashada, wasaarad dadkaada u sameyneysana ma jirto maanta waa inaad qorshe cad oo suurta geliya in degmooyinku ay dadkooda wax u qabtaan aad la timaado iyo miisaaniyay qorsheysan oo waxa ay ku baxeyso ay cad yihiin.

Xafiis qaldan oo ku dhex yaalla G/Banaadir

Waxaa jiro xafiis gobolka ka dhisan oo aan aaminsanahay inuusan shuqul ku laheyn shaqada ay tahay inuu qabto gobolka Banaadir oo weliba sumcad xumo u keena gobolka waqti iyo hanti bandanna lagu bixiyo. Waana xafiis ku haboon marka la fiiriyo shaqada ay qabtaan inuu ka shaqeeyo garsoorka dhexdiisa sida maxkamadda gobolka. Xafiiska aan kuu sheegaayo waa xafiiska khilaafaadka dhulka. Ma garanaayo sabab uu ugu dhexyaallo gobolka marka uu qabanaayo shaqo ku saabsan xalin qilaafaad oo ku haboon xafiisyo ka mid ah garsoorka. Adiga ayaa ah madaxa gobolka manta, adoo la kaashanaayana madaxda qaranka waxaad awoodaa inaad wax ka qabato hab u dhaqanka maamul ee laga dhaxlay waqtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray. Aragti ahaan xafiiska farsamada dhulka ayaa igula haboon inuu sameeyo wixii xag farsamo ku saabsan oo ay maxkamadi soo weydiiso, balse laga daayo xafiis aan maxkamad aheyn hadana labo qof oo wax isku heysta u kala garnaqaya, mararka qaarkoodna go’aanno gaara hirgeliyana isaga oo amraya guddoomiyaha degmada amaba wada ciidan oo aan la aqoon meel ay ka socdaan. Waa xad gudub wax yaabo badan oo uu xafiiskaasi qabanayo marka la fiiriyo qaabka ugu haboon ee cadaaladda. Waa inay maxkamad ay qabataa howshaa aragti ahaan.

Shirarka waqti dhumiska ah iyo xiriir la’aanta shaqaalaha

Waxaad arki doontaa kuwo albaabkaada subax kasta taagan oo aad ka harsan weydo kuuna diida inaad shaqooyinkaada gudato. Waxaan maqli jiray, agaasimayaal ka calaacalaya oo ku dhibaateysan sidii ay ugu gudbin lahaayeen warbixinno xasaasi ah guddoomiyaha maadaada uu mar kastaaba uu shir kula jiro oday dhaqameed, xildhibaan, jeneraal iyo kuwo magacyo badan leh oo iyagu xilliga ay rabaan yimaada xafiiska ay rabaan sidii inay boqorro yihiinna uu guddoomiye kasta uu u daayo dhammaan shaqadii laga rabay inuu ummadda u qabto. Waxaan kaala talinayaa inaad waqtigii aad shaqadii gobolka aad qaban laheyd inay kaa dhumiyaan dadka aan kor ku soo sheegay, kuuna diidaan inaad si habsami leh aad u gudato shaqooyinka dowliga ah. Haddii aadan iska jirin kuwaas waxaan arki doonnaa calaacalkii ay agaasimayaasha iyo guddoomiyayaasha degmooyinku ay maalin kasta sheegi jireen, iyadoo ay yaraaneyso waqti aad ku dhisto amaba aad ku hirgeliso qorshaha horumarineed ee aad ugu talo gashay gobolka Banaadir.

Ugu danbeyn, guddoomiye kasta oo la magacaabo waxa uu waqti badan geliyaa waxyaabo kala dhexeeya heyado kale oo uusan awood dhameystiran u laheyn markaas ayuu hilmaamaa wixii ay dadka magaalada degan ka sugayeen. Sxb ahmiyaddaadu ha ahaato sidii aad u qaban laheed waxyaabaha aasaasiga u ah ummadda degan magaalada adigoo la kaashanaya cid kasta oo raali ka ah inay kaa caawiso. Waxaanse kaaga digayaa in qorshahaada mar kasta lagaa leexiyo amaba lagu tuso qorshayaal qurux badan oo sidii dhaan dabagaalle ah oo aan weligiis hirgelaynin. Hubso dadka aad la shaqeyneyso ujeedkooda si ay u noqdaan kuwo ku garab istaaga oo kula hirgeliya qorshaha horumarineed ee aad u rabto magaalo madaxda dalka kuna saxa ama ku tilmaama markaad tilmaan u baahan tahay.

 

Mahadsanid

W/Q: Cabdixakin Cali Casir

Agaasimihii hore ee Waaxda Waxbarashada Gobolka Banaadir

mogadisho69@gmail.com 

 

Faallo u dhaaf